Taariikhda : April 11, 2013 - Waxaa Qorey : Ahmed Abdi Macow ( Basbaas ) -
Dowlada Kenya ayaa dalkeeda u diiday Siyaasiyiinta iyo Wax garad kasoo Horjeeda Maamul Goboleedka gadaal ka riixeeso Dowlada Kenya ee lagu dhisayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Maalintii shalay Garoonka Joma Kinyatta ee Magaalada Nairobi waxaa saacado kooban lagu xayiray Siyaasiyiin iyo wax garadka kasoo jeeda Deegaanada Jubooyinka kuwaa oo si weyn uga soo horjeeda Maamulka Jubaland State oo hada dhismihiisa uu kasocda Magaalada Kismaayo.
C/Qaadir Xaaji Maxamed (Luga Dheere) oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Jubooyinka horeyna Wasiir uga soo noqday Xukuumadihii KMG ayaa kamid ahaa xubnaha loo diiday in ee galaan Magaalada Nairobi loona sheegay in ee warqad kataal garoonka Dibna loogu celinayo Magaalada Muqdisho.
Suldaan Luga-Dheere ayaa xusay in uu watay Viiso Kenyan ah oo hal sano ah Magaalada Wajeerna looga soo dhuftay Staambada dal ku galka ah balse markii ee gaareen Magaalada Nairobi gaar ahaan Garoonka Joma Kinyatta loo diiday in ee ka baxaan garoonka laguna war galiyay in dib loo celinayo maadama ee Warqad ka taal Xubnaha kasoo horjeeda Dhisida Maamulka Jubaland Qeybta Immigration-ka.
Axmed Xasan oo isna kamid ah Waxgaradka loo diiday in ee galaan Dalka Kenay ayaa nasiib daro ku tilmaamay arintaasi waxa uuna sheegay in qorshahooda uu ahaa una socdeen Magalaad Nairobi si Beesha Caalamka ugu sheegaan in ee jiraan dad kasoo horjeeda Maamulka Jubaland State uu tilmaay in koox yar ee wadato abaabulka iyo dhisidiisaba.
Dowladda Kenya ayaa waxaa inta Badan Lagu Xantaa in ay Dhaqaalo iyo Juhdi Badan ay ku Bixisay ayna gadaal ka wado oo ay ka Riixeyso Maamulka Jubaland si uu u noqdo Maamul Kenya Siyaasad ahan Hoos Yimaado oo aysan Maamulkaasi ay Dowladda Soomaaliya uu ka Madaxbanaanaado aysan ku Yeelan Wax Talo ah.
No comments:
Post a Comment