Monday 22 April 2013

Somali - Warkii Maanta


Dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka oo sheegay inaysan ogoleyn in Somalia la kala qeybiyo
Iyadoo dhawaan la filayo in Magaaladda London ee dalka Ingiriiska uu ka furmo Shir looga hadli doono Arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa war qoraal ah laga soo saaray Xafiiska Ra’isul Waasaraha Dalkan Ingiriiska David Camaroon lagu sheegay in Dowladda ingiriisku  aysan marnaba raali ka noqon doonin in la carqaladeeyo Hanaanka geedi socodka Soomaaliya.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Ingiriisku  aysan horseed u noqon doonin kala goynta dalka Soomaaliya iyo kala fogeynta Siyaasiyeenta midna sida warka lagu yiri , waxaana warsaxaafadeedkaasi  sidoo kale lagu sheegay in dowladda Ingiriisku  ay buuxin doonto kaalinta kaga aadan Horumarin, Ammaanka Soomaaliya.
Dhanka kale, Qoraal gudaha isbuucaani ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry, ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Maraykanka ay raaci doonto Natiijada ka soo baxda Shirka dhawaan ka furmi doona Magaaladda London, waxaana sidoo kale qoraalka lagu sheegay in Dowladda Maraykanka ay qaadatay Mowqif ku aadan inay taageerto Hanaanka geedi socodka Soomaaliya, waxaana lagu xusay inay kaalin buuxda ka qaadan doonto dowladda Maraykanka Dhanka Ammaanka iyo Horumarinta Soomaaliya.
 Qoraalka oo ahaa mid diirada lagu saarayo Arrimaha Soomaaliya, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya u Aqoonsan tahay inuu yahay Hal dal oo aan kala qeybsami Karin, waxaana sidoo kale lagu sheegay in marnaba Dowladda Obama aysan kaalin ka qaadan doonin kala jarida Soomaaliya.
Norway oo waftigi Jawaari u gudbisey dukumiinti lagu burburinayo sharciga badda Somalia ee law no.37
Dukumiinti iyo xog ay heshay shabakadda Soomaaliyeed ee SomaliTalk.com ayaa tibaaxay in waftigii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee booqashada ku tegey Norway intii u dhaxaysey 6-13 April 2013, in si qayaxan loogu soo bandhigay Dukumiinti qaarkood ahaa QARSOODI (CONFIDENTIAL), oo ku saabsan xeer ay Norway u diyaarisay in loo sameeyo badda Soomaaliya, laguna burburinayo sharciga dhul-badeedka Soomaaliya ee Law No. 37.
Dukumiintigaas Norway soo bandhigtay oo cinwaankiisu ahaa “Law No…. on the Territorial Sea, the Contiguous Zone and the Exclusive Economic Zone of the Federal Republic of Somalia“, waxaana si qayaxan ugu qoran “In Badda Dhulbadeedka Soomaaliya noqon doono 12 mayl-badeed.”
Qodobka 8aad ee dukumiintigaas Norway Law No (…………) waxa ku qoran  in “Laga laabto ama la baabi’iyo qodobka 1aad ee xeerka Law No. 37 ee Dhul-badeedka Soomaaliya ee soo baxay 10-kii September 1972″. Ufiirso halkaas: Norway markii ay loodin weydey Law No. 37 ayey tiri halaga laabto.
Qodobka la doonayo in laba tirtiro Law No. 37 waxa uu dhigayaa sidan:
1. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya (Territorial Sea) waa qayb kamid ah badda oo gaaraysa 200 mayl badeed (nautical miles) ee xeebaha qaaradda iyo xeebaha jasiiradaha, oo lagu xadeeyey sida ku qeexan qodobka 2aad iyo 3aad ee Sharcigan.
Waftigii Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, ee booqday Oslo, waxaa Norwegianku ku yiraah deen: Baarlamaankii Soomaaliya sannadihii 80-naadkii ma ansixin xeerka Law No. 37, hadalkaas waxaa si kulul uga jawaabey xildhibaan waagaas ka tirsanaa baarlamaankii Soomaaliya oo waftiga la socdey, waxana uu Norwegiankii si caro leh ugu sheegay “Aniga ayaa ka tirsanaa baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas, waana meel marinay sharcigaas Law No. 37.”
