Thursday 18 April 2013

Somalia - Wararkii Maanta


Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cagta marinaya Mas’uuliyiintii Beesha Murusade ee Xilalka ka haayay Dowladda, Jabriil Maxamed Sh Cusmaan oo Xilkii laga qaaday Warbixin
Jabriil Maxamed Sheekh Cusmaan oo ahaa Qunsulkii Guud ee Safaarada Soomaaliya ee Magaalada Adis ababa ayaa xilkii laga qaaday iyadoo durba qofkii lagu bedelay ka howlgalay Safaarada Soomaaliya ee Magaalada Adis ababa.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay newsomali.com in wiilkii uu dhalay Jen Maxamed Sheekh Cusmaan Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya xilligii Dowladda Maxamed Siyaad Barre hadda ku laabtay Magaalada Muqdisho kolkii si rasmi ah Dowladda Soomaaliya u soo magacawday Qunsul cusub kaas oo la wareegay Xafiiska.
Qunsulka cusub ee Soomaaliya Magaalada Adis ababa ayaa waxaa loo soo  magacabay Farxaan Axmed Cali wararka ayaa sheegaya in Mas’uulkan uu ka mid ahaa Wafdigii Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee tagay Magaalada Adis ababa isagoo markaas la wareegay howshiisa.
In kastoo Xil ka qaadista iyo Magacabista ay xaq u leedahay Dowladda Soomaaliya ayaa hadana beesha uu ka dhashay Qunsulkii hore waa ina Maxamed Sheekh Cusmaan waxay isku arkaan in la dulmiyay tab iyo markii Madaxweyne ka noqday Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.
Beesha Murusade ayaa hadda u muuqata oo la cirib tirayo lamana garanayo sababta Madaxweyne Xasan Sheekh oo beeshiisu xilal badan ka haysa Dowladda bartimaameed uga dhigtay Xilalka beeshan Murusade.
Qunsulka cusub ee Safaarada Soomaaliya ee Magaalada Adis ababa ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo beesha Hawiye gaar ahaan beesha Ceyr.





Madaxweynaha Somalia  Sh oo amray in dib loo eego ammaanka xarumaha maxkamaddaha
 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in dib loo eego ammaanka xarumaha maxkamadda dalka Soomaaliya. kaddib markii Axadii toddobaadkan weeraro iyo toogasho toos ah ay ka dhaceen xarumaha hey’addahga maxkamadaha ee ku yaalla Muqdisho.
War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheega in madaxweynuhu uu qirsan yahay walbahaarka iyo cabsida ay qabaan mas’uuliyiinta maxkamadaha, wuxuuse ballan-qaaday in la sugi doono amniga dhammaan xarumaha dowladda.
Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in kooxda Al-Shabaab ay wax ka badashay qaabkii ay ku dagaalami jirtay, ayna billaabeen isku dhax qarinta bulshada, si ay u carqaladeeyaan ammaanka iyo horumarka haatan ka jira dalka ayuu yiri madaxweynuhu.
Ugu dambeen madaxweynaha ayaa ku boorriyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM inay qaadaan tallaabooyin ay ku sugayaan amniga dalka.
Wuxuu sheegay in saraakiisha laamaha amniga uu ku amray baaritaanka weerarkii lagu qaaday xarunta maxkamadda gobolka Banaadir, isla markaana ay la yimaadaan tallaabooyin lagu adkeenayo amniga xarumahaasi, loogana hortagayo weerarro kale oo ay al-Shabaab soo qaaddo.
Si kastaba, waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weerarkii iyo is qarxintii ka dhacday magaalada Muqdisho dad ku dhintay waxa ay kor u dhaafayaan ilaa 30-qof halka 60-kalena ay ku dhaawacmeen, waxaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas kooxda Al-Shabaab
.
Beesha Absame oo kala saartay 3 Musharax Jagada Madaxweynaha ee Jubbaland, Prof Gandi oo Waaga ku bariyay iyo Axmed Madoobe oo faraxsan
Wararka naga soo garaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hose ayaa waxaay tibaxayaan in manta magaaladaasi ay go,an lagu kala reebayo musharaxiinta badan ee beesha ka soo sareen Odayaasha Beesha Absame.
Kulan u socday Odayaasha Beesha Absame mudo dhan 7 cisho ayaa waxaay manta ka soo sareen go,an ah in Beesha ay hal musharax uu uga qayb galayo dorashada Madaxweynaha Jubbaland.
Odayaasha ayaa waxaay sheegeen ka dib marki ay firiyeen dhinacyo badan islamarkana ay tartan siyeen 3 musharax ee ugu cad cad beesha absame ee kala ah Sh Axmed Madoobe Sh Shakuul iyo Prof Gandi ay odayaasha u garteen in u tartanka ka qayb galo Musharax Sh Axmed Madoobe.
Kadib go,ankaas ayaa waxaa si dag dag ah markiiba u qadacay Prof Maxamed Cabdi Gandi PROF KA  ayaa waxaa u sheegay in go,aanka odayaasha usan ahayn mid cadaalad ah asagana ahana usan marnaba u hogaansami doonin.
Sido kale Sh Ibrahiim Shakuul ayaa asagu ka gabsaday in uu wax ka yirahdo Go,aanki ka soo baxay odayaasha beesha Absame waxaana uu sii labo jibaaray Olaolahiisa doorashada asago awooda saraya in u noqdo Musharax madax banan.

