
Abuu C/raxmaan ayaa sheegayin dad iyaga u adeega oo ku sugan Muqdisho ay u fududeeyaan dilka dad uu ku sheegay “kuwa waxdhiba” oo uu ku sifeeyey askarta nabadsugida DKMG ah.
“Usbuucyadii la soo dhaafay illaa 15 saraakiil iyo askarta jawaasiista ayaa noo suurta gashay inaan ku khaarajino gudaha Muqdisho” ayuu yiri isagoon sheegin in dad rayid ah ay dileen.
Wuxuu kaloo sheegtay in afar jeer weeraro loo adeegsaday hoobiyaal ay ku qaadeen xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Maxamed Xasan (Abuu C/raxmaan) wuxuu ku goodiyey inay sii wadi doonaan dilalka qorsheysan ee ay ka wadaan magaalada Muqdisho.
Hadalkiisa wuxuu imaanayaiyadoo toddobaadyadii u dambeeyey degmooyinka magaalada Muqdisho qaarkood ay ka dheceen dkilal qorsheysan oo loo geystay dad isugu jira askar iyo rayid.
RBC Radio
No comments:
Post a Comment