Markale u fiirso dukumiintiga Norway ku dooneyso in lagu burburiyo Law No. 37. Waxaa loo qoray sidan  (Law No….. MEEL BANNAAN…. on the Territorial Sea). Taas oo Soomaalida loo banneeyey in ay meesha bannaan ku buuxiyaan lambar ay u sameeyaan “sharci cusub” oo badda Soomaaliya kusoo koobaya 12 mayl – (waxaan u bixneynaa Xeerka No. ZERO … EBER.)
Qorshaha Norway ay soo jeedisey Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari waxba kama dhehin. Laakiin waxaa Norway arrinta ku kululeeyay xildhibaano kale oo waftiga ka tirsanaa.
Xubnaha Norwegianka ee khariidadaha, arrimaha badda iyo heshiiskii MoU kala hadlay waftiga Barlamaanka waxaa ka mid ahaa Amb. Mr. Hans W. Longva. Waxaa xusid mudan in Mr. Longva uu ka mid ahaa xubnihii goob joogga ka ahaa markii DFKMG ahayd iyo Kenya kala saxiixanayeen heshiiskii Is-fahamka ee MoU oo April 7, 2009 lagu kala saxiixday Nairobi – markii dambese baarlamaanku ka dhigay Null & Void..
Waxaa kale oo xubnaha reer Norway ee waftiga la hadlay kamid ahaa Mr. Harald Brekke. Waxaa xusid mudan in Mr. Brekke uu ka mid yahay juqraafiyahanada Kenya ka caawiyey xogtii ay Qarammada Midoobey u gudbisatey May 6, 2009. (Eeg bogga 10aad ee xogtaas), islamarkaasna Mr. Brekke laga soo bilaabo 1997 waxa uu xubin ka ahaa guddiga go’aanka ka gaari doona xadaynta badaha adduunka.
Khariidadaha ay Norway usoo bandhigtay Waftiga Baarlamaanka waxaa ka mid ahaa Map ama Khariidad muujinaysa qaab aad ugu dhow sida uu dhigayo xeerka Law No. 37 oo ah 200 mayl-badeed iyo in xadka badda ee Soomaaliya & Kenya in uu ku suntan yahay xarriiq 90 derejo la samaynaysa xeebta taas oo u socota Koonfur bari, iyo weliba kordhintii badda ee Qaramada Midoobey ay dalalka xeebaha leh u ogol yihiin in ay gaarsiiyaan 350 mayl-badeed, waxaana khariidadu muujineysaa sidaas”. Laakiin waxaa lagu xejiyey khariidad kale oo muujinaysa inta Kenya gudaha u soo gashay badda Soomaaliya. Taas oo loo qaadan karo jees jees.
Waftigii Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari waxaa kale oo Norway usoo bandhigtay sida ay u dooneyso in Soomaaliya hirgeliso heshiiskii is-fahamka ee MoU-dii Kenya iyo Dawladdii KMG ahayd (xusuus: Baarlamaankii hore waxba kama jiraan ayey ka dhigeen MoU, Qaramada Midoobayna  heshiiskaasi la tixraaci karin.) Taas oo jirta ayaa hadalkii Norway ka mid ahaa “Waxaa dani idiinku jirtaa in aad Kenya la heshiisaan”. Waxaana kulamadaas ka qayb galay shirkado Shidaal oo Norway leedahay.
Arrimahaas waxay si gaar ah ugu qeexan yihiin dukumiinti cinwaankiisu yahay “Somalia Agreements With Neighbouring Countries Will Allow the Commission To Consider…” Waxaa kale oo kamid ah dukumiintigii Walad Cabdalla hore ugu diyaariyey Dawladdii Shariifka, oo Norwayna xilligaas sheegtay inay wax ka caawintay, oo ahaa “Preliminary Information Indicative of the Outer Limits of the Continental Shelf.”
Waxaa arrin lagu qoslo ahayd in Dukukiintiyada loo soo bandhigay waftiga Guddoomiyaha baarlamaanka ay kamid ahayd warqad la yiri ra’iisul Wasaarahii DFKMG Cumar C/rashiid ayaa u qoray Ban Ki-Moon “PM Omar Abdirashid Ali Sharmake Letter to Secretary General Ban Ki Moon 19 August 2009“. Laakiin warqadaasi waxay ahayd mid lagu been abuurtay magaciisa.
