Saturday 14 May 2016

Isimmada Soomaalida oo ku shiraya magaalada Qardho (Video)


BOQOR_BURHAAN
Boosaaso (RBC Radio) Boqor Burhan Boqor Musse ayaa ku dhawaaqay xilliga uu fumayo shir weynaha isimmada dhaqanka Soomaaliyeed,isagoo marka ku soo dhaweeyay dhamman salaadiinta iyo duubabka dhaqanka inay shirka ka soo qayb-galaan.
Boqorku waxuu sheegay shirkan inuu  ka furmayo magaalada Qardho  21-ka bishan May,waxaana laga doonaya inuu shirka kulmiyo dhammaan hoggaamiyayaasha dhaqanka ee Soomaalida, iyadoo shirkan la sheegay inay kasoo qeyb geli doonaan oday dhaqameedka ka imaan doona dalalka dariska la ah Soomaaliya.
“Waxaan ku soo dhaweynaya shirka dhaqanka Soomaalida,dhamman duubabka dhaqan,kuwa jooga gobollada Soomaaliya,dowlad deegaanka Itoobiya,waqooyi bari Kenya iyo meel kasto oo ay duubabka dhaqanka jooga,waxaan ugu baaqay shirka inay ka soo qayb-galaan,”ayuu yiri boqor Burhaan.
Waxa ugu weyn ee u shirka quseeyo,waxaa lugu sheegay nabadeynta iyo dib-u-heshiisiin beelaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan,inta waxaa dheer marxaladda uu dalka ku jiro muddada dheer iyo waddada looga gudbi karo oo ay isimmadu wax iska waydiin doonan.
Boqorka wuxuu caddeeyay arrimo siyaasadeed inusan shirka quseeyn oo an marna lugu soo hadal-qaadi doonan,maaddama uu quseeyo dhibaatooyinka Soomaalida heysata guud ahaan.
Ugu dambeyn,boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waqtigii la caleemo-saarayay waxuu shaaciyay inuu doonayo shirweyne u qabto Issimada Soomaaliyeed guud ahaan sidii ay uga tashan lahaayeen xal u helida dhibaatooyinka heysta ummada Soomaaliyeed.

__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...