Sunday 8 May 2016

FAAH -FAAHIN:- Qarax ka dhacay Muqdisho


 
0
SHARE 
muqdisho(SONNA):- Inta la ogyahay 3-ruux ayaa ku geeriyootay Qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay degmada Shangaani ee gobalka Banaadir.
Dadka geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah ninkii waday gaariga Qaraxyada ay ku xirnaayeen ee Naftiis haliga ahaa kaas oo gaariga ka dagay inta uusan Qarxin ka dibna ay toogteen ciidanka amaanka.
Sidoo kale labada ruux ee geeriyootay ayaa ahaa dad shacab ah oo marayay wadada xiliga uu Qaraxa dhacayay.
Qaraxaan ayaa la doonayay in lagu galo xarunta ciidanka Ilaalada wadooyinka ee Fiisha Taraafiko oo ku taalada degmada Shangaani, hayeeshee ciidanka amaanka ayaa ka hortagay.
Goobta uu ka dhacay Qaraxa ayaa haatan waxaa ku sugan saraakiil ka tirsan dowladda iyo waliba ciidamo badan kuwaas oo adkeeyay amaanka goobta.
Kooxda Al-Shabaab ayaa caadeestay weerarada nuucaan oo kale ah oo markasta ay fashiliyaan ciidanka amaanka.
Wixii ku soo kordhaa iyo Sawiro goor dhow la soco.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...