Tuesday 10 May 2016

Wasaaradda Shaqada oo bilaabeysay diiwaangalinta shaale loo qaadayo Sacuudiga


 
0
SHARE 
Muqdisho (SONNA) Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya, mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la bilaabayo diiwaangalinta 2,000 oo shaqaale Soomaali ah oo loo qaadayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya, si halkaasi ay uga soo xamaashaan.
“Dufcada ugu horeysa ee loo qaadayo Dalka Sucuudiga waxa ay noqoneysaa 2, 000 (Laba Kun) oo shaqaale ah oo isugu jirta aqoon yahano, xoogsato iyo xirfadlayaal ku shaqeysata farsamooyinka kala duwan ee ay ku barteen gudaha dalka” ayuu yiri, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya, mudane Cismaan Libaax Ibraahim.
Tallaabadaani shaqaaleysiinta ah ayaa waxa ay gaashaanka u daruureysaa mashruuca fashilmay ee tahriibka ee galaaftay nolosha dhalinyaro Soomaaliyeed oo shaqo la’aan dalka kaga carartay.
W.D: ABDIHAKIIN SONNA

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...