Dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka
oo sheegay inaysan ogoleyn in Somalia la kala qeybiyo
Iyadoo dhawaan la filayo in
Magaaladda London ee dalka Ingiriiska uu ka furmo Shir looga hadli doono
Arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa war qoraal ah laga soo saaray Xafiiska Ra’isul
Waasaraha Dalkan Ingiriiska David Camaroon lagu sheegay in Dowladda
ingiriisku aysan marnaba raali ka noqon doonin in la carqaladeeyo
Hanaanka geedi socodka Soomaaliya.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in
Dowladda Ingiriisku aysan horseed u noqon doonin kala goynta dalka
Soomaaliya iyo kala fogeynta Siyaasiyeenta midna sida warka lagu yiri , waxaana
warsaxaafadeedkaasi sidoo kale lagu sheegay in dowladda Ingiriisku
ay buuxin doonto kaalinta kaga aadan Horumarin, Ammaanka Soomaaliya.
Dhanka kale, Qoraal gudaha
isbuucaani ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka John
Kerry, ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Maraykanka ay raaci doonto Natiijada
ka soo baxda Shirka dhawaan ka furmi doona Magaaladda London, waxaana sidoo kale
qoraalka lagu sheegay in Dowladda Maraykanka ay qaadatay Mowqif ku aadan inay
taageerto Hanaanka geedi socodka Soomaaliya, waxaana lagu xusay inay kaalin
buuxda ka qaadan doonto dowladda Maraykanka Dhanka Ammaanka iyo Horumarinta
Soomaaliya.
Qoraalka oo ahaa mid diirada
lagu saarayo Arrimaha Soomaaliya, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda
Maraykanku ay Soomaaliya u Aqoonsan tahay inuu yahay Hal dal oo aan kala
qeybsami Karin, waxaana sidoo kale lagu sheegay in marnaba Dowladda Obama aysan
kaalin ka qaadan doonin kala jarida Soomaaliya.
Norway oo waftigi Jawaari u gudbisey dukumiinti lagu burburinayo
sharciga badda Somalia ee law no.37
Dukumiinti iyo xog ay heshay shabakadda Soomaaliyeed ee
SomaliTalk.com ayaa tibaaxay in waftigii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
ee booqashada ku tegey Norway intii u dhaxaysey 6-13 April 2013, in si qayaxan
loogu soo bandhigay Dukumiinti qaarkood ahaa QARSOODI (CONFIDENTIAL), oo ku
saabsan xeer ay Norway u diyaarisay in loo sameeyo badda Soomaaliya, laguna
burburinayo sharciga dhul-badeedka Soomaaliya ee Law No. 37.
Dukumiintigaas Norway soo bandhigtay oo cinwaankiisu ahaa “Law No….
on the Territorial Sea, the Contiguous Zone and the Exclusive Economic Zone of
the Federal Republic of Somalia“, waxaana si qayaxan ugu qoran “In Badda
Dhulbadeedka Soomaaliya noqon doono 12 mayl-badeed.”
Qodobka 8aad ee dukumiintigaas Norway Law No (…………) waxa ku
qoran in “Laga laabto ama la baabi’iyo
qodobka 1aad ee xeerka Law No. 37 ee Dhul-badeedka Soomaaliya ee soo baxay
10-kii September 1972″. Ufiirso halkaas: Norway markii ay loodin weydey Law No.
37 ayey tiri halaga laabto.
Qodobka la doonayo in laba tirtiro Law No. 37 waxa uu dhigayaa
sidan:
1. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya (Territorial Sea) waa qayb
kamid ah badda oo gaaraysa 200 mayl badeed (nautical miles) ee xeebaha qaaradda
iyo xeebaha jasiiradaha, oo lagu xadeeyey sida ku qeexan qodobka 2aad iyo 3aad
ee Sharcigan.
Waftigii Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, ee
booqday Oslo, waxaa Norwegianku ku yiraah deen: Baarlamaankii Soomaaliya
sannadihii 80-naadkii ma ansixin xeerka Law No. 37, hadalkaas waxaa si kulul
uga jawaabey xildhibaan waagaas ka tirsanaa baarlamaankii Soomaaliya oo waftiga
la socdey, waxana uu Norwegiankii si caro leh ugu sheegay “Aniga ayaa ka tirsanaa
baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas, waana meel marinay sharcigaas Law No.
37.”
