Monday, 11 February 2013

Waftigii Ka Socday Baarlamaanka Burundi Oo Maanta Kulamo Gooni Gooni Ah La Yeeshay Madaxweynaha & Baarlamaanka Dalka Soomaaliya



Muqdisho(RBC Radio) Waftigii ka socday gudiga difaaca baarlamaanka wadanka Burundi ayaa maanta kulamo la qaata madaxda ugu saraysa ee dowlada Soomaaliya waftiga ayaa waxa ay kulan muddo dheer qaatay  la yeesheen gudoonka baarlamaanka Soomaaliya kulanka oo uu hadal ka jeediyey gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari  ayaa waftiga u sheegay in isaga oo ku hadlaya afka shacabka Soomaaliyeed uu si diiran ugu soo dhaweynayo waftigan ka socad wadanka Burundi dalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in gudiga  ka socda wadanka Burundi iyo baarlamaanka Soomaaliya ay is dhaafsadeen Talooyin ku saabsan dhinacyada dib u heshiisiinta,xuquuqul iinsaanka iyo isu celinta hantida la kala haysto,gudoomiyaha ayaa intaa ku daray iney dhiirigalinayaan iskaashi dhan walba ah oo ay yeeshaan baarlamaanada Soomaaliya iyo burundi.
Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dalka Burundi uga tacsiyeeyey dhaqaale xumida ku dhacday dalkaas bishii lasoo dhaafay kadib markii uu dab qabsaday suuqii ugu weynaa ee dalkaas arinkaas oo hoos u dhac weyn ku keentay dhaqaalaha wadankaas wuxuuna u rajeeyey iney sida ugu dhaqsaha badan kasoo kaban doonaan mashaqada ka dhalatay gubashada suuqii ganacsiga dalkaas, isagoona dhanka kale uga mahad celiyey dalka Burundi dhalinyaradooda  oo naftooda u huray difaaca shacabka Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha gudiga difaaca baarlamaanka Burundi  Akisimana Emiliena oo horkacayey waftiga ayaa ka mahad celiyey soo dhaweyntii ay kala kulmeen dowlada Soomaaliya isagoona tilmaamay inuu ku faraxsanyahay booqashada ay kusoo gaareen Muqdisho,waftiga ayaa sidoo kale kulan la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud  oo ay kala hadleen sidii ay dowlada Burundi ay gacan uga geysan lahayd dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.


RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...