Thursday 28 February 2013

Sh Axmed Madoobe: Shirka Kismaayo Ka Furmay Waa Furitaankii Kaliya, Welina Dad Badan Ayaa Maqan oo Aan Tabeynaa (Dhageyso Wareysi +Sawirro)



Sheekh Axmed Madoobe oo dhinaciisa uu taagan yahay xildhibaan C/rashiid Xiddig, waxyar ka dib markii shirka Kismaayo la furay, Sawirka Raxanreeb- 28 Feb. 2013
KISMAAYO (RBC) Guddoomiyaha Jabhadda Raskambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ahna gudoomiyaha maamulka ku-meelgaarka ee Kismaayo ayaa goor dhow kulan ay la yeelatay Shabakadda Raxanreeb wuxuu kaga warbixiyey shirkii maanta duhurnimadii ka furmay xarunta Jaamacadda Kismaayo kaasoo ay ka qeybgaleen ergo lagu qiyaasay illaa 400 ruux.
Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka ka bilawday Kismaayo maanta uu yahay daahfurkii shirweyne la damacsan yahay in maamul loogu dhiso gobollada Jubbooyinka oo ka kooban Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.
“Maanta waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay furitaankii ama daah ka furkii shirkii maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka oo ahaa shir in badan la sugaayey.” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe oo waxyar ka dib markii uu shirka furay la hadlay Raxanreeb.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka maanta ka bilawday Kismaayo uusan ahayn mid sidii la rabay u wada dhacay isagoo sheegay in markasta ay jiri karaan waxyaabo dib u dhac ah ama ka dhiman shirka.
“Shirkaas oo in badan la sugayey haddana ma uusan noqon in boqolkiiba boqol uu dhacay  ama qaabkaa uu noqonayo, wuxuu ahaa in daaha laga furo, iyadoo aan tabeyno weli in dad badani naga maqan yihiin. Waxaan tabeynaa dawladii inay maqan tahay oo aan ka sugeynay inay noo yimaadaan- waama sugeynaa. Waxaan kaloo sugeynaa iyana inay noo yimaadaan ergo iyo nadoono kale oo ka imaanaya deegaano kale oo gobollada Jubbooyinka ka mid ah.” ayuu sii raacisey hadalkiisa.
Sheekh Axmed Madoobe oo ay dhinacyada ka taagan yihiin Xildhibaan C/rashiid Xiddig iyo Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ka tirsan baarlamaanka dawlada federaalka wax yar ka dib markii la furay shirka maamul u sameynta Jubbooyinka, Sawirka Raxanreeb, 28 Feb, 2013.
Kismaayo waa meel dhib badan
Sheekh Axmed oo bilawgii hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in marka laga hadlayo gobollada Jubbooyinka magaalada Kismaayo ay tahay meesha ugu dhibka badan.
“Gobollada Jubbooyinka ama Kismaayo markaan ka soo qaado waa meesha ugu dhibka badan Soomaaliya ama xaaladda ugu adag ay had iyo jeer ka jirtay, haddii dadka intay isu iman ayan tashan waxna sameysan cidna micne uma sameyneyso.” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in maamulka hadda uu isagu hogaamiyo uu yahay ku-meelgaar haddiise ay ku sii adkeystaan inay xukunka heystaana ay mari doonaan dariiq uu ku tilmaamay “inay mareen kuwii isaga ka horeeyay”.
Waxaan weydiinay tirada dadka ka qeybgalaya shirka waa imisa?
Wuxuu ku jawaabay Axmed Madoobe; “Tirada ergada loogu talagalay waa illaa 500 marka laga reebo kor joogtada kale ee iman karta, laakiin maanta furitaanka dadillaa 700 gaaraya way joogeen.  Welise ergooyinkii si rasmi ah qaarkood umay qeybsamin, lama keenin qaarkood sida Gedo oo kale qaar baa weli maqan.”
Sheekh Axmed Madoobe oo maanta ku dhawaaqay furitaanka shirka- 28 Feb. 2013- Sawirka Raxanreeb.
Raxanreeb waxay weydiisay ergada maqan kuwa ay yihiin iyo beelahooda?
Axmed Madoobe wuxuu ku jawaabay; “Horta cid qabiil ahaan uga maqan shirka ma jirto. Laakiin waxaa jira deegaano ergadii aysan weli imaanin ama wax ka joogaan, waan sugeynaa waana wadeynaa inta qofka ugu dambeeya ee deegaanka degani uu imaanayo.  Ma ahan inaan cid afduubeyno ma ahan inaan dan gaar ah leenahay”.
Raxanreeb waxay weydiisay in mar haddii dawlada ka maqan tahay shirka isla markaana aysan furin, maxaa lagu tilmaami doonaa natiijada ka soo bixi karta shirka?
Sheekh Axmed Madoobe wuxuu ku jawaabay;
“Maqnaashaha dawlada waa dhib, raalinna kama nihin, waana sugeynaa. Waxaana rajeyneynaa in dawlada shirka iyadu hagto, xirto shirka, wax sameyntiisa ogaato khaladaadkiisa saxdo. Dawladu marna kama maarmeyno, iyadaa muhiim u ah shirkaan, waa dadweynaheedii.”
Cabdinaasir Seeraar, Afhayeenka Raskambooni (Midig), Xildhibaan Xidig (dhexe) iyo xildhibaan Maxamed Shuuriye (bidix), 28 Feb. 2013,/ Sawirka Raxanreeb.
Imisa ayuu soconayaa shirka ka furmay magaalada Kismaayo?
Wuxuu ku jawaabay “Ma dheeranayo laakiin waxaan jiideynaa inta dawlada iyo dadka kale kulli ay noo imaanayaan.”
Imisaa ku baxaysa qabashada shirka Kismaayo, yaase bixinaya lacagta?
Wuxuu ku jawaabay “Ganacsatada, maamulka. Waa qaaraan la ururiyey, waa iskutashi baan sameynay. Hadaan niraahno waxaan sugeynaa beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay inay naga bixiso ma soconeyso.  Waxaan ku qiyaaseynaa 2.5 milyan oo doolar (labo milyan iyo bar doolarka Mareykanka) inay ku kacayso shirka.”
Sheekh Acmed Madoobe oo saxaafada kula hadlay Kismaayo- 28 Feb. 2013- Sawirka Raxanreeb.
Waxaan weydiinay maxaad u diideen casuumadii ay dawladu idiin fidisay ee ahayd 26-kii bishan Febraayo inaad Muqdisho ku tagtaan?
Axmed Madoobe wuxuu yiri “Waan tageynaa. Dawlada lafteeda casuumado ayaan u fidinay, kuwo u dambeeyay ayaan fudinay, intaasoo ergo ayaan u dirnay, anugu shakhsiyan waan tagayaa Xamar dawladana waan u tagayaa, waxaana rajeynayaa anagoo wada socona inaan isa soo raacno.”


W/Q: Cabdalle Muumin
RBC Radio, Kismaayo, Soomaaliya
E-mail; Cabdallemuumin2@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...