Saturday, 2 February 2013

Wiil Yar Oo Mucjiso Ah Oo Ku Dhashay Magaalada Boosaaso Iyo

 Wiilkaasi Oo Ka Maqan Qaar Ka Mid Xubnihiisa(Daawo Muuqaal+Warbiixin)PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Saturday, 26 January 2013 11:26

Wiil yar oo mucjiso ah oo ku dhashay Magaalada Boosaaso iyo Wiilkaasi oo ka maqan Qaar ka mid xubnihiisa(Daawo Muuqaal+warbixin)


Wiilkaan yar ee mucjisada ah ayaa waxaa la sheegay inuusan lahayn wax gacmo iyo luga ah toona asagoona intiisa kale ee jirkiisu ay yihiin caadi arintaas oo yaab ku noqotey dhaqaatiirta iyo waalidiinta wiilkaas dhalay, wiilkaan oo dhawaan oo ku dhashay magaalada oo Boosaaso ayaa Dr. Yaasiin Faarax Cartan oo ah dhaqtar ka howlgala isbitaalka uu ku dhashay wiilkaas ayaa sheegay inay tahay arintaan mucjiso rabaani ah islamarkaana aan horey loogu arkin noocaan oo kale ama wax la mid ah dalka Soomaaliyeed laakiinse ay horey uga dhici jireen wadamada aduunka, Sidoo kale ayuu Dr. Yaasiin Faarax Cartan waxaa uu sheegay inaysan garin karin waxa sbabay arintaas asagoona sheegay inay aabaha iyo hooyada dhalay ilmahaan ay yihiin dad caadi ah asagoona sidoo kale sheegay inaysan hooyadu qaadan wax daawo ah is qilaafsan oo u keeni kara dhibaato ilmaha ku jira caloosha hooyada.


Ugu dambeyntiina iyadoo arintaan ay tahay mucjiso rabaani ah ayaa sidoo kale waxaa arinta wiilkaan yar wel wel ka muujiyey abaaha dhalay cunugaas mucjisada ah oo lagu magacaabo Barkhad Salaad Faarax asagoona umada Soomaaliyeed iyo dadka muslimiinta ah dhamaantood ka codsaday cidii cawino karta inay ku soo caawiyaan wixii ay u awoodaan, Sidoo kale ayaa qaar ka mid ah wadaadada Soomaaliyeed oo ka hadlay arinka wiilkaas mucjisada ah ayey waxay ku tilmaameen arinka wiilkaan mucjiso u baahan in lagu cibra qaato islamarkaana lagu sabro ilaah dartiis.

Daawo Muuqaal Ahaan Mucjisada Wiilkaan yar Mucjisada ah:

Adobe Flash Player not installed or older than 9.0.115!
Get Adobe Flash Player here

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...