Halkaas aan akhritayaasha xusuusino:
August 1, 2009 ayaa kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaankii KMG ahaa waxay si aqlabiyad ah ku diideen heshiiskaas is-faham. 334 xildhibaan ayaa cod xoog leh ku sheegay in heshiiskaasi yahay Waxba kama jiraan (NULL & VOID).
October 10, 2009 ayaa Cumar C/rashiid waxa uu warqad u qoray ban-ki Moon, taas oo uu ku wargelinayey in Baarlamaanka Soomaaliya ay waxba kama jiraan ka dhigeen MoU.
Is-fahamkaas markii baarlamaanku ganafka ku dhufteen waxaa xanaaqay Prof. Ibbi oo hormuud ka ahaa kuwa u ololaynayey heshiiskaas muranka gelinayey badda Soomaaliya. Waxana Prof. Ibbi uu August 19, 2009 waraaq u qoray Ban-ki-Moon ee Qarammada Midoobey. Warqaddaas oo uu ku qoray magaca Cumar C/rashiid, laakiin uu isagu (Prof. Ibbi) saxiixay. Waxana uu ku doonayey in uu MoU-ga taageero.
March 2, 2010 ayaa safiirka Soomaaliya u fadhiya UN waxa uu warqad u qoray Ban-ki Moon,waxana uu lifaaq ahaan ugu daray warqaddii Cumar C/rashiid ee October 10, 2009 uu ku wargelinayey in Soomaaliya waxba kama jiraan ka dhigtay MoU. (Cumar C/rashiid waxa uu ka mid ahaa kuwii markii hore u ololayn jirey MoU, laakiin waxa uu ku khasbanaaday in uu baarlamaanka warkiisa u gudbiyo caalamka maadaam uu ahaa hay’addii fulinta.)
Markaas ayaa qoraal kooban oo March 12, 2010 lagu faafiyey shabakadda rasmiga ah ee Qarammada Midoobey (UN) ayaa shaaca ka qaaday in Heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee dhex maray DFKMG iyo Kenya “in Baarlamaanka Federaalka kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin.”
Isku soo duuboo marka loo dhaba galo dukumiintiyadii Norway usoo bandhigtey Waftigii Jawaari, waxaa ka soo ifbaxaya in “Dawladda Federaalka Soomaaliya laga dhaadhiciyey qorshaha in ay baab’iso xeerka Law No. 37 ee Dhul-Badeedka Somalia (Territorial Sea) iyo Dekedaha ee soo baxay 10-kii September 1972 kaas oo dhigaya in badda Soomaaliya ku cabiran tahay 200 mayl-badeed. Waxaana lagu baab’nayaa qorshe ka soo baxay shirkii Addis Ababa ee Maarso 2013 iyo qorshaha ay Norway usoo bandhigtay Waftigii Guddoomiyaha baarlamaanka ee Norway tegey horraantii April 2013.”
Maxaa la gudboon Baarlamaanka:
Baarlamaanka Soomaaliya waxaa xil ka saaran yahay in ay difaacaan danaha dalka & shacabka Soomaaliyeed, lana xisaabtamaan madaxda Soomaaliya marka ay ku tagri falaan awooda, la xisaabtamaan xukuumadda. Haddii xukuumadda iyo guddoonka baarlamaanku u ka janjeersadaan danta dalka, cidda la xisaabtamaysa waa baarlamaanka.
Adduunka badankiisu waxa uu xushmeeyaa go’aanada ay golaha baarlamaanadu gaaraan, sidaas daraadeed barlamaanka Soomaaliya waxaa hadda horyaal in ay sharci dastuuri ah kusoo saaraan in aan laga laabanayn Law No. 37, uuna yahay sharci ay lahayd badda Soomaaliya laga soo bilaabo 1972.
Shacabka Soomaaliyeed:
Marar badan waxaa dhacda in madaxda dal ay ku tagrifalaan xukunka ayagoo danahooda gaarka ah iyo xilkooda fiirsanaya ayna ilaawaan danta caamka ah. Taas marka ay dhacdo shacabka dalkaas ayaa madaxdooda markale ku baraarujiya cidda ay matalaan in ay tahay danta guud ee dalka iyo shacabka.
Shacabka Soomaaliyeed ayaan u dhaafaynaa arrintan.
Lifaaqan ama halkan ka eeg documents ay Norway u soo bandhigtay waftigii barlamaanka Soomaaliya ee booqashada ku tagay Oslo 6-13 April 2013.