 Yaa bixiya Qarashka Shirka ka socda Magaalada Kismaayo, Ma og tahay Sababtii Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya loogu yeeray Magaalada Oslo, Warbixino Sir ah oo soo baxay
Dawladda Norwey ayaa dhowaan uga yeertay Dalkeeda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Dr Jawaari, u yeeritaanka Dr Jawaari ayaa la sheegayaa inuu ka danbeeyay kadib Markii Dawladda Norwey ka cabsatay inuu Fashilmo abuuritaanka waxa loogu yeeray Jubbalan State oo ay maalgelinayso Dawladda Dalka Norwey.
Dawladda Norwey oo dan weyn ka leh dalka Soomaaliya ayaa ah dawladdii horey u maalgelisay Mashruucii Xadeynta Bada ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, mashruucaas oo uu Baarlamaanka Soomaaliya ku gacan seyray.
Kadib Markii Dawladda Norwey ogaatay in Mashruucii Fashilmay ayaa Dawladda Norwey Bilaawday inay maalgeliso Samayntii Dastuurkii Soomaaliya oo la sheegay in Looga baxay KMG-da, Mashruucaas ayaa qarashkiisa waxaa bixiyey Dalka Norwey, Ujeedka ugu weyn oo ay u maalgelisay mashruucaas ayaa weli daba socda shidaalka dawladda Norwey ay doonayso inay ka qodo Badda La isku haysto ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.
Abukaatayaashii qoray Dastuurka ayaa sheegay in Safiiradii Norwey ee Dalka Kenya ee lagu magacaabi jiray Ms. Rena inay maalgelisay qoristii Dastuurka Soomaaliya, Dastuurkaas oo ay qasab ahayd qof kasta oo ka shaqeynaya inuu aqbalo in Dalka Soomaaliya uu noqo Federaal.

