Monday, 8 April 2013

Khudbadii Guddomiyaha Golaha Shacbigu - Shirweynaha Qaranka ee Garsoorka iyo Sarraynta Sharciga





SHIRWEYNAHA QARANKA EE GARSOORKA IYO SARRAYNTA SHARCIGA
Mogadishu, 1da - 5ta Abriil 2013



Mudane Shirguddoomiye;
Mudanayaal iyo Marwooyin;
Culumada Diinta iyo Odayaal dhaqameedka;
Ogaalleyda iyo Qareennada ku qaydaddaarta Qaanuunka;
Xildhibaanada Golaha Shacabka;
Wakiillada Ururrada Bulshada Rayadka iyo - Dhammaan Muwaadiniinta;
Dhammaan saaxibada iyo Marti Sharafta shirkan kasoo qaybgashay
Magaceyga qof ahaaneed iyo kan Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliyeed, Iga guddooma salaam diiran iyo qaddarin gaar ah.



Mudane Shirguddoomiye;
Ma aha wax maalin walba la heli karo tiro intaan le’eg oo culumo, odayaal dhaqameed, aqoonyahanno, qareenno, iyo ogaalley badan oo ku kala qaydaddartay kasmooyinka kala duwanee siyaasadda, ammaanka dhaqaalaha, bulsho iyo culuumta kaleba, oo hal madal ku kulansan. Waa arrin qiimo weyn oo aan ku rajo weynahay Allahu SWT-  uga baryaayo in talooyinka kulankiinan kasoo bixi doono ay noqdaan kuwo Shacbiga Soomaaliyeed mahadiyo wax weynna ka taro xallinta xaaladdaha ka jira dalkeena guud ahaan, arrimaha garsoorka gaar ahaan. Saas daraadeed, ii oggolaada inaan mahad gaar ah iyo hambalyo u jeediyo qabanqaabiyeyaasha kulanka soo abaabulay, waqtiga iyo hawlgalka ay geliyeenna in Eebbe weynaha ugu abaalmariyo khayr badan. Waxaa xusid gaar ah mudan in shirweynahan yahay mid Soomaali abaabushay, maalgelisay aqoonyahanno soomaali ahna ka wadaxaajoonaayo arrimo soomaaliyeed oo xal u raadinaaya. Arrinkan wuxuu maragfurayaa inaan hawlaheena aan toos u maaraysan karno - (qof hoolliis qobsadi xang ka dheer/ qof hawshiisa qabsaday xani ka dheer).
Mar kale waxaan abaabulayaasha uga mahadcelinaya in ay kulankan igu casumeen in aan idinkala qaybgalo. Haseyeeshee waxaan hor iyo horraan aan jeclahay inaan indiku wada wargeliyo in ka qaybgalkeeygu yahay mid qof ahaaneed. Erey kasta oo aan halkan ka iraahdona yahay fikrigeyga gaar ahaaneed ee uusan ahayn moqifka Golaha Shacabka iyo kan maqaamka Afhayeenka midna.
I.          Gogol-Dhig
Mashaakillada Soomaaliya haysta waa xaalado u gaar ah oo aan lala wadaagin, waxayna u baahan yihiin taxliilo u gooni ah oo kasoo dhalaala maskax-shiil soomaaliyeed oo salka ku haysa waddaninimo iyo daacadnimo. Ma jiro caalamka meel xaaladaha dalkeena la mid ah oo xallintooda looga soo minguurin karo. Saas daraadeed waxaan u baahan nahay inaan helno xal Soomaalidu leedahay oo u gaar ah, iyadoo aan reebaneen in hadba meeshii habboon aan kaga faa’deysaneyno ilaha dhaqan-sharciyeedka caalamku kusoo waaayo aragsaday. Walaalayaal, inkastoo burburkii dalka kusoo dhacay yahay wax aad loo qoonsado, dawlad Dhexe la’aantii ina soo martayna tahay wax kahasho mudan, hadana maanta waxaan haysanaa fursad weyn inoo surtogelin karta nidaam agaasiman oo aan ku dhisi karno Dawlad casri ah oo falgal ah iyo hab siyaasad-qarameed u horseedda timaaddo cusub oo horumar leh. Waa hubaal haddii aan dadaalno, oo aynu curinno aragtiyo aan ku maaraynayno xaaladaha murugsan ee dalkeena, waxaa dhab ah in caalamku inaga barandoono casharro ugub ah oo dhaxal gal ah.
·        Waxaan u baahan nahay in aan curinno sharcidejin iyo hannaan garsoor oo ku dhidibbo aasan taariikhdeenna dhaqameed iyo waayo aragnimadeena sharcidejineed,  jawaabna u ah maaraynta caqabadaha turxaanta ku ah dhalanrogga siyaasadeed aan higsanayno;
·        Hannaanka sharci iyo garsoor ee aan hiranayno waa inuu noqdaa mid shacabkeena ku dhaliya kalsooni iyo garwaaqsi in is-qabad kasta iyo iskhilaaf kastana si nabad ah iyo xasillooni xal caddaalad ah uga gaari karo;
·        Waxaan u baahannahay in aan is-waafajinno hab-dhaqanka garsooridda ugu wanaagsan, maqaasiidka shareecada iyo  xeer-dhaqankeenna soo jireenka ah ee inoo gaarka inno ah;
·         Waxaan u baahannahay in aan si qeexan u dejinno haykalka Laanta Garssorka, oo munaasab u ah xaaaladda Soomaaliya;
·        Waxaan u baahannahay in aan si cad oo dib muran iyo madmadow ka iman doonin aan isla wada garano isulana meldhigno nuxurka dhabta ah ee madaxbannaanida garssorka iyo raadraac lagu hubinayo la xisaabtanka iyo hufnaanta garssoryaasha;
·        Waxaan u baahannahay in aan dhisno oo meelaynno haykalka maxkamadaha dalka, xilalkooda, tababbarrada iyo taya-dhisidda garssoryaasha iyo dhammaan hawlwadeennada garssorka;
·        Waxaan u baahannahay in la kafaalaqaado baahida asaasiga ah iyo baraaraha garsoorayaasha iyo hawlawadeenka garssorka, si ay u ilaashadaan urursanaanta qofnimadooda, ugana fogaadaan eex iyo musuq.
·        Intaas waa arrimo kooban oo loo baahan yahay, waxaanse aaminsanahay inaad arrimo badan kaloo loo bahan yahay aad maanka ku haysaan, wadahadalladiina kusoo ifbixi doona.
·        Waxaa loo baahan yahay inaad taloooyin kasoo jeedisaan dhammaan arrimahaas iyo tabtii iyo geeddi socodkii lagu fulin lahaa

