Monday 29 April 2013

Diblomaasi Ingiriis ah oo Loo Magacaabay Danjiraha QM Ee Soomaaliya



New York (RBC) Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa caawa shaaca ka qaaday in Ergeygii u qaabilsanaa Soomaaliya uu xilka ka tagayo 3-ka bisha Juun isagoo magacaabay wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Nickolas Kay oo ah agaasime ka tirsan waaxda Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa loo magacaabay inuu noqdo wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Diblomaasigan Ingiriiska ah ayaa horey uga soo shaqeeyay qaaradda Afrika, gaar ahaan wadamada Sudan oo uu ka ahaa danjiraha Ingiriiska ee fadhiya Khartoum. Wuxuu sidoo kale noqday la taliye ka tiesan xagiiska Afrika ee waaxda arrimaha dibadda Ingiriiska.  Waa aabe leh saddex carruur ah iyo xaas.
Magacaabistiisa ayaa timid xilli dawlada Ingiriiska ay qabanqaabineyso shirweyne lagu kaalmeynayo dwlada Soomaaliya kaasoo bisha May 7-deeda ka dhici doona London.
Dhanka kale xafiiskii siyaasadda Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya UNPOS ayaa gebigiisba la baabi’iyey, iyadoo hadda Qaramada Midoobay ay ka fekereyso magac u bixinta xafiiskeeda cusub ee Soomaaliya oo noqon doona xafiis caawimaad oo la shaqeeya hay’adaha dawlada federaalka Soomaaliya.

RBC Radio

1 comment:

Anonymous said...

Oh my goodness! Impressive article dude! Many thanks, However I am having difficulties with your RSS.
I don't know the reason why I am unable to subscribe to it. Is there anybody else getting identical RSS problems? Anybody who knows the answer can you kindly respond? Thanx!!

Here is my web-site ... karen millen coat

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...