Thursday, 14 February 2013

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Xildhibaan Nuur


Muqdisho(RBC Radio) Tacsi Inaa-Lilaahi Waa Inaa Ilaahi Raajicuun Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa wuxuu u tacsiyeynayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan qoyskii,asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariisto Marxuum Xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan oo xubin ka ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa wuxuu ku tilmaamay Xildhibaankii geeriyooday inuu ahaa Xildhibaan kasoo qeyb qaatay nabadeynta iyo dib u dhiska Qaranka Soomaaliyeed. Wuxuuna Alle uga baryayaa inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo anagana iyo eheladiisana samar iyo iimaan naga wada siiyo. AAMIN, AAMIN,AAMIN.



RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...