Markale u fiirso dukumiintiga Norway ku dooneyso in lagu burburiyo
Law No. 37. Waxaa loo qoray sidan (Law
No….. MEEL BANNAAN…. on the Territorial Sea). Taas oo Soomaalida loo banneeyey
in ay meesha bannaan ku buuxiyaan lambar ay u sameeyaan “sharci cusub” oo badda
Soomaaliya kusoo koobaya 12 mayl – (waxaan u bixneynaa Xeerka No. ZERO … EBER.)
Qorshaha Norway ay soo jeedisey Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari
waxba kama dhehin. Laakiin waxaa Norway arrinta ku kululeeyay xildhibaano kale
oo waftiga ka tirsanaa.
Xubnaha Norwegianka ee khariidadaha, arrimaha badda iyo heshiiskii
MoU kala hadlay waftiga Barlamaanka waxaa ka mid ahaa Amb. Mr. Hans W. Longva.
Waxaa xusid mudan in Mr. Longva uu ka mid ahaa xubnihii goob joogga ka ahaa
markii DFKMG ahayd iyo Kenya kala saxiixanayeen heshiiskii Is-fahamka ee MoU oo
April 7, 2009 lagu kala saxiixday Nairobi – markii dambese baarlamaanku ka
dhigay Null & Void..
Waxaa kale oo xubnaha reer Norway ee waftiga la hadlay kamid ahaa
Mr. Harald Brekke. Waxaa xusid mudan in Mr. Brekke uu ka mid yahay
juqraafiyahanada Kenya ka caawiyey xogtii ay Qarammada Midoobey u gudbisatey
May 6, 2009. (Eeg bogga 10aad ee xogtaas), islamarkaasna Mr. Brekke laga soo
bilaabo 1997 waxa uu xubin ka ahaa guddiga go’aanka ka gaari doona xadaynta
badaha adduunka.
Khariidadaha ay Norway usoo bandhigtay Waftiga Baarlamaanka waxaa
ka mid ahaa Map ama Khariidad muujinaysa qaab aad ugu dhow sida uu dhigayo
xeerka Law No. 37 oo ah 200 mayl-badeed iyo in xadka badda ee Soomaaliya &
Kenya in uu ku suntan yahay xarriiq 90 derejo la samaynaysa xeebta taas oo u
socota Koonfur bari, iyo weliba kordhintii badda ee Qaramada Midoobey ay
dalalka xeebaha leh u ogol yihiin in ay gaarsiiyaan 350 mayl-badeed, waxaana
khariidadu muujineysaa sidaas”. Laakiin waxaa lagu xejiyey khariidad kale oo
muujinaysa inta Kenya gudaha u soo gashay badda Soomaaliya. Taas oo loo qaadan
karo jees jees.
Waftigii Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari waxaa kale oo Norway
usoo bandhigtay sida ay u dooneyso in Soomaaliya hirgeliso heshiiskii
is-fahamka ee MoU-dii Kenya iyo Dawladdii KMG ahayd (xusuus: Baarlamaankii hore
waxba kama jiraan ayey ka dhigeen MoU, Qaramada Midoobayna heshiiskaasi la tixraaci karin.) Taas oo
jirta ayaa hadalkii Norway ka mid ahaa “Waxaa dani idiinku jirtaa in aad Kenya
la heshiisaan”. Waxaana kulamadaas ka qayb galay shirkado Shidaal oo Norway
leedahay.
Arrimahaas waxay si gaar ah ugu qeexan yihiin dukumiinti
cinwaankiisu yahay “Somalia Agreements With Neighbouring Countries Will Allow
the Commission To Consider…” Waxaa kale oo kamid ah dukumiintigii Walad
Cabdalla hore ugu diyaariyey Dawladdii Shariifka, oo Norwayna xilligaas
sheegtay inay wax ka caawintay, oo ahaa “Preliminary Information Indicative of
the Outer Limits of the Continental Shelf.”
Waxaa arrin lagu qoslo ahayd in Dukukiintiyada loo soo bandhigay
waftiga Guddoomiyaha baarlamaanka ay kamid ahayd warqad la yiri ra’iisul
Wasaarahii DFKMG Cumar C/rashiid ayaa u qoray Ban Ki-Moon “PM Omar Abdirashid
Ali Sharmake Letter to Secretary General Ban Ki Moon 19 August 2009“. Laakiin
warqadaasi waxay ahayd mid lagu been abuurtay magaciisa.
Halkaas aan akhritayaasha xusuusino:
August 1, 2009 ayaa kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaankii
KMG ahaa waxay si aqlabiyad ah ku diideen heshiiskaas is-faham. 334 xildhibaan
ayaa cod xoog leh ku sheegay in heshiiskaasi yahay Waxba kama jiraan (NULL
& VOID).
