Thursday 21 February 2013

Daawo:Xuska Xasuuqii Daarood Ee 1991-Dii Iyo Dadkii Ka Hadlay Xasuuqan Oo Xusay In Maxkamad La Soo Taago Dadkii Xasuuqan Ka Dambeeyay (Daawo)


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Sunday, 10 February 2013 01:39

Daawo Xus iyo Baroordiiq loo dhigay Dadkii 1991-dii loo xasuuqay waxaad u dhalateen (Beesha-Daarood)waxaana xafladan la isku af-gartay in Maxkamada Aduunka loo gudbiyo Dagaal-Oogayaashii Xasuuqa ka geystay Magalooyinka,Muqdisho,Beledweyne,Gaalkacyo iyo Xasuuqii Jabhadii SNM la oran-jiray ka geysteen Gobolada Waqooyi-Galbeed ee hada loo bixiyay Somaliland

Dadkii ka hadlay Baroordiiqan ayaa xusay inaysan ujeedadooda aheyn inay fidno iyo belaayo dhex-dhigaan Beelaha Soomaaliyeed,balse ujeedadoodu tahay inay u hadlaan Meydadka sida xaqdarada ah loo xasuuqay lana dhacay hantidoodii iyo guryahoodii,iyadoo ilaa iyo hadda aysan jirin Soomaali raali-gelin ka bixisay xasuuqii 1991-dii Soomaaliya ka dhacay.

Ragii iyo Dumarkii ka hadlay Baroordiiqdan ayaa talo ku soo jeediyay in Dagaal-oogayaashii iyo dadka lagu tuhmayo xasuuqii 1991-dii  maxkamad cadaalad ah lasoo saaro,markaasna laga shaqeeyo sidii ay isku cafin-lahaayeen Soomaalidda,maadaama aysan jirin weli dib-u-heshiisiin loo qabtay Soomaalidda iyo raaligelin laga bixiyay Xasuuqii xaqdarada ahaa ee Beel Soomaaliyeed 1991-dii lagula kacay welina aan raaligelin laga bixin dhibkii loo geystay,waxaana intaas sii dheer iyadoo weli 22-sanno kadib hantidii Beeshan la xalaaleystay loona baahan-yahay in dib loogu celiyo qofkasta oo Soomaliyeed hantidiisa,maadaama ay Dawlad dhalatay.

Dadkan ayaa ku andacoonaya maadaama Dawlad-Soomaaliyeed la dhisay 22-sanno kadib,kuwii horana ay ahaayeen ku-meel-gaar in markan looga fadhiyo Dawladan-cusub in sida Koonfur-Afrika ka dhacday oo kale in la qabto Heshiis loo qabanayo Beelaha Soomaaliyeed iyo in Maxkamad  la soo taago dadka lagu tuhmayo xasuuqii 1991-dii ee aysan jecleyn Soomaalida qaarkood in laga hadlo,waxayna sheegeen in laga shaqeeyo sidii Soomaali isku cafin-laheyd.

Waxaa xusid mudan Soomaali waxay 22-sanno u heshiin la'dahay inay ugu weyn-tahay iyagoo aan xisaabtamin Xildhibaana u doorta kuwii xasuuqa u geystay Soomaalida,balse hadii la xisaabtami-lahaa waxaan shaki ku jirin in mar-hore qalbiga la isku furi-lahaa lana heshiin-lahaa,laakiin inta Gacanku-dhiigle sida Jaamaca Diplomaasiga ka ah Safaaradda Soomaalidda ee Turkiga abaal looga dhigayo dadkii uu xasuuqay weligeed Soomaali kama heshiinayso Xasuuqyaddii wadanka gudihiisa ka dhacay ee hala xisaabtamo hana laga soo garbaxo dadka la xasuuqay Ehelkooda ee weli jawaab ay ku qancaan aan la-siin lagana raali gelin Ehelkoodii la xasuuqay.

Daawo Xuskan Baroordiiqa ah ee Canada lagu qabtay:

Adobe Flash Player not installed or older than 9.0.115!
Get Adobe Flash Player here

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...