Thursday, 11 April 2013

Mid kamid ah Beelaha Jubaland oo Go’aano kasoo saartay Gabagabada Kulamo Maalmihii danbe uga socda Kismaayo



Kismaayo (RBC Radio) Shirweyne Labadii maalmood ee ugu danbeeyey magaalada Kismaayo uga soconayey mid ka mid ah beelaha ku dhaqan gobolada Jubooyinka iyo Gedo kaasoo ay uga arinsanayeen marxalada ka jira goboladaas iyo sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha xiligan taagan ee uu ka mid yahay dhisida maamul goboleedka Juba-land ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Kismaayo.
Markii ay soo idlaadeen wadahadaladii ay lahaayeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Mareexaan ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay kasoo saareen go’aano dhowr ah oo ay isku raaceen kuwaas oo ku saabsan kaalinta beesha ee ku aaddan arimaha shir weynaha maamul u samaynta Jubaland.
Qodobada kasoo baxay gabagabada shirka Labada maalmood uga socday waxgaradka,odayaasha iyo Siyaasiyiinta beesha Mareexaan  ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka mid ahaa.
1) In dhamaan qaybaha kala duwan  ee beesha mareexan ay taageersan yihiin  dhisida dawlad goboledka juba-land
2)      In ay beeshu ka mid noqoto beelaha kale ee soomaaliyeed ee u taagan qabashada  xilka madaxtinimada maamulka juba-land
3)      In mowqif isku mid ah ay beeshu ka qaadato dhamaan cid walba oo kasoo horjeesata jiri taanka juba-land iyo dhisda maamulka Juba-land
4)      In aysan beesha mareexan matalin shaqsiyaad siyaasiyin ah oo kusugan dalka iyo dibadiisa kuwaas oo  xagal daacinaya in la dhiso dawlada goboleedka  juba-land qaar koodna dhaqaale ku bixiyay sidii ay u joojin lahaayeen dhisida maamulkaas.
5)      In ay beesha mareexan ay ahmiyad gaar ah siin doonto dib u heshisiin dhab ah oo beelaha jubooyinka la kala dhex dhigo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...