Monday 9 May 2016

Ciidanka amaanka oo qabtay Gaari Qarax lagu soo xiray


 
0
SHARE 
SONNA:- Ciidanka ayaa qabtay Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa kaas oo la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah eek u nool magaalada Muqdisho.
Afhayeenka wasaarada amniga Cabdikaamil Macalin Shukri ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay in gaarigaan ay qabteen ciidanka amaanka, wuxuuna sheegay in lagu qabtay Isgoyska Sayidka.
Gaarigaan oo ay ku xirnaayeen Walxaha Qarxa ayaa la sheegay in la dhigay Isgoyska ka dibna laga tagay oo la doonayay in lagu laayo shacabka halkaasi ku sugan ama ku dhowaa, waxaana ogaaday ciidanka amaanka oo ka hortagay isla markaana qabtay gaarigaan.
Cabdikaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in haatan baaritaano ay socdaan goor dhow warbaahinta loo soo bandhigi doono Gaarigaan ay qabteen ciidanka amaanka oo haatan lagu howlanyahay in Qaraxyada laga furo.
Kooxda Al-Shabaab ayaa caadaysatay inay weeraro la beegsato goobaha ay isugu yimaadaan dadka shacabka ah ayaga oo doonaya inay laayaan dadka Rayidka ah ee aanan waxba galabsan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...