October 10, 2009 ayaa Cumar C/rashiid waxa uu warqad u qoray ban-ki
Moon, taas oo uu ku wargelinayey in Baarlamaanka Soomaaliya ay waxba kama
jiraan ka dhigeen MoU.
Is-fahamkaas markii baarlamaanku ganafka ku dhufteen waxaa xanaaqay
Prof. Ibbi oo hormuud ka ahaa kuwa u ololaynayey heshiiskaas muranka gelinayey
badda Soomaaliya. Waxana Prof. Ibbi uu August 19, 2009 waraaq u qoray
Ban-ki-Moon ee Qarammada Midoobey. Warqaddaas oo uu ku qoray magaca Cumar
C/rashiid, laakiin uu isagu (Prof. Ibbi) saxiixay. Waxana uu ku doonayey in uu
MoU-ga taageero.
March 2, 2010 ayaa safiirka Soomaaliya u fadhiya UN waxa uu warqad
u qoray Ban-ki Moon,waxana uu lifaaq ahaan ugu daray warqaddii Cumar C/rashiid
ee October 10, 2009 uu ku wargelinayey in Soomaaliya waxba kama jiraan ka
dhigtay MoU. (Cumar C/rashiid waxa uu ka mid ahaa kuwii markii hore u ololayn
jirey MoU, laakiin waxa uu ku khasbanaaday in uu baarlamaanka warkiisa u
gudbiyo caalamka maadaam uu ahaa hay’addii fulinta.)
Markaas ayaa qoraal kooban oo March 12, 2010 lagu faafiyey
shabakadda rasmiga ah ee Qarammada Midoobey (UN) ayaa shaaca ka qaaday in
Heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee dhex maray DFKMG iyo Kenya “in Baarlamaanka
Federaalka kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in
loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin.”
Isku soo duuboo marka loo dhaba galo dukumiintiyadii Norway usoo
bandhigtey Waftigii Jawaari, waxaa ka soo ifbaxaya in “Dawladda Federaalka
Soomaaliya laga dhaadhiciyey qorshaha in ay baab’iso xeerka Law No. 37 ee
Dhul-Badeedka Somalia (Territorial Sea) iyo Dekedaha ee soo baxay 10-kii September
1972 kaas oo dhigaya in badda Soomaaliya ku cabiran tahay 200 mayl-badeed.
Waxaana lagu baab’nayaa qorshe ka soo baxay shirkii Addis Ababa ee Maarso 2013
iyo qorshaha ay Norway usoo bandhigtay Waftigii Guddoomiyaha baarlamaanka ee
Norway tegey horraantii April 2013.”
Maxaa la gudboon Baarlamaanka:
Baarlamaanka Soomaaliya waxaa xil ka saaran yahay in ay difaacaan
danaha dalka & shacabka Soomaaliyeed, lana xisaabtamaan madaxda Soomaaliya
marka ay ku tagri falaan awooda, la xisaabtamaan xukuumadda. Haddii xukuumadda
iyo guddoonka baarlamaanku u ka janjeersadaan danta dalka, cidda la
xisaabtamaysa waa baarlamaanka.
Adduunka badankiisu waxa uu xushmeeyaa go’aanada ay golaha
baarlamaanadu gaaraan, sidaas daraadeed barlamaanka Soomaaliya waxaa hadda horyaal
in ay sharci dastuuri ah kusoo saaraan in aan laga laabanayn Law No. 37, uuna
yahay sharci ay lahayd badda Soomaaliya laga soo bilaabo 1972.
Shacabka Soomaaliyeed:
Marar badan waxaa dhacda in madaxda dal ay ku tagrifalaan xukunka
ayagoo danahooda gaarka ah iyo xilkooda fiirsanaya ayna ilaawaan danta caamka
ah. Taas marka ay dhacdo shacabka dalkaas ayaa madaxdooda markale ku
baraarujiya cidda ay matalaan in ay tahay danta guud ee dalka iyo shacabka.
Shacabka Soomaaliyeed ayaan u dhaafaynaa arrintan.
Lifaaqan ama halkan ka eeg documents ay Norway u soo bandhigtay
waftigii barlamaanka Soomaaliya ee booqashada ku tagay Oslo 6-13 April 2013.
FG: Qoraalka intii aanaan daabacin ka hor, markii SomaliTalk heshay
dukumiintiyadaas waxaan la xiriirnay Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul
Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo aan arrimahaas wax ka weydiiney.
