Tuesday, 9 April 2013

Xaflad ay Xilalka kula kala wareegayaan gudoomoyihii hore ee Hiiraan iyo Midka Dhawaan ay magacowday Dowlada oo Beledweyne ka socota



Beledweyne(RBC Radio) Munaasabada ay xilalka kula kala wareegayaan maamulkii hore ee gobolka Hiiraan iyo maamulka ay dowlada Soomaaliya u magacowday gobolkaas ayaa hada ka socota gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana madasha xil wareejinta xaadir ku ah wasiirka Khayraadka dalka,wasiir ku xigeenada wasaaradaha gaashaandhiga,Maaliyada iyo arimaha gudaha iyo amniga qaranka masuuliyiinta maamulkii hore iyo midka cusub,waxgarad ,Saraakiihsa ciidamada AMISOM iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Hiiraan.
Munaasabada oo ka dhacaysa Baar Xasan Dhuux ayaa waxaa khudbado ka jeediyey wasiirada ku sugan madasha iyagoona inta badan khudbadahooda diirada ku saaray amaan ay u jeedinayey maamulkii hore ee gobolka Hiiraan sida xil kasnimada leh ee uu u wareejinayo xilka.
Waxaana bilowgii xaflada goobta laga aqriyey Dekereeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud taasoo qeexaysay in maamul cusub loo magacaabay gobolka Hiiraan isla markaane Cabdi Faarax Laqanyo uu noqonayo gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan.
Xaflada oo wali socota ayaa waxaa la filayaa iney goobta ka hadlaan gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo maanta xilka wareejinaya iyo Cabdi Faarax Laqanyo oo loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ee xilka maanta lagu wareejinayo.
Munaasabada xil wareejinta ee xiligan ka socota magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay baaqatay maalinimadii shalay oo lagu waday in lagu qabto magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.



RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...