Tuesday, 9 April 2013

Nin 2-Diisa Xaas U Kala Eexday Miyaad Cadaalad Ka Sugeysaa?Xaaska Madaxweyne Xasan Culusoow Oo Afka Furatay Qarxisayna Cadaalad-Daradda Odaygeeda Uu Ku Sameeyay.


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Monday, 08 April 2013 16:30

Nin 2-diisa Xaas u kala eexday miyaad cadaalad ka sugeysaa?Xaaska Madaxweyne Xasan Culusoow oo afka furatay qarxisayna cadaalad-daradda Odaygeeda uu ku sameeyay.

Marwada labaad ee Madaxweyne Xassan Culusoow  Garguurte Sahra Omar Hassan oo safar ku joogta Magaaladda Dubai ayaa markii ugu horeeysay Jaaliyadda beesha ay ka dhalatay ee Daa”uud Abgaal u gudbisay xadgudubyo iyo cadaalad daro uu kula kacay Ninkeeda.
Sahra Omar oo la hadleysay eheladeeda waxay tiri ” Waan ka soo tegay Villa Somalia   maxaa yeelay waxaan u adkeeysan waayay Cadaalad darada iyo qabyaalada ninkeeyga Hassan Mohamud Culusow igula kacay,sidaad ogtihiin tan iyo markii la doortay aniga Madaxtooyada ayaan Kuuk ,Cunto kariso ka ahaa,halka Xaaskiisa kale Qamar Ali Omar uu safaradiisa dibadda iyada keligeed u kaxeeystay”
Marwada labaad ee Madaxweyne Hassan waxay tiri ” Sidaad ogtihiin Ganacsato ayaan ahaa ,waa taan Shidaal iibin jiray,wixii lacag aan heystay asaga ayaan geliyay  xilligii doorashada laakiin wuxuu iigu abaalguday in qof xageeyga ka socda uu ka ilaalsho Madaxtooyada,safar walbana u kaxeeysto Xaaskiisa kale maxaa yeelay waa ina adeertiis,waa Waceeysle”
Inkastoo Marwo Sahra Omar Hassan safarkeeda Dubai lagu sheegay mid ka dhashay DUDMO,Caro ay uga soo tagtay ninkeeda hadana hadaladii ay tolkeeda u jeedisay waxaa ugu xasaasiyad badnaa kelmad runa oo ay tiri “NIN LABADIISA XAAS U KALA EEXDAY ,U CADLI FALI WAAYAY MIYAA SOMALIWEYN U NOQON KARA DHEX,OO CADAALAD LAGA SUGAYAA ,waxay ila tahay Jawaabtu waa maya laakiin Somali allaa u maqan”
Si kastaba ha ahaatee,waxaa Madaxweyne Hasaan lala xiriirshay inuu yahay nin qabyaalada ku badan tahay,aadna u lacag jecel.

Sawirka Hoose waa Xasan Culusow iyo Xaaskiisa isku jifada yihiin Wacaysle Abgaal.Nin Xaasaskiisa ugu kala eexday qabiyaalad iyagoo wali Abgaal wada ah Soomaaliweyn uma cadaalad fali karo:

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...