Amiirka Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaab Wassunnah, ahna Guddoomiyaha hay’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa maanta safar dacwo ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Sheekha oo ay horay ugu qorshaysnayd inuu booqasho dacwo ku tago dalalka Afrikada Bari ayaa maanta ka dhoofay gegida diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana garoonka ku sii sagootiyey culumo iyo ducaad ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaab wassunnah Sh. Axmed C/samad iyo madaxa xafiiska Buxuuth-ta iyo Fatwada ee Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Sh. Maxamuud Axmed Xasan (Abuu shayba).
Sheekh Bashiir oo dhawaan ka badbaaday qarax bam loogu rakibay gaarigiisa ayaa inta uu joogo magaalada Nairobi waxaa lagu samayn doonaa (in shaa’ Allaah) baaritaan caafimaad; si loo hubiyo in qaraxu saamayn ku sameeyey Sheekha caafimaadkiisa iyo in kale.
No comments:
Post a Comment