Saturday 16 February 2013

Aas Soomaali wayn u dhantahay oo Garoowe loogu Sameeyey Marxuum sheekh C/qaadir Nuur Faarax. (Warbixin+Sawirro)


Garoowe (RBC RADIO) Aas Qaran oo ay u dhantahay Soomaali oo dil ayaa Maanta duleedka Garoowe loogu  sameeyey Sheekh C/qaadir Nuur Gacameey oo Shalay kooxo hubaysan ay ku tookteen Masjid ku yaala Magaalada garoowe, Aaska Sheekha Alle ha u raxmadee waxaa kasoo qayb galay Madax uu ka mid ah Dowlada Federaalka oo uu ugu Horeeyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Maaliyada Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ee somaliya, Culumo uu Hogaaminayo sheikh Nuur Baaruuud Gurxan oo Muqdisho ka yimid Culumo sidoo kale ka kala Yimid hargaysa, Laascaanood, Galdogob ,Gaalkacyo ,Boosaaso, iyo Bartamaha Soomaaliyaba iyadoo sidoo kale Madaxda Puntland oo uu Hogaaminayo Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Faroole iyo ku xigeenkiisa ay Madasha ku sugnaayeen  oo ay wehliyaan Kumanaan Shacab ah waxaana dhamaan ay ka qayb galeen Salaada Janaasada oo si wada jir ah loogu tukaday sheekha Naxariistii Janno alle ha siiyee.

 Sheekh Yuusuf aadan oo ka mid ahaa Culumadii ka timid Hargeysa aadna ay isugu dhawaayeen sheekha oo hadalka daah furay ayaa ka sheekeeyey taariiqda sheekha iyo marxaladihii ay isla soo mareen.

“arday baanu soo wada noqonay marna Macalimiin waanu wada ahayn mudo badan baanu is naqiinay anigiyo  sheekha  xataa waxaa jirtay isagoo Diinta Alle fidinaya in gardaro loogu xiray Muqdisho Xukuumadii milatariga oo uu 3sano Xirnaa wuxuu kaloo la dagaalamay Takfiirka wuxuuna ahaa nin aan la helikarin noociisa oo kale alle ayaa naga jeclaaday oo naga watay, Dhalinyarada waxaan kula talinayaa in aysan Raacin Diinta beenta ah ee ay wadaan ragii dilay sheekha doonayana in ay dalka ka dhameeyaan culumada cuqaasha iyo aqoon yahanadaba, waxaan alle ka baryayaa in uu Lugaha, Gacmaha, Indhaha, iyo dhagaha tiro kuwii sheekha dilay cimrigana u dheereeyo si ay aduunka ugu silcaan Aqqirana Naartiisa haka waraabiyo ayuu Yiri sheekh yuusuf oo madasha ka hadlay isagoo oynayay xiliigii uu hadalka soo jeedinayay.

Culumo badan oo madasha ka Hadlay oo uu ka mid ahaa sheekh nuur Baaruud Gurxan  sheekh C/naasir Xaaji Axmed, Sheekh Daahir aw Cabdi,Sheekh AxmedC/samad, Suldaan Siciid Maxamed Garaase, iyo wax garad kale oo badan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dilka sheekha uu noqday wax ay ka wada naxaan dhamaan caalamka islaamka gaar ahaan dadka Soomaalida ee uu sheekhu ka geeriyooday, Culumadu waxay isku raaceen in la qabto shir looga arinsanayo badbaadinta Culumada Soomaaliyeed oo Deg Deg lagu qabto waxaana goobta laga Habaaray dhamaan Dadkii ka dambeeyey Dilka Culumada iyo indheer garadka iyadoo qof walba ee madasha ka hadla uu soo hadal qaadayay ama dilkii dhacay dusha uga tuurayay Kooxda alshabaab ee ka dagaalanta Qaybo ka mid ah Dalka Somaaliya.

Wasiirka arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Dowlada Federaalka Somaaliya oo hadal kooban soo jeediyay ayaa  sheegay in uu Tacsi ka sido Madaxweynaha Dowlada Somaliya iyo Raysul’wasaarihiisa taasi oo ku wajahan Umada Reer Puntland Maamulka iyo eheladii uu ka tagay sheekhu wuxuuna wasiirku sheegay in sheekh C/qaadir uu ka geeriyooday guud ahaan umada Soomaaliyeed ayna aad uga nexeen dilkii foosha xumaa ee loo gaystay.


Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiraxmaan faroole oo ugu dambayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dilka sheekha uu kulmiyay dhamaan Soomali oo idil kuwaasi oo isaga kala yimid guud ahaan Gobolada Dalka Soomaaliya taasi oo muujineysa Sida looga argagaxay Dilka kadiska ah ee sheekh C/qaadir loo geystay wuxuuna markale Madaxweynuhu  ku celshay in Dilkaasi ay ka dambeeyeen Ururka alshabaab.
 
Aaska sheekha oo ay ka qayb galeen Kumanaan Dad wayne ah Nabadgelyadana  ay sugayeen Ciidanka Amniga ee  Puntland ayaa waxaa goobta si xoogan uga shaqeynayay dhalinyarada iyadoo dadku ay ku loolamayeen ku rogista ciida Qabriga sheekha iyadoo qof walba uu isku dayayey in uu dhankiisa Ajarka ka raadsado waxaana Culumadii ka agdhawaa halka Godka laga qodayay ay Raxan-Reeb u sheegeen in Qabriga sheekha ay ku arkeen arin la yaab leh waxay tilmaameen in Qabriga guud ahaan dhagxaantiisa la adkeeyey marka laga reebo iilka la dhigayay sheekha oo jilicsaneed taasoo ay ku tilmaameen in alle uu Guri wanaagsan uga yagleelay Sheekha Qabrigii Lagu Aasayay sida ay inoo Xaqiijiyeen Culumadaasi.

RBC RADIO.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...