Jawaab kama bixin.
Waxaana lagala xiriiri karaa:
Xafiiska Madaxweynaha DFS (media@presidency.gov.so)
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
DFS (media@opm.gov.so)
Xafiiska Guddoomiyaha
Baarlamaanka DFS (xafiiskawarfaafinta@gmail.com)
Akhri Law No 37 oo AfSoomaali loo rogey
Baabintii MoU ee UN-ka markii baarlamaanku ka dhigay waxba kama
jiraan:
(‡) By a note verbale dated 2 March 2010, the Permanent Mission of
the Somali Republic to the United Nations informed the Secretariat that the MOU
had been rejected by the Parliament of the Transitional Federal Government of
Somalia, and is to be hence treated as non-actionable.
http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/commission_preliminary.htm#(2)_
Dhanka kale Norway waxay Waftiga Barlamaanka usoo bandhigtay qorshe
ay Norway ku dooneyso in ay ku bedesho barnaamijkii Dhaqaale ee Ingriisku usoo
jeediyey Dawladda Soomaaliya ee ahaa “Joint Financial Management Board UK”,
waxaana taas bedelkeed Noway waftiga usoo bandhigtay dukumiinti cinwankiisu
ahaa “Public Financial Management Reform in Somalia – The Special Financing
Facility (the SFF) 10 April 2013“.
Wariye Maxamed Ibrahim Raage oo lagu dilay Muqdisho.
Waxaa shalay galavb Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir lagu dilay
Allaha u naxariistee weriye Maxamed Ibraahim Raage oo ka tirsanaa
shaqaalaha wasaarada warfaafinta ee
dowladda Soomaaliya.
Dilka weriyaha ayaa la sheegay inay fuliyeen koox dhalinyaro ah
oo bistoolado ku hubeysnayd, kuwaasi oo
markiiba goobta ka baxsaday.
Dilka Wariyahan ayaa ah
wariyihii saddexaad ee sanadkan lagu dilo gudaha magaalada Muqdisho.
Wasaaradda warfaafinta oo Idaacad FM ah ka hirgalisay Gaalkacyo
Munaasabad xariga looga
jarayey Idaacad wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ay ugu deeqday
maamulka Galmudug ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Xafladan xariga looga
jarayay Idaacada Cusub oo ay wasaaradda Warfaafinta ugu deeqday maamulka
Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socoto wasaaradda warfaafinta
iyo maamulka Galmudug, waxaana si wadajir ah xariga uga jaray agaasimaha guud
ee wasaaradda warfaafinta iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.
Agaasimaha warbaahinta
wasaaradda warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Shiiq Al-cadaala oo hadal ka jeediyay
goobta ayaa sheegay in hirgalinta Idaacadan ay tahay mas’uuliyada wasaaradda
warfaafinta ka saran shacab sidii ay u ugu hagi laheyd hormarka iyo nidaam.
Sidoo kale wasiirka
wasaaradda warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Maxamuud ayaa tilmaamay in
wasaarada warfaafinta ay u taagan tahay wacyigalinta shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii agaasimaha
guud ee wasaaradda warfaafinta C/risaaq Cali Yuusuf ayaa xusay in wasaaradda
warfaafinta ay mas’uuliyad ka saaran tahay gaarsiinta shacabka fariinta ka
Imaaneyso dowladda.
Baarlamanka oo su’aallo weydiiyay wasiirka arrimaha gudaha
Kalafadhiga labaad kulankiisa 19-aad oo ay maanta mudaneyaasha
Baarlamaanka ku yeesheen xarunta golaha shacabka ayaa waxaa soo xaadiray 191
Mudane waxaana shir guddoominayay guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka
Jeylaani Nuur Iikar.
Ajandaha ayaa ahaa in
su’aallo amniga ku saabsan la weydiiyo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga
Qaranka iyadoo uu goob joog ahaa wasiirka.
furitaanka guddoonka kadib
waxaa laguda galay ajandahi su’aala weydiinta ee wasiirka arrimaha gudaha iyo
amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya.
Xildhibaanada mooshinka ka
keenay wasiirka arrimaha gudaha oo ahaa 30 mudane ayaa waxa ay weydiiyeen shan
su’aal oo ay ka mid yihiin, in uu cadeeyo dadki 13 bishii March lagala baxay
xabsiga waxa ay ahaayen iyo sababta loo dilay, waxa ay wasaaradda arrimaha
gudaha ka ogtahay hay’adaha amniga ee ajanagiba
ah ee wadanka ku sugan, Qaraxi lagu xasuqay dadka shacabka ah ee
maxkamadda gobalka ka dhacay meesha laga soo abaabulay iyo su’aallo kale.
