Wednesday 27 February 2013

Maamulka Puntland oo si Kulul u Dhaleeceeysay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya (Warsaxaafadeed)



Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
Galdogob (RBC Radio) Warsaxaafadeed kasoo baxay maamul goboleedka Puntaland ayaa lagu dhaleeceeyey warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan : dowlada federaalka Soomaaliya waxa ay carqaladeynaysaa nidaamka lagu soo doortay madaxda dowlada ayna ku dhaarteen hirgalintiisaoo ah  maamul goboleysiga dowladu waxa ay fara galin ku haysaa hawlaha maamul u samaynta gobolada  dalka sida maamulka Jubaland waxayna dowladu hareer martay hawshii loo igmaday oo ahayd iney bulshada u madax baneyso samaysashada maamuladood taasoo ah wadada ay shacabka Soomaaliyeed ku gaari karaan xasilooni,horumar,hirgalinta cadaalada iyo dib u heshiisiinta dhab ah.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri halkii dowlada Soomaaliya looga fadhiyey meel marinta hawlahaas waxay u tafa xaydatay iney mudnaanta siiso heshiisyo ay la gasho shirkadaha shidaalka baara kuwo cusub iyo waliba soo nooleynta wadahadalo ay Soomaaliya kula jirtay shirkado ku shaqa leh shidaal qodista iyadoo heshiisyada kula gashay shirkadahaas iney shidaal ka baaraan deegaano aan ku jirin gacanta dowlada federaalka ah taasine waa qiyaano cad ilaa ay ka wada dhameystirmaan dhisida maamul goboleedyada dalka oo dhan.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa sidoo kale lagu yiri hadaba umada Soomaaliyeed waxay door weyn ku leedahay go’aan ka gaarista qodobadaas  hadii la qaado tallaabada nuucaas ah waxay dhaawacaysaa geedi socodka xaalada dalka waxayna dab kusii shideysaa siyaasada dalka ee aan cagaha adag ku taagneen hadaba waxaan kula talineynaa dowlada Soomaaliya ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka iney maal,muruq iyo waqtiba ku bixiso dib u dhiska iyo  dib u dayactirka dalka halka ay inta yar ee ka hadhay iibgeyn lahayd.
Maamulka Puntland wuxuu si cad u sheegayaa in awooda go’aan ka gaarida maamulada dalka ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo ay metelayaan maamul goboleedyada dalka, kuwaas oo isla meel dhigo doona wax wada qeybsiga gobolada,maareynta ilaha dhaqaale ee dabiiciga ah iyo  ilaa ay ka dhamystiranto dowlada Soomaaliya markaas kadibne la gaaro wada xaajood dhexmara dowlada iyo maamulada dalka ka dhismaya.
Warsaxaafadeedka oo aad u dheeraa ayaa waxaa kaloo lagu yiri maamulka Puntland wuxuu dhaqan galinayaa isla markaane uu diirada saarayaa hirgalinta shuruucda u taala maamulka Puntland,wuxuuna ugu baaqaya dowlada federaalka ah ee Soomaaliya iney u hogaansanto dastuurka dalka uyaala isla markaane ay taageerto dhisida maamul goboleedyada dalka si sida ugu dhaqsaha badan loogu yagleelo baarlamaanka dhexe ee federaalka oo awood buuxda u yeesha inuu meelmariyo garsoorka dalka iyo dib u heshiisiinta iyo in laga fogaado wax kasta oo cirka kusii shareeri kara qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa lagu soo gabagabeeyey Warsaxaafadeedka  kasoo baxay maamulka Puntland.
Cawrala Qoricuud
RBC Radio
Caasimada Galbeedka Mudug Galdogob
Email: Qoricuud@gmail.com
Twitter: @Qoricuud
Facebook: Nuxnuxdiid
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...