FG: Qoraalka intii aanaan daabacin ka hor, markii SomaliTalk heshay dukumiintiyadaas waxaan la xiriirnay Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo aan arrimahaas wax ka weydiiney. Jawaab kama bixin.
Waxaana lagala xiriiri karaa:
Xafiiska Madaxweynaha DFS (media@presidency.gov.so)
 Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFS (media@opm.gov.so)
 Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS (xafiiskawarfaafinta@gmail.com)
Akhri Law No 37 oo AfSoomaali loo rogey
Baabintii MoU ee UN-ka markii baarlamaanku ka dhigay waxba kama jiraan:
(‡) By a note verbale dated 2 March 2010, the Permanent Mission of the Somali Republic to the United Nations informed the Secretariat that the MOU had been rejected by the Parliament of the Transitional Federal Government of Somalia, and is to be hence treated as non-actionable.
http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/commission_preliminary.htm#(2)_
Dhanka kale Norway waxay Waftiga Barlamaanka usoo bandhigtay qorshe ay Norway ku dooneyso in ay ku bedesho barnaamijkii Dhaqaale ee Ingriisku usoo jeediyey Dawladda Soomaaliya ee ahaa “Joint Financial Management Board UK”, waxaana taas bedelkeed Noway waftiga usoo bandhigtay dukumiinti cinwankiisu ahaa “Public Financial Management Reform in Somalia – The Special Financing Facility (the SFF) 10 April 2013“.
Wariye Maxamed Ibrahim Raage oo lagu dilay Muqdisho.
Waxaa shalay galavb Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir   lagu dilay  Allaha u naxariistee weriye Maxamed Ibraahim Raage oo ka tirsanaa shaqaalaha wasaarada warfaafinta ee  dowladda Soomaaliya.
Dilka weriyaha ayaa la sheegay inay fuliyeen koox dhalinyaro ah oo  bistoolado ku hubeysnayd, kuwaasi oo markiiba goobta ka baxsaday.
Dilka Wariyahan ayaa ah  wariyihii saddexaad ee sanadkan lagu dilo gudaha magaalada Muqdisho.
Wasaaradda warfaafinta oo Idaacad FM ah ka hirgalisay Gaalkacyo
Munaasabad  xariga looga jarayey Idaacad wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ay ugu deeqday maamulka Galmudug ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
 Xafladan xariga looga jarayay Idaacada Cusub oo ay wasaaradda Warfaafinta ugu deeqday maamulka Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socoto wasaaradda warfaafinta iyo maamulka Galmudug, waxaana si wadajir ah xariga uga jaray agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.
 Agaasimaha warbaahinta wasaaradda warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Shiiq Al-cadaala oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay in hirgalinta Idaacadan ay tahay mas’uuliyada wasaaradda warfaafinta ka saran shacab sidii ay u ugu hagi laheyd hormarka iyo nidaam.
 Sidoo kale wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Maxamuud ayaa tilmaamay in wasaarada warfaafinta ay u taagan tahay wacyigalinta shacabka Soomaaliyeed.
 Ugu dambeyntii agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta C/risaaq Cali Yuusuf ayaa xusay in wasaaradda warfaafinta ay mas’uuliyad ka saaran tahay gaarsiinta shacabka fariinta ka Imaaneyso dowladda.
Baarlamanka oo su’aallo weydiiyay wasiirka arrimaha gudaha
Kalafadhiga labaad kulankiisa 19-aad oo ay maanta mudaneyaasha Baarlamaanka ku yeesheen xarunta golaha shacabka ayaa waxaa soo xaadiray 191 Mudane waxaana shir guddoominayay guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar.
 Ajandaha ayaa ahaa in su’aallo amniga ku saabsan la weydiiyo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka iyadoo uu goob joog ahaa wasiirka.
 furitaanka guddoonka kadib waxaa laguda galay ajandahi su’aala weydiinta ee wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya.
 Xildhibaanada mooshinka ka keenay wasiirka arrimaha gudaha oo ahaa 30 mudane ayaa waxa ay weydiiyeen shan su’aal oo ay ka mid yihiin, in uu cadeeyo dadki 13 bishii March lagala baxay xabsiga waxa ay ahaayen iyo sababta loo dilay, waxa ay wasaaradda arrimaha gudaha ka ogtahay hay’adaha amniga ee ajanagiba  ah ee wadanka ku sugan, Qaraxi lagu xasuqay dadka shacabka ah ee maxkamadda gobalka ka dhacay meesha laga soo abaabulay iyo su’aallo kale.
