Tuesday 27 March 2012

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo kulammo Albaabbadu u xidhan yihiin maanta la yeeshay Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Somaliland

Hargeysa (RBC):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa markii ugu horreysay maanta kulan albaabbadu u xidhan yihiin ku yeeshay qasriga madaxtooyada tan iyo markii uu xilka wareejiyey xilka madaxtinnimo 27-kii Julay 2010-kii.
Booqashada Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB, ahna xubin sharafeed ka tirsan Mudanayaasha golaha Guurtida. ku tagay maanta madaxtooyada oo ahayd booqasho sharafeed, waxa qasriga si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo masuuliyiin kale oo Afhayeenka madaxtooyadu ka mid yahay, hase-yeeshee, kulanku waxa uu gaar u ahaa Siilaanyo iyo Rayaale.
Kulankaasi oo aan wax war ah laga soo saarin, ayay ilo-wareedyo ka agdhaw madaxtooyada u tibaaxeen RBC Radio (raxanreeb.com) inay labada Masuul ka wadahadleen arrimo dhawra, isla markaana si dhaw isaga xog-waraysteen arrimo kala duwan oo wadanku marayo wakhtigan hadday tahay dhinaca siyaasadda iyo meelaha ay horumarka ka muujisay xukuumadda Siilaanyo.
Geesta kale, Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu kulan albaabbadu u xidhnaayeen la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Somalilad Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).
Waa markii ugu horreysay ee Daahir Rayaale markii uuu xilka wareejiyey ka dib kulammo noocan oo kale ah la yeesho Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.

1 comment:

Anonymous said...

What's Taking place i'm new tо thіs, I stumblеԁ upon thіs I've found It positively useful and it has aided me out loads. I hope to contribute & help different users like its aided me. Good job.
My website > loans for bad credit

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...