II.       Dulmar kooban ee la Xariira Taariikhda Grasoorka Soomaaliya
Soomaaliya ma aha qaran shalaydhalad ah mana aha dal aan lahayn taariikh qaanuuneed. Yaanan marna illaabin soo jireenka aan kasoo jeedno! Waxaanu leenahay tagtooyin hore, taariikh hodan ah iyo timaaddo wacan oo aan Ebbe ka sugeyno, haseyeeshee folowgal quman inooga baahan. Raageyda hore oroh ma dhaafin oo waxay yiraahdeen: “qof aan tagtadiisa ogeyn, waa qof cid uu yahay mooge”- waxaanu nahay umad Muslim ah, ku dhaqanta Shareecada iyo xeer-dhaqameed isku dhafan. Casrigan dambena yeeshay qawaaniinta qodobeysan oo qaarkood 80 jirsaday qaarkood kalene qarni cagacageynaaya. 
Haddii aan kooban u dulmarno taariikhdii ay samaysmee qawaaniinta qodobeysan ee dalka, Somaaliya waxaa ka jira sharci si cad u sheegaya in sharcigu yahay saldhigga awoodda Dawladda iyo in Garsoorku uu ka madaxbannaan yahay hay'adda sharcidejinta iyo midda fulinta marka uu fulinaayo howlihiisa la xiriira garsooridda.
Saldhigga awooddaa Dawladda iyo Madaxbannaanidaas waxaa horey usoo ballan qaaday dastuurradii dhowrka ahaa ee dalku soo yeeshay laga billaabo 1960kii (arag qodobka 63aad ee Dastuurkii 1960 iyo qodobka 113-aad  ee Dastuurka 1990 ). Sidoo kale dastuurka federaalka ah wuxuu qorayaa in garsooruku ka madax bannaan yahay hay'adha kale ee dowladda marka uu howlihiisa garcelinta gudanaayo (qodobka 105 iyo qodobbada ka dambeeya).
Arrinta madaxbannaanida Garsooka Soomaaliya marnaba ma noqon mid muran uu ku jiro, mana aha arrin cusub oo hadda dhalatay. Garsooruhu  asaga oo kaashanaaya damiirkiisa iyo aqoontiisa, waxaa laga sugaa inuu go’aan ka gaaro dacwadda la hor keeno. Sharci ahaan waxaa laga rabaa inuu si cad u muujiyo arrinta la soo hordhigay iyo saldhigga sharci ee uu u cuskaday garta uu qaaday. Go’aankaas, qofkii aan ku qancin waxaa u furan rafcaan inuu ka qaato sida sharcigu qabo.
Garsooruhu wuxuu u hoggaansamayaa sharci qodobaysan, tifaftiran oo tilmaamaya tallaabo kastoo uu qaadayo. Garsoorihii ay ku caddato inuusan howshiisii u gudan sida sharcigu faray, aqoon darri ha ka noqoto ama si kale ha u dhacdee, waxaa jira talaabooyin anshaxeed (haddii uusan denbi gelinba) oo lagu qaadi karo.
Dastuurka ka hor, Koonfurta Soomaaliya waxay lahayd, tan iyo markii Talyaanigu soo galay dalka, nidaam garsoor casri ah. 1935tii  Talyaanigu wuxuu u dejiyay Soomaaliya nidaam garsoor dalka u gaar u ah (Regolamento n. 1638 del 1935). Inta u dhexeysay horraantii qarnigii 19aad ilaa 1935, Soomaaliya waxaa ka jiray oo lagu dhaqmi jiray, hawlaha maxkamadahana kala hagi jiray, nidaam garsoor dalka Talyaaniga ka jiray.
1955 oo ah xilligii AFIS waxaa dalka loo dejiyay nidaam garsoor ka kooban 118 qodob - Ordinamento n. 5 del Febbraio 2, 1956- Bollettino Ufficiale Supplemento n. 3 del 29 Marzo 1956.
1962kii waxaa la soo saaray Nidaam Garsoor cusub oo ka dhashay labadi hab ee ka kala jiray Woqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya - Decreto Legislativo del 12 Giugno 1962, n. 3: Ordinamento Giudiziario- Bollettino Ufficiale n.6 al n.6 del 30/6/1962, waana nidaamka ilaa maanta lagu dhaqmo.
Nidaamka Garsoorka ee 1962 waa sharci dhinac kasta ka dhammaystiran. Waxaa si cad loogu tilmaamay
·        Heerarka Maxkamadaha dalka;
·        Awoodda dacwo qaadista oo ay mid kasto leedahy (gradi e competenze per materia e territorio);
·        Shuruudaha garsoore lagu noqon karo iyo qaabka qoritaankooda iyo dallacsiintooda;
·        Anshax marintooda (misure disciplinari nei confronti del giudice);
·        Madaxbannaanida garsoorka iyo cidda ku shaqada leh kafaala qaadidda madaxbannaanidaas;
·        Qaadista dacwadaha lidka ku ah qodobbada sharci ee aan Dastuurka waafaqsaneen iyo go'aannada maamul oo dhan ka ah sharciga.
