Tuesday, 9 April 2013

Jawaari Oo Galabta Wadnaha Farta Ku-Haya In Shirka Oslo Ka Dhacaya Buuq Ay Ku Furaan Jaaliyada PDF-Norway Oo Ka Xumaatay 2-Dii Xildhibaan Ee Liiska Laga Tirtiray ?


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Tuesday, 09 April 2013 11:33

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Jawaari oo maalmahan ku sugnaa magaaladda Oslo ee Caasimadda Norway ayaa ka cabsi-qaba in dhalinyaro careysan oo Jaaliyadda PDF-Norway ka tirsan inay carqaladeeyaan shirka galabta ka dhacaya (Oslo-Kongressenter)oo laga cabsi-qabo in Jaaliyadda Puntland ee Norway oo ka carootay in Jawaari 2-dii Xildhibaan ee Puntland ku soo aaday uu liiska ka tirtiray kuna bedelay dad aan Xildhibaano aheyn.

Dawladda Norway ayaa la filayaa inay galabta sugto amaanka xarunta (Oslo-Kongressenter)maadaama laga cabsi-qabo inuu muran ka dhaco su'aal Jaaliyadda PDF-Norway hordhigi-doonto Gudoomiyaha oo ku saabsan,sababta uu 2-dii Xildhibaan ee Puntland liiska uga tir-tiray iyo cidda ku cadaadisay inuu falkaas ku dhaqaaqo.

Hadaba waxaan ugu baaqaynaa dhamaan Jaaliyadda PDF-Norway oo aan ognahay inay ka careysan-yihiin maamul-xumadda uu ku dhaqaaqay Jawaari inay dul-qaad muujiyaan shirkana si gobanimo ah ugu soo qeyb-galaan,maadaama uu khaladka uu ku dhacay Gudoomiyaha laga yaabo in lagu cadaadiyay inuu 2-dii Xildhibaan ee Puntland uu liiska martida Oslo imaan-laheyd ka tir-tiro,waxaana idin kula talinaynaa idinkoo mudaaharaad sameyn buuqna ka dhalin hoolka shirka lagu qabanayo inaad su'aalaha si xikmadeysan u weydiisaan Jawaari,iyadoo naloo xaqiijiyay in Maykarafoonka loo ogol-yahay qofkii su*aal qabo inuu Jawaari weydiiyo.

Balanteenu waa galabta iyo saacadda marka ay dul-istaagto 17:00(shanta-Galabnimo)inaad ka soo qeyb-gashaan shirkan su'aalaha lagu weydiinayo Jawaari ee ka dhacaya (Oslo-Kongressenter)

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...