Friday 22 February 2013

Muun-gaab: Wariyaashu Haka Digtoonaadaan Marka Ay Ka Hadlayaan Arimaha La Xiriira Garsoorka Hadii Kale Waxa Lagu Qaadi Doonaa Maxkamad Ciidan



Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa Wariyaasha uga digay iney ka fogaadaan hadalada qaldan ee ay ka sheegaan garsoorka dowlada Soomaaliya gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Max’ed Xuseen Muun-gaab ayaa saxaafada ugu baaqay iney ka waantoobaan Warbixinada qaladka ah ee ay ka faafiyaan garsoorka wadanka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dacaayadaha been abuurka ah ee laga fidinayo gasroorka dalka aan loo dul qaadan doonin.
Muun-gaab ayaa shaaca ka qaaday in waxyaabaha ay Wariyaashu ka sheegayaan maxkamada ciidamada ay u haystaan daliil iyo cadeymo ay hadhow ku badbaadaan balse waxa uu si cad u sheegay in Wariyihii war uusan hubin oo been abuur ah ka hadlay in lagu qaadi doono xukun ciidan isagoona intaa ku daray inuu xushmad u hayo Wariyaasha Soomaaliyeed oo uu sheegay iney qaranka hawl u hayaan.
Gudoomiyaha Maxkamada ayaa sheegay in Saxafiyiintu ay is garab taageen maxkamada ciidamada qalabka sida isagoona tilmaamay iney Wariyaasho maxkamada la tageen goobo badan oo halis galin karta naftooda si ay shacabka Soomaaliyeed ugu soo bandhigaan waxqabadka maxkamada.
Wuxuuna si gaar ah u xusay in iyadoo furimaha hore ee dagaalka la joogo ay Saxaafadu ku dhiiratay iney gudbiyaan waxqabadka Maxkamada isagoona sido kale tilmaamay in saxaafada ay maxkamada u raacday gobolada ay la wareegtay dowlada taasine ay cadeyn u tahay xiriirka wanaagsan ee u dhxeeye Saxaafada iyo Maxkamada ciidanka.
Muungaab ayaa ugu danbeyntii ka codsaday Wariyaasha Soomaaliyeed iney ka fiirsadaan marka ay ka hadlayaan wararka quseeya garsoorka isla markaane ay ka fogaadaan wax dhib u keeni kara Saxafiyiinta wuxuuna ku dhaliilay Warbaahinta iney si qaldan uga hadashay Kiis rag loosoo xiray dilka Wariye Xasan Yuusuf Absuge kaasoo uu sheegay iney Saxaafadu faafisay in la musuq maasuqay isla markaane la meer meerinayo wuxuuna sheegay iney kiiskaas gacanta ku hayaan go’aane ay dhawaan la gaari doonaan.


RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...