 Mudane C/kariim Xuseen Guuleed wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo ka jawaabayo su’aal ku saab saneyd dadkii xabsiyada lagala baxay ee ladilay iyo wax ay ahayen ayaa ku yiri.
 “waxaan fasiraad weydiinay hay’adda nabad sugida Qaranka oo falka gudaheeda ka dhacay waxa ay inoo sheegeen in ay soo qabteen labo xubnood oo ka mid ah maleeshiyada shabaab kuwaas oo u kala qaabilsan howlgalada maleeshiyada shabaab ee gobollada Banaadir Sh/hoose iyo Sh/dhexe, ayna ciidamada ku wargaliyeen in ay garanayaan goobo ay ku aasan yihiin hub ayna ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan shabaab”
 Sidoo kale wasiirka amaanka Qaranka oo la weydiiyay ilaa iyo hadda talaabada ay wasaaradda arrimaha gudaha ka qaaday Qaraxi dhawaan lagu xasuuqay shacab Soomaaliyeed ee ka dhacay xarunta maxkamada ayaa yiri.
 “anoo u tacsiyeynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Maxkamada balse dowladda UK digniintii ay bixisay maahan mid la ekaa qasaaraha Qaraxa ee waxa uu ahaa mid meel ka dhac ku ah dowladda Soomaaliya waxaana qaraxan laga soo abaabulay duleedka magaalada Muqdisho ee Lafoole haatane ay xiran yahiin dad lagu tuhmayo in ay ka dambeyeen Qaraxa”
 C/kariim Xuseen Guuleed ayaa la weydiiyay dhowr su’aal oo ku saab sanaa gabi good amaanka dalka kuwaasi oo ay ka mid yihiin hay’adaha amni ee ajanabiga ah ee dalka ka howlgala in ay diiwaan gashanyihiin iyo in kale waxa uuna ku jawaabay hal hay’ad ayaa ka diiwaan gashan wasaaradda arrimaha gudaha hay’adaha kale ee ajanabiga ahna gudaha garoonka diyaaradaha ayey ka howlgalaan si ay amniga nooga caawiyaan.
 wasiirka ayaa  Baarlamaanka usoo bandhigay qorshaha amni oo ay ugu talagaleen caasimada iyo gobollada dalka iyo ka hortaga falalka argagaxiso  ee  ay al-qaacidada Soomaaliya ka sameynayaan magaalada Muqdisho.
 Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamanka oo soo xiray kulankii maanta ayaa sheegay in mudaneyaasha baarlamanka ee hab sharci ah u maraan awoodooda isagoona guddoomiyaha ugu baaqay xukuumadda in ay u soo gudbiso hindise sharciyeed yadooda.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran o uu hoggaaminayo ayaa maanta ku noqday magaalada Muqdisho, kaddib safar ay Ethiopia uga qaybgaleen shir halkaasi ka dhacayay.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale.
Ra’iisul wasaare ku-xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ahayd wafdiga madaxweynaha ayaa warbaahinta la hadashay ayaa sheegta in shirka ay wafdiga madaxweynaha uga qaybgaleen Ethiopia uu ku saabsanaa sida looga hortagi karo waxyaabaha keena dagaalada.
Waxay sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu qudbad ka hadlaysa ammaanka ka jeediyay shirka.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Faarax Sheekh Cadbulqaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa iyaguna la socday wafdiga madaxweynaha.
R/wasaaraha oo sheegay in xukuumadda ay meel marisay qorshaha maamul u sameynta gobollada dalka
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”  ayaa shaaciyey in xukumadiisu ay diyaarisay qorshaha siyaasadeed ee dhismaha maamul goboleedyada dalka.
 Cabdi Faarax Shirdoon R/wasaaraha dalka ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay meel marisay qorshaha maamul u sameynta gobollada dalka ayna horkeenidoonta Mudaneyaasha baarlamanka si ay iyaganu u ansaxiyaan.
 Sidoo kale R/wasaare Saacid ayaa tilmaamay in la sameeyay nidaam KMG ah kaas oo laga hirgaliyay qaar ka mid ah gobollada dalka xukuumadune ay soo dhaweyneyso rabitaanka shacabka ku nool gobollada dalka.