·        Sannadihii 70yada meelo yaryar ayaa laga beddelay, ha yeeshee sharciga intiisii kale dhaqangal ayuu ahaa, hawlaha garsoorkana isagaa kala haga.
·        Somaaliya waxay hadda qaadatay Dastuur Federaal ah oo dalka ku soo rogay in nidaam federali ah lagu dhaqo, qaabkaas oo ka duwan qaabkii dowladdu u dhisneeyd hadda ka hor. Hase yeeshee, federaaleynta weli si buuxda uguma dhaqngelin gobollada dalka oo dhan, ku tala galkuna wuxuu yahay in qaabkaas lagu baahiyo dalka oo dhan muddo 4 sano gudahood.
·        Is beddelka qaab dismeedka dowladdu waa hubaal inuu la yimid ama la iman doono baahi ah in wax laga beddelo hay'adaha dowladda sidii ay dhisnaan jireen iyo sida ay u shaqeyn jireen si ay ula socdaan qaabka federaalka ah. Laanta Garsoorkuna waa ka mid hay’adaha isbeddelka iyo dib-u-habaynta ku dhici doono.
·        Ulajeedada ugu weyn ee shirkaan waxay tahay inaan ka wada tashanno sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka hor yaalla shaqadii garsoorka, iyo sharciyada garsooka ee hadda jira sidii wax looga beddeli lahaa, loona waafajin lahaa qaabka federaalka ah, iyo in garsoorku noqdo mid madax bannaan oo caddaalad ku shaqeeya, dadweynuhuna raalli ka noqon karaan.
Is weeydiintu waxayy tahay:
1.                 Ma jiraan sharciyo, ama qodobo sharci oo loo baahan yahay in deg deg loo beddelo?
2.                 Baahi degdeg ah miyaa jirta in qaabka garsoorku u shaqeeyo wax laga beddelo iyadoon weli qaab dhismeedkii federaalku weli dhameystirmin?
Is weeydiinta koowaad waxaa la dhihi karaa waa jiraan qodobbo sharciyada iyo xeerarka qaarkood ku soo arooray oo u baahan in wax laga beddelo. Waxa ugu yar oo aan tusaale ahaan usoo qaadan karno, qodobada la xiriira ciqaabta ganaaxa (pene pecunarie) ee ku xusan Xeerarka Ciqaabta (Codice Penale), sharciga maritaanka Waddooyinka (Codice stradale) iyo sharciyo, xeerar, iyo amarro kale oo badan oo ka soo baxay maamullada degaannada. Waxaa kaloo jira sharciyo u baahan in la waafajiyo marxalladda cusub ee dalku galay, kuwo loo baahan yahay in la buriyo iyo kuwo cusub oo Dastuurku farmaayo in la dejiyo. 
Is weeydiinta labaadse waxaa laga dhihi karaa: ma jiraan baahi deg deg ah oo lagama maarmaan ka dhigaysa in si dhaqsi ah wax looga beddelo shuruucda dalka, gaar ahaan kuwooda saldhigga ah. Shuruucda iyaga ah waxaa ka mid ah Sharciga habaynaya Nidaamka Garsoorka Soomaaliyeed. Waxaa hay'adaha dawladda hor yaalla arrimo hordhac u ah wax ka beddelidda shuruucdaas oo ay ugu horreeyaan dhismaha xubnaha dawlad goboleedyada oo aan weli dalkoo idil ku baahin iyo isla meel-dhigidda qaabka kama dambaysta ah uu yeelan doono Dastuurka Federaalka.
Dastuurka meel ku gaarka ah wuxuu dhigayaa in loo baahan yahay in la dhiso Maxkamado iyo guddiyo cusub, oo la xiriira howlaha garsoorka oo aan hore dalka uga jiri jirin. Tusaale ahaan waxaa ka mid eh: (a) Constitutional Court (article 108) iyo Guddiyo Madaxbannaan heer Federaal ah oo kala duwan, kuwaas oo ku xusan qodobka111-aad iyo faqradihiisa. Xafiisyadaani ma dhisna oo Barlamaanku weli kama doodin go’anna kama gaarin. Badankooda waa  aragtiyo cusub oo aan horey u ugu jirin maraajicdii dalku soo yeeshay , loona baahan yahay in aragtiyadaas iyo xafiisyadaas waxtarkooda iyo wax-ku-oolnimadood in ay ka bogtaan aqoonyahannada, xildhibaannada iyo dadweynaha intaba.
In laga guuro wixii hore, loo guuro wax ka sii fiican waa talo aad u wanaagsan. Hiyi raac iyo ku dayasho adduun kaloo horumaray kifaaya ma aha. Waxaa loo baahan yahay in tallaabada aan qaadayno ay ku salaysnaato heerkeenna maskaxeed, aqooneed, bulshadeed, waayo-aragnimo, dhaqan, dhaqaale, iyo wixii soo raaca.