Mudane C/kariim Xuseen
Guuleed wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo ka jawaabayo su’aal ku
saab saneyd dadkii xabsiyada lagala baxay ee ladilay iyo wax ay ahayen ayaa ku
yiri.
“waxaan fasiraad weydiinay
hay’adda nabad sugida Qaranka oo falka gudaheeda ka dhacay waxa ay inoo
sheegeen in ay soo qabteen labo xubnood oo ka mid ah maleeshiyada shabaab
kuwaas oo u kala qaabilsan howlgalada maleeshiyada shabaab ee gobollada
Banaadir Sh/hoose iyo Sh/dhexe, ayna ciidamada ku wargaliyeen in ay garanayaan
goobo ay ku aasan yihiin hub ayna ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan
shabaab”
Sidoo kale wasiirka amaanka
Qaranka oo la weydiiyay ilaa iyo hadda talaabada ay wasaaradda arrimaha gudaha
ka qaaday Qaraxi dhawaan lagu xasuuqay shacab Soomaaliyeed ee ka dhacay xarunta
maxkamada ayaa yiri.
“anoo u tacsiyeynayo dadkii
ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Maxkamada balse dowladda UK digniintii ay
bixisay maahan mid la ekaa qasaaraha Qaraxa ee waxa uu ahaa mid meel ka dhac ku
ah dowladda Soomaaliya waxaana qaraxan laga soo abaabulay duleedka magaalada
Muqdisho ee Lafoole haatane ay xiran yahiin dad lagu tuhmayo in ay ka dambeyeen
Qaraxa”
C/kariim Xuseen Guuleed ayaa
la weydiiyay dhowr su’aal oo ku saab sanaa gabi good amaanka dalka kuwaasi oo
ay ka mid yihiin hay’adaha amni ee ajanabiga ah ee dalka ka howlgala in ay
diiwaan gashanyihiin iyo in kale waxa uuna ku jawaabay hal hay’ad ayaa ka
diiwaan gashan wasaaradda arrimaha gudaha hay’adaha kale ee ajanabiga ahna gudaha
garoonka diyaaradaha ayey ka howlgalaan si ay amniga nooga caawiyaan.
wasiirka ayaa Baarlamaanka usoo bandhigay qorshaha amni oo
ay ugu talagaleen caasimada iyo gobollada dalka iyo ka hortaga falalka
argagaxiso ee ay al-qaacidada Soomaaliya ka sameynayaan
magaalada Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenka
Koowaad ee Baarlamanka oo soo xiray kulankii maanta ayaa sheegay in
mudaneyaasha baarlamanka ee hab sharci ah u maraan awoodooda isagoona
guddoomiyaha ugu baaqay xukuumadda in ay u soo gudbiso hindise sharciyeed
yadooda.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Xassan Sheekh
Maxamuud iyo wafdi ballaaran o uu hoggaaminayo ayaa maanta ku noqday magaalada
Muqdisho, kaddib safar ay Ethiopia uga qaybgaleen shir halkaasi ka dhacayay.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee
Aadan Cadde ku soo dhoweeyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ee
Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed
Sheekh Cismaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale.
Ra’iisul wasaare ku-xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda ee
xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ahayd wafdiga
madaxweynaha ayaa warbaahinta la hadashay ayaa sheegta in shirka ay wafdiga
madaxweynaha uga qaybgaleen Ethiopia uu ku saabsanaa sida looga hortagi karo
waxyaabaha keena dagaalada.
Waxay sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu
qudbad ka hadlaysa ammaanka ka jeediyay shirka.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Faarax Sheekh Cadbulqaadir
iyo mas’uuliyiin kale ayaa iyaguna la socday wafdiga madaxweynaha.
R/wasaaraha oo sheegay in xukuumadda ay meel marisay qorshaha
maamul u sameynta gobollada dalka
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon
“Saacid” ayaa shaaciyey in xukumadiisu
ay diyaarisay qorshaha siyaasadeed ee dhismaha maamul goboleedyada dalka.
Cabdi Faarax Shirdoon
R/wasaaraha dalka ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay meel marisay
qorshaha maamul u sameynta gobollada dalka ayna horkeenidoonta Mudaneyaasha
baarlamanka si ay iyaganu u ansaxiyaan.