 Mudane Saacid ayaa intaasi ku daray in xukuumadu ay door ku laheen qofka noqonayo guddoomiyaha gobolka ayna soo dooranayo dadka shacabka ah.
 Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku howlan dhismaha maamul u sameynta gobollada dalka si loo hirgaliyo nidaamka Federaalka ah ee u dagsan dalka.




Shirka Baarlamanka Carabta oo ka socda Qaahira 
Shirkii Baarlamaanada Carabta ayaa ka socda magaalada Qaahira ee xaruunta dalka Masar ayadoo wefdi ka socda Baarlamanka Soomaaliya uu ka qeyb galayo.
 Prof  Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah wafdiga dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya shirka Baarlamanka wadamada Carabta oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu khudbad uu ka jeediyay shirka uu ka codsaday in la sii daayo Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran qaar ka mid ah wadamada Carabta.
 Sidoo kale Xildhibaan Dalxa ayaa intaasi raaciyay in Baarlamanka Carabta uu waajib ka saran yahay sii daynta maxaabiista ku xiran wadamada Liibiya Cumaan iyo Yeman iyadoo la dhowrayo sharuucda u dagsan dunida iyo wadamada Carabta.
Talyaaniga oo gaadiid siiyay booliska Puntland
Dowladda Talyaaniga ayaa maanta (Axad) ugu deeqday booliska Puntland 15 gaari oo lagu taageerayo dadaallada lagu xoojinayo ammaanka Puntland.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa munaasabad ka dhacday xarunta warbaahinta Puntland ee Garoowe ka guddoomay saraakiil ka socday dowladda Talyaaniga deeqda gaadiidka ah.
Gaadiidka ayaa la sheegay in lagu rakibi doono qalab isgaarsiineed oo la shaqeyn doona saldhigyo boolis oo Talyaaniga uu ka dhisay magaalooyinka waa-weyn ee Puntland.
Munaasabadda wareejinta gaadiidka waxaa kaloo ka qeyb-galay madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdisamad Cali Shire, wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne Faroole ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan tahay maamulka Puntland, isagoo ku ammaanay inay mashaariic ballaaran ka hirgelisay deegaanno ka tirsan maamulkiisa.
Faroole ayaa sheegay in Talyaaniga uu ka qeyb-qaatay dhismaha iyo qalabeynta xarunta warbaahinta Puntland, isla markaana uu ka qeyb-qaadan doono dhismaha garoomada diyaaradaha ee Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso oo lagu wado in dhowaan la billaabo.
Dhinaca kale waxaa maanta si rasmi ah loo furay raadiyo ku hadli doona afka maamulka Puntland oo laga hirgeliyay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka.


Madaxweynaha Puntland oo eedeeyay Turkiga
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed faroole ayaa sheegay in Dowlada Turkiga oo laga dhawrayay in Soomaliya oo idil ay wada sinto ay haatan ku ekaatay oo qura Magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo ay Mashaariico badan ka fuluneyso ayna jiraan balanqaadyo badan oo ay usameeyeen ummada soomaaliyee balse aysan Fulin balantii ay qaadeen 
Faroole ayaa taas badalkeed wuxuu u mahadcelshay Dowlada talyaaniga oo uu sheegay in ay Buuxisay oo ay isku darsatay teedii iyo tii dowlada Turkiga aadna ay uga mahadcelinayaan wax yaabihii ay maamulka Puntland u qabteen ,laakiin wuxuu Faroole ku  celshay  in dowladda Turkigu ay cududooda isugu geeyeen Magaalada Muqdisho loona baahnaa in ay fuliyaan balanqaadyadii ay u Sameeyeen Punland.
 Madaweynuhu yiri mar uu ka hadlayay maanta Furitaanka Idaacada Cusub ee (Puntland RADIO).ayaa waxa uu sidoo kale soo hadalqaaday Saxaafada wuxuuna sheegay in Puntland ay ka jiraan 7 idaacadood iyo Tvyo gaar loo leeyahay oo Xarumo ku leh Deegaanada Puntland wuxuu kaloo Madaxweynuhu carabka ku dhuftay in ay jiraan Websiteyo sita Magacyada Tuulooyinka  kuwaasi oo faafiya waxa aan wanaagsanayn dhibaatadana ka shaqeeya inkastoo ay jiraan buu yiri kuwo wanaagsan oo iyagana Websiteyada ka mid ah mana uusan Toos u Carabaabin Madaxweynuhu Cida uu Dhaliilsanyahay.
