Sida ay ku soo waramayaan wararka laga helayo Degmada Buulu Barde ee Gobolka Hiiraan Ururka Al Shababa ee Maamula degmadaasi ayaa Maanta Goob fagaara ah waxa ay ku toogteen mid ka mid ah Haweenka degmadaasi Ku dhaqan.
Ururka AL Shabaab ayaa Haweeneydaan ku eedeeyay in Howlo basaasnimo ah ay ka dhex waday Gudaha degmadaasi islamarkaan ay la shaqeeneysay dowladaha Soomaaliya iyo Mareekanka .
Saraakiil Al Shabaab ka tirsan oo fagaaraha dilkaan uu ka dhacay kula hadlay Shacabka Buulo barde ayaa wacad ku maray in dili doonaan Cid kasta oo la shaqeysay dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha Reer Galbeedka.
Sikastaba Cabsi Xoogan ayaa waxa ay La soo daristay dadka shacabka ah eek u nool degmadaasi Buulo Barde Kadib dilkii Maanta Lagu fuliyay Haweeneydaasi Shabaabku ku eedeeyeen in Jaasuus ahayd
No comments:
Post a Comment