Sidoo kale R/wasaare Saacid
ayaa tilmaamay in la sameeyay nidaam KMG ah kaas oo laga hirgaliyay qaar ka mid
ah gobollada dalka xukuumadune ay soo dhaweyneyso rabitaanka shacabka ku nool
gobollada dalka.
Mudane Saacid ayaa intaasi
ku daray in xukuumadu ay door ku laheen qofka noqonayo guddoomiyaha gobolka
ayna soo dooranayo dadka shacabka ah.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa
ku howlan dhismaha maamul u sameynta gobollada dalka si loo hirgaliyo nidaamka
Federaalka ah ee u dagsan dalka.
Shirka Baarlamanka Carabta oo ka socda
Qaahira
Shirkii Baarlamaanada Carabta ayaa ka socda magaalada Qaahira ee
xaruunta dalka Masar ayadoo wefdi ka socda Baarlamanka Soomaaliya uu ka qeyb
galayo.
Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah wafdiga
dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya shirka Baarlamanka wadamada Carabta oo la
hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu khudbad uu ka jeediyay shirka uu ka
codsaday in la sii daayo Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran qaar ka mid ah
wadamada Carabta.
Sidoo kale Xildhibaan Dalxa
ayaa intaasi raaciyay in Baarlamanka Carabta uu waajib ka saran yahay sii
daynta maxaabiista ku xiran wadamada Liibiya Cumaan iyo Yeman iyadoo la
dhowrayo sharuucda u dagsan dunida iyo wadamada Carabta.
Talyaaniga oo gaadiid siiyay booliska Puntland
Dowladda Talyaaniga ayaa maanta (Axad) ugu deeqday booliska
Puntland 15 gaari oo lagu taageerayo dadaallada lagu xoojinayo ammaanka
Puntland.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa
munaasabad ka dhacday xarunta warbaahinta Puntland ee Garoowe ka guddoomay
saraakiil ka socday dowladda Talyaaniga deeqda gaadiidka ah.
Gaadiidka ayaa la sheegay in lagu rakibi doono qalab isgaarsiineed
oo la shaqeyn doona saldhigyo boolis oo Talyaaniga uu ka dhisay magaalooyinka
waa-weyn ee Puntland.
Munaasabadda wareejinta gaadiidka waxaa kaloo ka qeyb-galay
madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdisamad Cali Shire, wasiirro, xildhibaanno
iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne Faroole ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga
taageerada ay la garab taagan tahay maamulka Puntland, isagoo ku ammaanay inay
mashaariic ballaaran ka hirgelisay deegaanno ka tirsan maamulkiisa.
Faroole ayaa sheegay in Talyaaniga uu ka qeyb-qaatay dhismaha iyo
qalabeynta xarunta warbaahinta Puntland, isla markaana uu ka qeyb-qaadan doono
dhismaha garoomada diyaaradaha ee Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso oo lagu wado
in dhowaan la billaabo.
Dhinaca kale waxaa maanta si rasmi ah loo furay raadiyo ku hadli
doona afka maamulka Puntland oo laga hirgeliyay magaalada Garoowe ee xarunta
maamulka.
Madaxweynaha Puntland oo eedeeyay Turkiga
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed faroole
ayaa sheegay in Dowlada Turkiga oo laga dhawrayay in Soomaliya oo idil ay wada
sinto ay haatan ku ekaatay oo qura Magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo ay
Mashaariico badan ka fuluneyso ayna jiraan balanqaadyo badan oo ay usameeyeen
ummada soomaaliyee balse aysan Fulin balantii ay qaadeen
Faroole ayaa taas badalkeed wuxuu u mahadcelshay Dowlada talyaaniga
oo uu sheegay in ay Buuxisay oo ay isku darsatay teedii iyo tii dowlada Turkiga
aadna ay uga mahadcelinayaan wax yaabihii ay maamulka Puntland u qabteen
,laakiin wuxuu Faroole ku celshay in dowladda Turkigu ay cududooda isugu geeyeen
Magaalada Muqdisho loona baahnaa in ay fuliyaan balanqaadyadii ay u Sameeyeen
Punland.
