Xildhibaankan oo lagu magacaabo Jaamac Axmed Maxamuud ayaa todobaadkii la soo dhaafay lagu qabtay deegaanka Gabiley, xilli uu booqanayay, waxaana saraakiisha booliska ay sheegeen inay muddo ku raad-joogeen xildhibaankan oo si qarsoodi ah ku soo galay Somaliland. Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ah Gudoomiye kuxigeenka Gudiga amniga ee Baarlamaanka ayaa ka cosaday Somaliland inay sii daayaan Xildhibaanka u xiran oo uu sheegay inay ula macaamileen qaab mas'uuliyadeed. Dahir Amiin Jeesow ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay ka filayeen inay qafiifiso habkii ay ula macaamili jireen siyaasiyiinta ka soo jeeda ee ka tirsan dowladda, kuwaasoo horay looga mamnuucay inay tagaan deegaanada Somaliland. Waxaa uu sheegay inay socdaan wada hadalo lagu sii deynayo Xildhibaanka, isagoo xusay inay rajeynayaan inay aqbalaan Somaliland baaqa ay u jeediyeen ee ah inay sii daayaan Mudanaha ka tirsan Baarlamaanka. Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka yaala xeer dambiile qaran, waxaana ay ka mamnuucan yihiin inay tagaan deegaanada Somaliland, hadii ay soo galaana xabsiga la dhigayo. Inkastoo wada hadaladii bishii July ee dhex maray Soomaaliya iyo Somaliland uu qodobo ka mid ah dhigayay in la qaado xayiraada Somaliland saartay siyaasiyiinta u dhashay ee ah inay tagi karaan deegaanadooda. Somaliland ayaa sanadkii 1991-kii sheegtay inay gooni isaga taagtay Soomaliya inteeda kale, isla markaana ay tahay dowlad madax banaan oo dooneysa inay aqoonsi ka hesho Caalamka.
Master on February 11 2013
| ||
0 Comments · 5443 Reads · ·
|
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Monday, 11 February 2013
Somaliland oo loogu baaqay inay sii deyso Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment