Thursday 29 March 2012

Kooxo hubeysan oo xalay weeraray Saldhigga Degmada Huriwaa iyo Dad shacab ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho

Khamiis, Maarso 29, 2012 (HOL) — Xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weeraray saldhigga degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kale laba qof oo shacab ah siyaabo kala duwan loogu dilay xalay magaalada Muqdisho.

Laba qof oo dhinacyadii hardamay ka mid ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka saldhigga lagu qaaday, iyadoo maamulka degmada Huriwaa ay sheegeen in weerarku uu ahaa mid gaadmo ah ayna iska difaaceen ciidamadu kooxihii weerarka soo qaaday.
Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegay in dagaalka uu socday dhowr daqiiqo la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadku ay sheegeen in cabsi weyn ay soo wajahday dadka ku nool degmada.
Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa xalay waxay laba qof ku dileen magaalada Muqdisho, iyadoo labada qof mid ka mid ah ay ahayd haweeney lagu toogtay agagaarka isgoyska Baar Ubax ee degmada Hodan, lamana oga sababta labadan qof loo dilay.
Habeennadii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo hubeysan, inkastoo dowladdu ay ku eedeyso inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo billowday sannadkii hore inay Muqdisho isaga baxdo.
Saraakiisha ammaanka Muqdisho ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno ay ku raadinayaa kooxaha ka dambeeya dilalka qorsheysan ee Muqdisho ka dhaca, inkastoo Al-shabaab ay sheegtay inay waddo qorshayaal ay ku beegsanayso saldhigga dowladda iyo kuwa AMISOM ee Muqdisho ku yaalla.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.comMuqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...