Sunday 11 March 2012

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaallo Ka dhacay Muqdisho,Baydhabo iyo Luuq (Warbixin).


Written by Administrator on .
somalimemo.netWaxaa soo gaba gaboobay dagaallo culus oo galabta illaa iyo caawa ka socday magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho ee Koonfurta dalka Soomaaliya.


Magaalada Baydhabo wararka nagasoo gaaraya waxay sheegayaan in Howlgal galabta ay ciidamada Xarakada Al Shabaab qaadeen uu soo idlaaday kadib markii ay gaareen hadafkii ay lahaayeen sida ay sheegeen saraakiisha ciidankaasi.


Xaaladda Baydhabo ayaa kacsan waxaana caawa fiidkii saldhigga Baydhabo ka dhcay qarax weyn oo loo adeegsaday Bambaano gacanta laga tuuray.


Khasaaraha ka dhashay dagaalada Baydhabo cid sheegi karto majirto maadaama xilli habeen ah ay tahay iyo dagaalada oo daqiiqado ka hor soo idlaaday.


Dhanka wilaayada Gedo dagaalkii weynaa ee saaka ka qarxay tuulada Yurkut waasoo idlaaday wuxuuna dagaalkaasi ku dhamaaday guusha oo Islaamka raacday iyo khasaaraha iyo jabka oo dhanka cadawga ku dambeeyay.


somalimemo.net
Sawir Hore


Howlgalada Muqdisho


Dhinaca kale ciidamada wilaayada Banaadir ayaa caawa dagaallo culus ka galay xaafado katirsan degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ugu culus wuxuu ka dhacay Isgoyska Jamhuuriyo iyo xaafadda Fagax hugunka rasaas iyo madaafiic culus ayaa muddo saacadaha ah laga maqlayay magaalada Muqdisho.


Waxaa muuqata in uu dhaqan galay khidad ay hogaanka sare ee Xarakada Al Shabaab dejiyeen bishii Augst ee sanadkii lasoo dhaafay oo ay dagaalka uga dhigeen mid guurguura.


SomaliMeMo
Muqdisho

admin@somalimemo.net

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...