Monday 15 April 2013

XOG: Wiil Soomaalida Canada ah oo La Sheegay inuu Ku Jiray Raggii Shalay Isku Qarxiyey Maxkamadda Muqdisho



Xarunta maxkamadaha ay deganaayeen oo shalay qaraxyada ka dheceen kadib markii koox hubeysan ay qaraxyo ku weerareen.
Nairobi (RBC) War ay shaaciyeen sirdoonka wadanka Canada ayaa sheegaya in sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa Canada ay baaritaan ku hayaan wiil Soomaalida Canada ah oo la sheegay inuu ku jiray sagaalkii nin ee shalay weeraray iskuna dhex qarxiyey xarunta ay degan yihiin maxkamadaha oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Wiilkan oo lagu magacaabo Mahad Cali Dhoore ayaa la sheegay inuu ka baxay jaamacadda York University ee wadanka Canada halkaasoo illaa hadda qoyskiisa ay ku nool yihiin.
Mahad Cali Dhoore ayaa la sheegay inuu u soo dhuuntay Soomaaliyana uuna ku biiray kooxda Al Shabaab, isagoo ka mid ahaa kooxdii shalay oo Axad ahayd weerarka ku qaaday xarunta maxkamadda gobolka Banaadir oo fariisin u ah dhammaan xafiisyada garsoorka ee dalka.
Wargeyska the Star ee wadanka Canada oo soo xigtay saraakiil sirdoon oo gudaha Soomaaliya iyo Canada jooga ay u sheegeen inay baaritaan ku wadaan sidii ay u ogaan lahaayeen in Mahad Cali Dhoore uu ka mid yahay dadka isku qarxiyey magaalada Muqdisho maalintii shalay kaasoo geystay dhimashada dad kor u dhaafaya 30 ruux.
Qoyska Mahad Cali Dhoore illaa hadda ma aysan xaqiijin in wiilkooda uu ku jiray dadka isku qarxiyey shalay maxkamadda Muqdisho.
Dhoore iyo taariikhdiisa hore
Mahad Cali Dhoore waa wiil 25-jir ah, waxaana uu la noolaa qoyskooda oo deganaa magaalada Ottawa ee dalka Canada.  Wuxuu jaamacadda York University ka baran jiray maadooyinka Xisaabta iyo Taariikhda laakiin wuxuu sanadkii 2009 qaatay fasax.
Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in shan nin ay fuliyeen weerarkii shalay.
Bishii Nofembar Sanadkii 2009 ayaa adeerkiisa wuxuu sheegay in Mahad aaday magaalada Nairobi ee wadanka Kenya halkaasoo ay joogtay ayeydiis oo xannuunsaneyd. Laakiin mudo yar kadib Mahad Cali Dhoore wuu ka dhuuntay ayeydiis wuxuuna galay Soomaaliya.
Gabar ay walaalo yihiin ayaa sheegtay in mudo kadib markii la waayey warkiisa uu maalin telefoon u soo diray Mahad Cali Dhoore uuna u sheegay inuu guursaday, carruurna uu dhalay haddana uu ku nool yahay meel Soomaaliya ka mid ah.
Kooxda Al Shabaab oo sheegatay weerarkii musiibada ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in shan nin kaliya ay fuliyeen weerarka, walow booliska Soomaaliya ay sheegeen in 9 nin ay ahaayeen kooxda weerarka fulisay.
Soomaalida Canada iyo Mareykanka ayaa horey uga caban jiray dhalinyaro badan oo waalidiintooda ka soo baxsada kuwaasoo ku biira kooxda Al Shabaab oo u sii adeegsada qaraxyada dadka shacabka ah lagu laayo ee ka dhaca gudaha dalka.
Haddii warka dhimashada Mahad Cali Dhoore uu run noqdo ayaa waxaa suurtagal ah in booliska Canada ay bilaabaan baaritaano dheeraad ah oo ku wajahan dhalinyarada Soomaalida ee wadankaasi degan iyo qoysaskooda taasoo saameyn ku yeelan doonta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wadamada reer galbeedka ku nool.


RBC Radio

1 comment:

Anonymous said...

I know this if off topic but I'm looking into starting my own blog and was wondering what all is required to get set up? I'm assuming having
a blog like yours would cost a pretty penny? I'm not very internet savvy so I'm not 100% certain. Any tips or advice would be greatly appreciated. Thanks

Also visit my weblog: air max de france

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...