Maamulka Puntland ayaa haatan waxaa lagu tiriyaa maamulada ka jira gobolada soomaaliya kuwa sida adag ula dhaqma saxaafadda ,waxaana dhawaan amar ka soo baxay madaxtooyada lagu mamnuucay  idaacada qaar inay wararkooda ay soo mariyaan inta uusan bixin wasaarada warfaafinta ,iydoona arinkaa oo noqday in caqabad ku noqotay shaqada warbaahinta ka howl gasha maamulka Puntland.
Ciidamada dowladda oo qabsaday deegan ku dhow Xudur
  Wararka naga soo gaaraya gobalka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay si kadis ah kula wareegeen deeganka Garaswayne oo 50km dhinaca galbeed kaga beegan  xarunta Bakool ee Xudur.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay si nabadgalyo ku galeen deegankan, oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, mana jirto wax dagaal ah oo ka dhacay.
Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in markii ciidamada ay soo galeen deeganka Garaswayne waxa ay dilee seddax qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen ganacsato halka qof kalena uu ahaa qof rayid ah, waxaa lagu eedeeyay in la shaqeeyaan Al-Shabaab.
Wararka waxaa kaloo ay sheegayaan in ciidamada qabsaday deeganka Garaswayne aysan la socon ciidamada Ethiopia oo gacan siiya kuwa dowladda ee ku sugan gobalada Baay iyo Bakool.
Ciidamada qabsaday ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen magaalada Ceelbarde oo ka tirsan gobalka Bakool,
Bishii hore ayaa ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ay isaga baxeen magaalada Xudur ee gobalka Bakool, waxaana halkaas ku sugan Al-Shabaab.
Dad badan oo ka qaxay Xudur ayaa hadda ku sugan deeganka Ceerbarde oo ku dhow deeganka la qabsaday.
Tarsan oo soo jeediyay fikrad lala dhacay (DF ha lagu koobo 1 Mile), Faallo: “Muqdisho lama wada laha”
Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa ku baaqay in Muqdisho yeelato maamul u gaar ah oo ka madax bannaan dawladda federaalka. Duqa waxaa uu ku baaqay in la kala saaro maamulka iyo danaha gaar ka ah ee dadka reer Muqdisho iyo dawladda federaalka.
Tarsan waxa uu tusaale u soo qaatay in taliyaha nabad sugidda Muqdisho uusan asaga ka amar qaadan, Sidoo kale taliyaha booliska gobolka Banaadir uusan ka amar qaadan.  Duqa waxaa uu caddeeyey in wax badan ay qaldan yihiin oo loo baahan yahay in la saxo.
Talada uu soo jeediyay ee ah in dawladda federaalka loo gooyo xaafad gaar ah oo aanay ka talin dhammaan gobolka Banaadir ayaa dad badani u bogeen.  Tarsan waxaa uu caddeeyey in Muqdisho weligeed ay ku dulmaneed Soomaaliya oo weligeed xaqeeda la duudsiin jirey.  Muqdisho weligeed meeqaamkeeda lama siin, waxaana marwalba ka hortaagnaa dawladda Federaalka oo Muqdisho deganayd.
Gudoomiye Tarsan, waxaa uu tusaale u soo qaatay in 1960-1969-kii codadkii baarlamaanka reer Muqdisho lagu qadiyey. Tii kacaankii militarigii 1969-1990  reer Muqdisho codkoodii waa la qadiyey.  Dawladda Federaalka hadda jirtaana ayadaaba ugu darran oo hadda waa ay dulmisaa.