Madaweynuhu yiri mar uu ka
hadlayay maanta Furitaanka Idaacada Cusub ee (Puntland RADIO).ayaa waxa uu
sidoo kale soo hadalqaaday Saxaafada wuxuuna sheegay in Puntland ay ka jiraan 7
idaacadood iyo Tvyo gaar loo leeyahay oo Xarumo ku leh Deegaanada Puntland
wuxuu kaloo Madaxweynuhu carabka ku dhuftay in ay jiraan Websiteyo sita
Magacyada Tuulooyinka kuwaasi oo faafiya
waxa aan wanaagsanayn dhibaatadana ka shaqeeya inkastoo ay jiraan buu yiri kuwo
wanaagsan oo iyagana Websiteyada ka mid ah mana uusan Toos u Carabaabin
Madaxweynuhu Cida uu Dhaliilsanyahay.
Maamulka Puntland ayaa haatan waxaa lagu tiriyaa maamulada ka jira
gobolada soomaaliya kuwa sida adag ula dhaqma saxaafadda ,waxaana dhawaan amar
ka soo baxay madaxtooyada lagu mamnuucay
idaacada qaar inay wararkooda ay soo mariyaan inta uusan bixin wasaarada
warfaafinta ,iydoona arinkaa oo noqday in caqabad ku noqotay shaqada warbaahinta
ka howl gasha maamulka Puntland.
Ciidamada dowladda oo qabsaday deegan ku dhow Xudur
Wararka naga soo gaaraya
gobalka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay si kadis ah kula
wareegeen deeganka Garaswayne oo 50km dhinaca galbeed kaga beegan xarunta Bakool ee Xudur.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay si nabadgalyo ku galeen deegankan,
oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, mana jirto wax dagaal ah oo ka dhacay.
Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in markii ciidamada ay soo
galeen deeganka Garaswayne waxa ay dilee seddax qof oo labo ka mid ah ay
ahaayeen ganacsato halka qof kalena uu ahaa qof rayid ah, waxaa lagu eedeeyay
in la shaqeeyaan Al-Shabaab.
Wararka waxaa kaloo ay sheegayaan in ciidamada qabsaday deeganka
Garaswayne aysan la socon ciidamada Ethiopia oo gacan siiya kuwa dowladda ee ku
sugan gobalada Baay iyo Bakool.
Ciidamada qabsaday ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen magaalada
Ceelbarde oo ka tirsan gobalka Bakool,
Bishii hore ayaa ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ay isaga
baxeen magaalada Xudur ee gobalka Bakool, waxaana halkaas ku sugan Al-Shabaab.
Dad badan oo ka qaxay Xudur ayaa hadda ku sugan deeganka Ceerbarde
oo ku dhow deeganka la qabsaday.
Tarsan oo soo jeediyay fikrad lala dhacay (DF ha lagu koobo 1
Mile), Faallo: “Muqdisho lama wada laha”
Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir,
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa ku baaqay in Muqdisho yeelato maamul u gaar ah
oo ka madax bannaan dawladda federaalka. Duqa waxaa uu ku baaqay in la kala
saaro maamulka iyo danaha gaar ka ah ee dadka reer Muqdisho iyo dawladda
federaalka.
Tarsan waxa uu tusaale u soo qaatay in taliyaha nabad sugidda
Muqdisho uusan asaga ka amar qaadan, Sidoo kale taliyaha booliska gobolka
Banaadir uusan ka amar qaadan. Duqa
waxaa uu caddeeyey in wax badan ay qaldan yihiin oo loo baahan yahay in la
saxo.
Talada uu soo jeediyay ee ah in dawladda federaalka loo gooyo
xaafad gaar ah oo aanay ka talin dhammaan gobolka Banaadir ayaa dad badani u
bogeen. Tarsan waxaa uu caddeeyey in
Muqdisho weligeed ay ku dulmaneed Soomaaliya oo weligeed xaqeeda la duudsiin
jirey. Muqdisho weligeed meeqaamkeeda
lama siin, waxaana marwalba ka hortaagnaa dawladda Federaalka oo Muqdisho
deganayd.
Gudoomiye Tarsan, waxaa uu tusaale u soo qaatay in 1960-1969-kii
codadkii baarlamaanka reer Muqdisho lagu qadiyey. Tii kacaankii militarigii
1969-1990 reer Muqdisho codkoodii waa la
qadiyey. Dawladda Federaalka hadda
jirtaana ayadaaba ugu darran oo hadda waa ay dulmisaa.
