Sunday 24 February 2013

Maareeye “Dowladda dhaq dhaqaaqeeda wuxuu gaabis noqday markii Madaxweynaha la doortay”



Posted on Feb 24 2013 - 6:36pm by Master
 
Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadii KMG aheyd Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya waxqabad la’aan, kadib wareysi uu siiyay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqa dowladda uu gaabiskeeda bilowday markii Madaxweynaha la doortay, isagoo xusay in Madaxweynuhu aanu ka soo bixin sharcigii laga sugayay inuu dalka ku hogaamiyo.
“Waxaa dhihi karaa dhaq dhaqaaqa dowladda waa yar yahay, maxaa yeelay dhaq dhaqaaqeeda wuxuu gaabis noqday markii la doortay Madaxweynaha, ilaa iyo hada sharcigii kama soo bixin, dhismaha Xukuumada ayuu la soo daahay, sida Ra’iisul Wasaaraha, mudada yar ee dowladda dhameystiran tahay muddo labo bilood”ayuu yiri Mr Maareeye.
Maareeye
Mr Maareeye ayaa sidoo kale sheegay in muhiimada ugu horeysa ee dowladda sugeysa ay tahay in ugu horeyn ay dalka gudihiisa wax ka qabato, isagoo tilmaamay in looga baahan yahay in bulshada qeybaheeda kala duwan ay culeys saarto iyo inay xoojiso dhismaha Ciidamada qalabka sida.
Sidoo kale Mr Maareeye ayaa sheegay in dalka u baahan yahay hogaan dadka ku dhiira geliya wadaniyad, isla markaana Ciidamada moraalkeeda dhisa, hase waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Saraakiishii soo dagaalamay ee halganka soo galay in xilkooda laga qaado, waxaana uu tilmaamay in wali halkgankii socda, taasna ay hakineyso xoreynta dalka sida uu yiri.
Arrimaha aadka loo hadal haayo ayaa waxaa ka mid ah, iyadoo xilligan dhaqaale la’aan baahsan uu ka jiro dalka, hoos u dhac ku yimid doolarka iyo wax walba oo kala socod ahaa uu noqday mid isku xayirmay, waana tan bulshada qeybaheeda kala duwan ay ku tilmaamayaan inay wax kala socon la’yihiin.
Inkastoo dowladda Soomaaliya ay jiraan duruufo heysta, hadana waxaa jira dhaliilo loo jeedinayo qaabka ay wax u wado, waxaana taas ay keentay in shirar kala duwan ay ka dhacaan Nairobi iyo Muqdisho, kaasoo looga arinsanayay qaabka wax u socdaan, waxaana tan ugu weyn ka taagan tahay arrinta mushaaraadka Xildhibaanada iyo shaqaalaha dowladda.
Bisha Maarso oo uu furmo doono kalfadhiga Baarlamaanka ayaa la filayaa inay weji cusub ay gasho siyaasada Soomaaliya, waxaana socda olole siyaasadeed xoog leh oo maalmihii u dambeeyay laga dareemay magaalada Muqdisho.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...