Tusaale, waxaa uu u soo qaatay in DF lacagtii ay soo heshaa aanay waxba ka siin Muqdisho oo ay ku marmarsiyooto lacagta waxaa leh gobollada federaalka oo dhan, laakiin cajiib DF meel aan Muqdisho ahayn ma tegi karto.  DF xaafadihii Muqdisho ayay nagu haysataa oo fara kala bixi la’ dahay, ayuu yiri.  Afar qof oo shacabka Muqdisho oo ay Caasimada Online wax ka weydiisey hadalka yaabka leh ee ka soo yeeray Duqa Magaalada Muqdisho waxay inoogu jawaabeen sidan:
Salaad Osmaan Weheliye oo degan Buulo Xuubeey: Tarsan waa geesi reer Muqdisho u soo kacay oo aqoon yahan ah weliba indheer garad ah. Waxa uu gartay waa in aan ku raacnaa waayo nin Muqdisho ka jecel ma jiro. Nin taariikhda ka badiyaana ma jirto.  Waan ku raacsanahay in DF la iska qabto oo weliba magaalada laga saaraa.
Faadumo Faarax oo degan xaafadda Hodan: Hadda la iskuma helayo caasimad iyo cadaalad. Haddii aad caasimad u ogolaato dhulkaaga ogow in xaqaaqa lagaa dhacayo ama magaaladaadaba lagaa qaadanayo, waana taas waxa ay qabiilada kale ee Soomaaliyeed u diidaan in dhulkooda caasimad laga dhigo.  Hargeysa ma ogola caasimad, Baydhabo ma ogola, Kismaayo ma ogola,  Garowe ma ogola, laakiin su’aashu waxa ay tahay in Muqdisho la wadaago oo ay caasimad noqoto maxaan ku qabnaa, waa waxba.
Cali Axmed oo degan Yaaqshiid: Dhibtan oo dhan waxaa noo keenay odayaasheena sida Axmed Diiriye ama Xaad ama aqoonyahankeena oo aana arki karin waxa Mudane Tarsan arkay. Intay ku doodi lahaayeen caasimnadda hana laga raro oo aan dhisanno maamul goboleed, waxay ku doodayaan caasimadda lama rari karo.  Maxaan ku haysanaa Muqdisho caasimadnimadeeda oo aan dulmi ahayn waa waxba. Madaxweyne Xassan marna lagama hayo reer Muqdisho waa samaysan karaan maamul goboleed laakiin waxaa uu ku mashquulsan yahay sidii uu maamul goboleed ugu dhisi lahaa Hiiraan, Baydhabo, Kismaayo iyo meelo kale xattaa amaankii Muqdishu ayuu u dayacay.
Faarax Jookar oo degan xaafadda Cabdicasiis:  Aniga Tarsan baan raacsanahay oo weliba waxaan qabaa in caasimadda loo raro meel u dhaxaysa Hobyo iyo Aadan yabaal si dhaqso ah. Ma yeelayno in xaqeena la dhaco mar kasta oo nalagu yiraahdo cod malihdiin maamul goboleed ma samaysan kartaan, waayo DF ayaa Xamar deggan.  Waxaan lee yahay reer Muqdishoow kacdoon ay ku samaysanayaan maamul goboleed ha sameeyaan hana iska eryaan DF.  Muqdisho cadow aan DF ahayn ma leh, madaxweyne Xasan waa inuu ogolaadaa ismaamulka madaxa banaan ee dawlad goboleedka Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, guuxa Xamar ka socda ee maamul goboleedka la hadal hayo iyo talooyinka Tarsan inay hir geli doonaan iyo in kale bilaha soo socdo ayaa la ogaan doonaa. Haddiiba ay dhacdo in Muqdisho maamul goboleed madax bannaan looga dhawaaqo, waxay naxdin ku noqon doontaa DF oo hoosteeda laga kacay oo meel ay degto raadsan doonta.  Duqa magaalada Muqdisho Tarsan waxaa uu geli doonaa taariikh.
Hadaadii aad tahay reer Muqdisho, oo aad aqrineyso warbixintan, ka feker mustaqbalka magaaladadaada, gaarsii warbixintan inta aad garaneyso, gaar ahaan aqoonyahnnada iyo kuwa saameynta leh, oo ha laga kaco hurdada. Muqdisho waa la wada lee yahay, Somalia inteeda kalena waa la kala lee yahay, waa sheeko caruureed. Haddaad aaminsan tahay in caasimadnimada lagu helo horumar, aqri oo wax badan ka ogow magaalooyinka New York, Los Angeles iyo Chicago, waa saddexda magaalo ee ugu ugu weyn, uguna dadka badan, uguna hormarsan, uguna dhaqaalaha badan USA, mana ahan caasimad. Ogow Muqdisho waxa ay sugeysaa adiga iyo inta kula midka ah


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...