Kadib samayntii Dastuurkii qasnaa ee federalka ayaa Dawladda Norwey ay bilaawday inay maalgeliso Ciidamadii lagu tababaray Kenya, Ciidankaas oo Maamulkii loogu magac Daray Asaaniya ama Jubaland loo samaynayay, ciidankaas ilaa hadda waxaa mushaarkiisa iyo qalabayntiisa maalgeliyey sida la sheegayo Dalka Norwey, Ciidankaas ayaa hadda ku biiray dhamaantiis Kaanbooniyiinta uu hogaamiyo Axmad Madoobe.
Kadib Markii Dawladda Soomaaliya ka hortimid Maamulkaas ka hor imaanay qaranimada Soomaaliya ayaa Dawladda Norwey waxaa ay u yeertay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dr Jawaari, Dr Jawaari oo heysta dhalashada Dalka Norwey ayaa la sheegayaa in si aad u weyn loogu soo dhoweeyay Dalka Norwey iyada oo lagala soo hadlay in Baarlamaanka Soomaaliya uusan faragshanin samaynta Maamulka lagu sheegay Jubbaland state, Maamulkaas oo ay Dawladda Norwey sheegtay in dani ugu jirto samayntiisa.
Dawladda Norwey ayaa u sheegtay Dr Jawaari inuu ka hortago qorshaha RW Saacid iyo Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheekh ay ku doonayaan inay ku joojiyaan samaynta Jubbaland state, Maadaama ay dhaawacayso qaranimada Soomaaliya.
Dawladdaha Yurub oo uu haatan ka jiro dhaqqalo xumo ayaa usoo jeestay inay ku tartamaan sidii ay u qabsan lahaayeen wadamada Dahan ee Afrika oo ay Soomaaliya koow ka tahay, Wadamada Yurub siiba Norwey ayaa go’aansatay in Soomaaliya oo mid ah aysan ka heli karin danaheeda sidaa daraadeedna soomaaliya laga dhigo dawlado aan isku xirneyn, kuligoodna isku haysta xuduudo, wax xiriir ah oo mideeyana aysan jirin.
Haweeney ku nool xeryaha barakacayaasha Magaalada Muqdisho oo nin hubeysan gurigeeda ku Kufsaday!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)
Haweeney ku nool xeryaha barakacayaasha magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in kufsi loogu geystay halkaas ka dib markii uu nin hubeysan uu gurigeeda ugu soo dhacay kuna kufsaday wiil yar oo ay dhashay hortiisa, Markii ay hadlay wejigeeda Camerada waa laga leexiyay sababo dhinaca amaanka ah
 Haweeneydaan oo aan magaceeda la shaacin laguna soo gaabiyey Fartuun arimo la xiriira amaankeeda awgeed ayaa waxay dhawaantaan wareysi siisay telefishinka BBC ayaa waxay sheegtay inay gurigeeda ama teendhada ay ku nooleyd uu ugu soo dhacay nin ku hubeysan qori xilli ay ahayd saq dhexe oo habeenkii ah ka dibna uu halkaas uu ku faraxumeeyey ama uu ugu geystay kufsi xilli uu falkaas arkaayey wiil yar oo ay dhashay , haweeneydaas ayaa waxay ku cabaaday inaysay helin wax caawinaad ah ama wax u soo gurmaday, ninkii kufsiga u geysanaayey ayaa waxaa uu u sheegay inaysan hadlin ama aysan qeylin islamarkaana aysan ka hor imaan oo aysan diidin inuu kufsado hadii kalena uu dili doono.
Ugu dambeyntiina iyadoo haweenka ku jira xeryaha barakacayaasha magaalada Muqdisho ay ka cabayaan in loo geysto kufsi baaxad weyn leh ayaa warbixin laga diyaariyey arintaas waxaa ay sheegtay in sanadkii la soo dhaafaay oo kaliya la diiwaan galiyey ilaa 1700 oo kiis oo ah haween lagu kufsaday xeryahaas barakakacayaasha ee ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoona inta badan kufsashada haweenkaas lagu eedeeyey inay geeystaan qaar ka mid ah ciidamada dowlada, Sidoo kale ayaa dowlada Soomaaliya oo marar badan ka hadashay arintaan waxay u muuqataa inaysan wax muuqda oo la taaban karo aysan ka qaban iyadoona ay wali jiraan in haweenkaas masaakiinta ah loogu dhaco habeen kasta guryahooda laguna kufsado taas oo keentay inay haweenkaasi ay ku noolaadaan cabsi joogto ah oo ayna ku seexdaan habeen kasta cabsidaas.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...