III.    Dib-u-habaynta Sharciyada Dalka (legal Reform)
Oodda sida ay u kala sarraysa ayaa loo kala qaadaa. Sidaan hore horey ugu soo tusaaleeyey dulmarkii koobnaa inaan si waafi ah u darisno talooyinka soo socda:
1.     In hor iyo horraan lasoo ururiyo dhammaan sharciyada dalku hor usoo yeeshay oo dib loo abaabulo kaydka sharciyada Soomaaliyeed;
2.     In Golaha Shacabku xeeriyo Qorshe Sharcidejin oo faraya uririnta dhamaan sharciyada dalka ee ka horreeyey ansixinta Dastuurkan, si loogu kala saaro:
(a) Kuwa ay tahay in la buriyo;
(b) Kuwa ay tahay in wax-ka-beddel lagu sameeyo;
(c) Kuwa ay tahay in sharciyo cusub lagu beddelo
(d) Sharciyada cusub ee loo baahan yahay in la curiyo;
3.     In sharciyada dejintoodu horutebinta leh oo muddeysan ay isla meeldhigaan Golaha Sharcidejinta iyo Xukuumadda Federaalka;
4.     In Haykalka Wasaaradda Garsoorka lagu dhiso Agaasin Guud oo ay ku kulansan yihiin khubaro ku kala takhasusay kasmooyinka kala duwan ee qaanuunka una xilsaaran in uu xukuumadda iyo hay’adaha kale ee Dawladda diyaarinta qabyoqoraallada hindiseyaasha shuruucda.