Tusaale, waxaa uu u soo qaatay in DF lacagtii ay soo heshaa aanay
waxba ka siin Muqdisho oo ay ku marmarsiyooto lacagta waxaa leh gobollada
federaalka oo dhan, laakiin cajiib DF meel aan Muqdisho ahayn ma tegi
karto. DF xaafadihii Muqdisho ayay nagu
haysataa oo fara kala bixi la’ dahay, ayuu yiri. Afar qof oo shacabka Muqdisho oo ay Caasimada
Online wax ka weydiisey hadalka yaabka leh ee ka soo yeeray Duqa Magaalada
Muqdisho waxay inoogu jawaabeen sidan:
Salaad Osmaan Weheliye oo degan Buulo Xuubeey: Tarsan waa geesi
reer Muqdisho u soo kacay oo aqoon yahan ah weliba indheer garad ah. Waxa uu
gartay waa in aan ku raacnaa waayo nin Muqdisho ka jecel ma jiro. Nin
taariikhda ka badiyaana ma jirto. Waan
ku raacsanahay in DF la iska qabto oo weliba magaalada laga saaraa.
Faadumo Faarax oo degan xaafadda Hodan: Hadda la iskuma helayo
caasimad iyo cadaalad. Haddii aad caasimad u ogolaato dhulkaaga ogow in xaqaaqa
lagaa dhacayo ama magaaladaadaba lagaa qaadanayo, waana taas waxa ay qabiilada
kale ee Soomaaliyeed u diidaan in dhulkooda caasimad laga dhigo. Hargeysa ma ogola caasimad, Baydhabo ma
ogola, Kismaayo ma ogola, Garowe ma
ogola, laakiin su’aashu waxa ay tahay in Muqdisho la wadaago oo ay caasimad
noqoto maxaan ku qabnaa, waa waxba.
Cali Axmed oo degan Yaaqshiid: Dhibtan oo dhan waxaa noo keenay
odayaasheena sida Axmed Diiriye ama Xaad ama aqoonyahankeena oo aana arki karin
waxa Mudane Tarsan arkay. Intay ku doodi lahaayeen caasimnadda hana laga raro
oo aan dhisanno maamul goboleed, waxay ku doodayaan caasimadda lama rari
karo. Maxaan ku haysanaa Muqdisho
caasimadnimadeeda oo aan dulmi ahayn waa waxba. Madaxweyne Xassan marna lagama
hayo reer Muqdisho waa samaysan karaan maamul goboleed laakiin waxaa uu ku
mashquulsan yahay sidii uu maamul goboleed ugu dhisi lahaa Hiiraan, Baydhabo,
Kismaayo iyo meelo kale xattaa amaankii Muqdishu ayuu u dayacay.
Faarax Jookar oo degan xaafadda Cabdicasiis: Aniga Tarsan baan raacsanahay oo weliba
waxaan qabaa in caasimadda loo raro meel u dhaxaysa Hobyo iyo Aadan yabaal si
dhaqso ah. Ma yeelayno in xaqeena la dhaco mar kasta oo nalagu yiraahdo cod
malihdiin maamul goboleed ma samaysan kartaan, waayo DF ayaa Xamar deggan. Waxaan lee yahay reer Muqdishoow kacdoon ay
ku samaysanayaan maamul goboleed ha sameeyaan hana iska eryaan DF. Muqdisho cadow aan DF ahayn ma leh,
madaxweyne Xasan waa inuu ogolaadaa ismaamulka madaxa banaan ee dawlad
goboleedka Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, guuxa Xamar ka socda ee maamul goboleedka la
hadal hayo iyo talooyinka Tarsan inay hir geli doonaan iyo in kale bilaha soo
socdo ayaa la ogaan doonaa. Haddiiba ay dhacdo in Muqdisho maamul goboleed
madax bannaan looga dhawaaqo, waxay naxdin ku noqon doontaa DF oo hoosteeda
laga kacay oo meel ay degto raadsan doonta.
Duqa magaalada Muqdisho Tarsan waxaa uu geli doonaa taariikh.
Hadaadii aad tahay reer Muqdisho, oo aad aqrineyso warbixintan, ka
feker mustaqbalka magaaladadaada, gaarsii warbixintan inta aad garaneyso, gaar
ahaan aqoonyahnnada iyo kuwa saameynta leh, oo ha laga kaco hurdada. Muqdisho
waa la wada lee yahay, Somalia inteeda kalena waa la kala lee yahay, waa sheeko
caruureed. Haddaad aaminsan tahay in caasimadnimada lagu helo horumar, aqri oo
wax badan ka ogow magaalooyinka New York, Los Angeles iyo Chicago, waa saddexda
magaalo ee ugu ugu weyn, uguna dadka badan, uguna hormarsan, uguna dhaqaalaha
badan USA, mana ahan caasimad. Ogow Muqdisho waxa ay sugeysaa adiga iyo inta
kula midka ah
No comments:
Post a Comment