Sunday 24 February 2013

Sh.Xasan Yacquub “ Kismaayo Waxay Dib ugu laabatay Maalmihii Mugdiga ahaa” Dhagayso.



Written by Administrator on .
somalimemo.netWaaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud  oo hore uso ahaa Waaliga Degmada Kismaayo  Sh. Xasan Yacquub Cali oo waraysi siiyay Idaacada Islaamiga ah ee Al-Andalus ayaa ka waramay Xaalada Magaalada Kismaayo oo maalin ka hor uu ka dhacay Dagaal lagu hoobtay oo dhex maray Maleeshiyo beeleed halkaas ku wada sugan.


Sh.Xasan Yacquub Cali ayaa ka waramay Xaaladii ay Kismaayo ku sugnaan jirya Xilligii ay Hogaamiye-kooxeedyadu gacanya ku hayeen, isagoo sheegay in dadku ay dhibaato joogta ah ku jiri jireen isla markaana Xaafadaha Magaalagu ay Qaabaa’ilka u kala xirnaayeen, dadkuna ay xaalad mugdi ah ku noolaayeen, Hase yeeshee markii Mujaahidiintu ay Magaalada gacanta ku dhigeen ay dadku ku barwaaqoobeen, Nabad geliyo buuxda iyo Cadaaladka ay dadku heleen.


Sh.Xasan Yacquub oo waqti aad u dheer kasoo shaqeeyay Magaalada Kimaayo iyo Guud ahaan Jubooyinka ayaa sheegay in xilligii Mujaahidiintu ay Kismaayo maamulayeen aysan jirin laba beelood oo ku dagaalantay ama uu khilaaf soo kala dhex galay, Qof walba ama Qabiil walba oo halkaas ku dhaqana uu ogaa in aan cid kale aysan kusoo xad gudbi karin sidaas daraadeed uu isaguna cid kale ku xad gudbin.

Sh.Xasan ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay kaalin xoog leh ka qaadanayaan hurinta colaadaha u dhexeeya Maleeshiyada beelaha kasoo kala jeeda, wuxuuna intaas ku daray in dadka Muslimiinta ay la gudboontahay in ay u istaagaan sidii Ciidamadaas Gaalada ah dhulka looga saari lahaa isla markaana Cadaaladii Islaamka iyo Xukunkii Shareecada dib loogu soo celin lahaa.


Halkan ka dhagayso Wareysiga Sheekh Xasan Yacquub MP3

1 comment:

Anonymous said...

First of all I wаnt tо say аwesome blоg!
I had a quick question in whiсh I'd like to ask if you do not mind. I was interested to find out how you center yourself and clear your head prior to writing. I have had a difficult time clearing my thoughts in getting my thoughts out there. I do enjoy writing however it just seems like the first 10 to 15 minutes tend to be lost simply just trying to figure out how to begin. Any ideas or hints? Many thanks!

my blog post: Www.treebu.eu

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...