IV.     Dib-u-habaynta Garsoorka (Judiciary Reform) iyo Kaabayaasha     Garsoorka
Arrinka dib habaynta Garsoorka waxaa codsi iga ah in arrimaha loo kala hormaiyo sida ay u kala mudan yihiin, talooyin taabbagal noqon karana aad ka dhiibataan qodobbada ajendaha shirka ee afarta ah:
1.     In si qottadheer loo darso caqabadaha hortaagan garsoorka;
2.     Dib-u-dhiska iyo horumarinta Hay'adaha Garsoorka;
3.     Talojeedin Siyaasad-Qaraeed oo hagta hay'adaha Garsoorka;
4.     Qeexidda xiriirka ka dhexeeya Hay'adaha Garsoorka iyo Dastuurka;
5.     Kala xadaynta xilka iyo hawlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Hay’adaha Garsoorka;
6.     In dib-u-habaynta Maxkamadaha la barbar wado dib-u-habaynta Xeer Ilaalinta;
7.     In dadaal dheeraad ah la geliyo qor-u-qaadista tayada xilgudahsada Hay’adaha Amniga iyo Ciidanka Booliska guud ahaan, siiba waaxda dembi-baarayaasha booliska;
8.     Dedejinta dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee Xuquul Insaanka, Dib-u-Heshiinta  iyo Isu-celinta Hantida ee uu farayo dasturuka ku meel-gaarka;
9.     In horeytebin la siiyo dib-u-eegista qaybta dastuurka Federaalka la xariira garssorka iyo sharciga garssorka; iyo
10.                        In la dejiyo manhaj qaran oo kobciya kasmada muwaaddinnimada (civic consciesness) lagana hirgeliyo dugsiyada (gaar ahaan heerka dugsiyada hoose – sare), warbaahinta, kulammada bulshada,  iyo xarumaha waxbarshada dadka waaweyn.

Shirkan dalka qiimo weyn ayuu u leeyahay. Waa dood cilmiyeed looga gol leeyahay in lagu soo bandhigo afkaar wax ku ool u noqon karta in Soomaaliya ay yeelatoa hannaan maamul garsoor oo la saan qaadi kara ama la heer ah kuwa ugu horreeya ee adduunweynaha ka jira.
Waan hubaa in talobixin meelmar noqon karta ayan ahayn arrin fudud. Waxaan kaloo hubaa inaad ila qabtaan in fikrad marka la guddoonsado, taabbagelinteeda iyo u dejinta habraac fulineed ay u baahanayaan dadaal, waqti dheer iyo daraasado hor leh.
Saa daraadeed waxaan codsanayaa, si dadka ka hawlgeli doona fulinta talooyinka aad soo jeedin doontaan ay ugu fududaato, inaad u tilmaantaan meelaha ay raadraac ama maraajica ka kaalmayn kara hawlahooda.

1 comment:

Anonymous said...

Attractive section of content. I just stumbled
upon your website and in accession capital
to assert that I acquire in fact enjoyed account your blog posts.
Any way I will be subscribing to your augment and even I achievement
you access consistently fast.

my web page; sandrariedel.de

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...