Tuesday 19 February 2013

Culumada Xarakada Al Ictizaam oo ka digay in Aano-Qabiil loo Turjumo Dilalka loo Gaysto waxgaradka Bulshada.



Garoowe (RBC RADIO)  Shir Jaraa’id oo ay Maanta si wada Jir ah u qabteen Culumada Al Ictizaam oo Intooda badan  Garoowe ku sugan ayeey Marka Hore Mahadcelin usoo jeediyeen Dowlada Puntland kadib markii ay xil wayn iska saartay Baaritaanada iyo u hawlgelida Dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax  oo Dad badan loo soo qabqabtay, sidoo kale Culumadu waxay U mahadcesheen Maamulka S-Land Kaalintiisa ku aadan Gacan ku dhigida 2 nin oo iyagan ku lug lahaa Dilkii Sheekha, iyagoo amaan Gaar ah sidoo kale siiyay Dowlada Soomaliya oo Magaalada Muqdisho geesay Qaar ka mid ah Dadkii ku dhaawacmay Qabashada Gacan ku dhiiglihii dilay Sheekh C/qaadir Nuur Xili uu Rasaas ku furay [Gacan ku dhiidlaha sida loo qabtay halkaan ka akhriso] , Bayaankaasina waxaa aqrinayay Sheekh Axmed C/samad Cabdulle oo ah Guduumiyaha Gudiga fulinta Jameecada Al Ictizaam. [Bayaanka culumada Halkaan ka Akhriso]
Sheekh Axmed C/samad ayaa sheegay in AlShabaab ay ku luglahaayeen Dilka Sheekha ayna yihiin dad Burcad ah oo ka furtay Diintii Islaamka kuna Been sheegay Qr’aanka Kariimka ah, wuxuuna xusay in Alshabaab ay alle iyo Rasuulkiisa (SCW)ay ku been Abuurteen ileen Diinteena nama farin in Dadka la gaaleysiiyo in la Muslimiyo Mooyaane ayuu yiri sheekhu.
Dadka wax dila ayaa bayaanka lagu sheegay in aysan Aano qabiil wax ku dilin iyagana ku socon  balse hadafkoodu yahay mid ka fog wanaaga  iyo ku dhaqanka Diinta Islaamka sidaa darteed waxay culumadu Bayaankooda ku diideen in Aano qabiil loo badalo dilalka kooxahan ay sameeyaan oo aan lagu murmin cidii sidaa sameesana waxay sheegeen in Nacaladii alle ay ku dhacayso.
Culumadu waxay kaloo bayaankooda ku xuseen in ay isku xukun yihiin Kan Qorsha Abaabulay Kan dilka Gaystay Midka Guriga Dajiyay Kan gaariga ku qaaday kan usoo Ruufiyaamay iyo Kan laabta ka taageereyba intaasi oo idilna looga gudbi karo xumaanta oo laga fogaado iyo Shareeacada oo lagu dhaqmo si wada jir ah, waxaana sidoo kale bayaanka ku jiray in la qabto shirweyne ay Culumadu isugu imaanayaan kaasi oo looga arinsanayo wax yaabihii dhacay iyo ka hortagooda.
Sheekh Axmed Mar la weydiiyay in ay ka wada hadleen 3 maalin oo ay shireen ilaalinta Culumada meelwalba oo ay Soomaliya ka joogaan ayaa Yiri.
 Anaga Hadaan nahay Culumadii Soomaaliyeed waligeen dayn meyno Wanaag farida iyo Xumaan Reebida wax kastoo la  sheegaba waana wadaynaa inta ay nafta nagu jirto laakiin haa waa laysla soo hadal qaaday Su’aasha aad I weydiisay waxaana loo baahan yahay taxadar Meel walba ay Culumadu joogaan taana waxaan ka fileynaa maamulada Dalka ka jira in ay ka dhabeyn doonaan arintaasi oo  qof walba oo Soomaali ah ay maankiisa ka guuxeyso, sidoo kale aan ku darsadee  Maamulka  S-land ayaa ka talisa magaalada Laascaanood Dadkana waa lagu dilaa laakiin Gobolada kale ee Dhulkaasi wax dil ah kama dhacaan taana waxaa keenay shacabka oo sida Booliiska u shaqeeya oo soo sheega wajigii cusub oo ay magaalka ku dhex arkaan laakiin Puntland iyo Kuunfur Dadkeeda arintaa uma Bisla marka laga reebo dad fara ku tiris ah dadku waa in ay Sidii ciidankii oo kale u shaqeeyaan Cadawga diinta iyo Dalkana laga hortagaa ayuu yiri Sheekh Axmed.
Bayaanka ayaa ugu dambayn lagu xusay in Alshabaab ay ka qayb qaataan hurinta Colaadaha u dhexeeya Qabiilada oo ay dhan walbaba Qof ka dilaan si tuhun xoogan uu u dhasho kadibna halkaasi laysku laayo waxaana bayaankaasi loogu baaqay madaxweynaha Puntland in uu qabto Shirweyne ay u dhanyihiin qabaa’ilada wada dega deegaanada Puntland kaasi oo lagu muujinayo in dalka ay ku dhexjiraan sheydaamo Bini’aadmina dhan uga eg kuwaasi oo ka qayb qaata in dalka uusan dagin n dadkuna aysan raxmad ku noolaan.
Culumada ayaa la filayaa in ay nagi kusii ahaadaan Magaalada Garoowe iyagoo qaban doona nadwooyin looga hadlayo  Sugida Amniga iyo adkeynta Diinta Islaamka iyo dhaqmideeda iyagoo Maantana lasoo kulmay ku dhawaad 3kun  oo dhalinyaro wiilal iyo gabdho isugu jira oo dhigta Iskuulada Gambool iyo Alwaaxa oo ay kala hadleen ilaalinta Diinta dhaqanka iyo Amniga Dalka, Culumada ayaa meel walba oo ay joogaan waxaa la socda Ciidan sugaya Amnigooda iyadoo Dowlada Puntland ay ka dhabeesay Balanqaad koodii ahaa in laga warqabi doono xaaladooda Amni Inta ka harsan Culumada fara ku tiriska ah ee iminka Puntland ku sugan.

RBC RADIO.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...