Saturday, 2 February 2013

Dhageysiga Dacwadii Wariye Cabdicasiis Koronto Iyo Haweeney La Kufsaday oo Maanta Ka Dhacaysa Muqdisho Iyo Socdaalka Madaxweynaha oo Ay Arrintan Hareysay



Muqdisho (RBC) Waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in maxkamadda gobolka Banaadir ay ka furanto dacwadda loo heysto wariye CabdicasiisCabdinuur Ibraahim Koronto oo loo heysto inuu wareystay haweeney la kufsaday, iyo naagtii uu wareystay.
Dacwada ayaa waxaa sidoo kale ku jira haweeneysa la kufsaday seygeeda, iyo labo ruux oo kale oo iyagana loo heysto inay wada xiriiriyeen haweeneyda la kufsaday iyo wariye Cabdicasiis Cabdinuur Koronto.  Waxaana dhammaan dadkan la xiray 10/01/2013.
Qareenka u doodaya dadka eedeysanayaasha Maxamed Maxamuud Afrax ayaa sheegay in dhageysiga dacwada maanta ay ka dambeysay ka dib markii uu hor istaagay xukun “boobsiis” ahaa oo la rabay in lagu rido wariyaha iyo haweeneyda la heysto balse sharci ahaan uu horistaagay inuu xukun dhaco iyadoo qareenka uusan maxkamadda joogin.
Dhageysiga dacwada maanta ayaa lagu wadaa inay soo jiidato indhaha saxaafadda, ururada xuquuqda aadanaha iyo dhammaan wakiilada caalamka ee ku sugan Muqdisho.
Dhanka kale wasiirka garsoorka dawlada federaalka C/laahi Abyan Nuur oo shalay la ka hadlay warbaahinta dawlada ayaa shaaca ka qaaday in dawlada ay soo dhameystirtay eedeymaha loo heysto wariye Cabdicasiis Cabdinuur iyo haweeneyda la kufsaday oo horey magaceeda ay dawladu u faafisay.
Wasiirka ayaa yiri “markii hore eedeymo ayay ahaayeen laakiin hadda dembiga wariyaha waa la sooo cadeeyay”.
Laakiin madaxa Xafiiska Dallada Xuquuqda Aadanaha Afrika Xasan Shire Sheekh ayaa ku tilmaamay heerka garsoorka dalka inuu hadda marayo in cadaaladii loo rogay mijaha ka dib markii meel qaldan laga abaaraykiiska wariyaha iyo haweeneyda loo heysto.
“Markii horaba waxaa muuqata in meel qaldan laga abaaray kiiska, waxay ahayd in kuwii dembiga geystay la raadiyo oo wariyaha iyo haweeneyda dhibanaha ah iyaga la dhageysto.”ayuu yiri Xasan Shire Sheekh oo xalay u waramay idaacadda VOA.
Socdaalka madaxweynaha
Dhinaca kale, arrinta dacwada ka dhanka ah wariyaha wareystay haweeneyda dhibbanaha ah ayaa si weyn u hareysay socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku marayo wadamada Yurub.
Wargeysyada waaweyn ee ka soo baxa Yurub ayaa soo bandhigay dacwaddan iyagoo markasta keenaya su’aalo ah in dawlada cusub ee Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo aamusin doonta dhibanayaasha kufsiga iyo madax bannaanida saxaafadda.
Sidoo kale dawlada Mareykanka oo caawa ka hadashay arrinta dacwada ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Soomaaliya ay ku jirto tijaabo sida ay u maareyso kiiskan.

RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...