Muqdisho (RBC Radio) Guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa Muqdisho oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa faahfaahin ka bixiyay deeqo loogu talo galay magaalada Muqdisho oo isugu jira gaadiid gurmadka Caafimaadka ah iyo dab damisyo.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo saxaafada kula hadlay magaalada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay shirkii London ka dib inuu ku jiray dadaal ah sidii wax loogu qaban lahaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Duqa magaalada Lister ee wdanka England ayuu sheegay gudoomiyaha gobalka Banaadir in uu ugu deeqay magaalada Muqdisho Laba Dabdamis iyo gaadiid kale oo Ambalaas ah.
Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed nuur tarsan ayaa carabka ku dhuftay in qalabkaas iyo waliba gaadiidkaasi ay dhowaan imaan doonaan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Tarsan ayaa tilmaamay in maamulkiisu uu aad ugu dadaalayo sidii ay u soo nooleeyn lahaayeen adeegyadii muhiimka ahaa ee magaalada Muqdisho.
Dhanka kale wuxuu rajo wanaagsan uu ka muujiyay in caasimada Muqdisho ay la mid noqoto caasimadaha caalamka oo kale isla markaana dadka Muqdisho ay helaan Nolo wanaagsan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment