Safaarada Soomaaliya ee dalka Yemen oo ka hadashay ganacsato
lacago ku sheeganaysa Maraakiibta Soomaaliya
Safaarada Soomaaliya ee dalka Yeman ayaa sheegtay inay soo
ifbaxeen kooxo lacago been abuur ah ku sheeganaya Maraakiibta ay leedahay
Soomaliya ee ku xiran Dekedaa magalada Cadan xilli madaxweynaha wadanka Yeman
uu amar ku xiray in la fasaxo Maraakiibatasi islamarkaana laga cafiyay
lacagihii lagu lahaa.
Qunsulka guud ee Safaarada Soomaalida ee dalka Yemen Axmed
Cabdi Xasan Axmed Suudaani oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay soo
ifbaxeen Ganacsato Yamaniyiin ah oo lacago farabadan ku sheeganaya Maraakiibta
Soomaaliyeed ee uu dhawaan fasaxay madaxweynaha dalka Yemen.
Sidoo kale Qonsulka ayaa tilmaamay in ganacsatadaasi ku
andacooneysa iney lacag ku leeyihiin Maraakiibta Soomaalida ee ku xiran dekeda
Cadan ay sheeganayaan iney heystaan
dikumentiyo ay ku cadyihiin lacagtaasi oo gaareysa ilaa Afar Milyan oo Doolar.
Qunsulka ayaa hoosta ka xariiqay in sheegashada ganacsatada
reer Yemen ay tahay mid ka badbadis ah,
isagoo xusay iney wadaan baaritaano la xiriira arintaasi, wuxuuna intaa
ku daray in ganacsatadaasi ay ku doodayaan in ay warqado ogolaansho ah ka
heystaan dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray halka qaar kalena ay ku
andacoonayaan in Maxkamadi u xukuntay.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli madaxweynaha dowlada
Yemen uu fasaxay Maraakiibta Soomaaliya ee ku xiran Dekeda Caden isagoo ka
cafiyay wixii lacag ahaa ee lagu lahaa Maraakiibtaasi.
Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada oo ka da’ay
degmada Luuq iyo deegaano hoosyimaada
Maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa faahfahin
kabixiyay roobab xoogan oo saameyn ku yeeshay qoysas ku sugan degmadaasi.
Roobab mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada
saacado badana ka da’ayay degmada Luuq iyo nawaaxigeeda ayaa burburiyay guryo
qadiimi ah oo ku yaalay xaafado ka mid ah degmadaasi
Muumin Xuseen Cali gudoomiye ku xigeenka degmadaasi ayaa
Radio Muqdisho u sheegay in roobabka ay hakad geliyeen isu socodkii gaadiidkii
soo gelayay degmadaasi, wuxuuna sidoo kale sheegay in gaadiid badan uu ku
xayiranyahay wadooyinka soo gala magaalada Luuq.
Sidoo kale roobabkan oo xareedda waray deegaano aad u
balaaran oo hoosyimaada degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay ka mid yihiin
Nimcooyinka Alle ugu deeqay noolaha.
Maxkamad ku taala Mareykanka oo xukun ku
ridday 2 Nin oo qorsheyneysay iney ku biiraan argagixisada Shabaab
Dowlada Mareeykanka
ayaa xirtay 2 nin oo u dhashay wadankeeda kuwaas oo lagu helay dambi ah inay
qorsheynayeen sidii ay ugu biiri lahaayeen Maleeshiayada Al-Shabaab
Maxakamad ku taal dalka Mareykanka ayaa xukun
gaaraya 20 sano ku riday Labo nin oo u dhashey gobolka Newjersi ee
wadanka Mareykanka kadib Markii ay qirteen In ay ku biiri rabeen
Alqaaidada Soomaaliya.
Afhayeenka guud ee ciidamada midowga afrika ee
AMISOM ilwa yaw ayaa waxaa uu ka hadlay weeraadii
Afhayeenka guud ee ciidamada midowga afrika ee
AMISOM ilwa yaw ayaa waxaa uu ka hadlay
weeraadii iyo qaraxyadii haalin ka hor ka dhacay dhismaha maxkamada gobolka
Banaadir halkaasi oo dad badani ay waxyeelo ka soo gaartay.
Afhayeenka ayaa ku tilmaamay qaraxyada iyo
weerarada halkaasi Al-shabab ka gaysteen arin aad looga xumaado isagoona
sheegauy in ciidana AMISOM ay diyaar garoobayaan sidii ay Al-shabab ugu sifayn
lahaayeen magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo gobolada Koonfureed ee dalka soomaaliya,waxaana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin AMISOM sidii ay arintaasi
wax uga qaban lahaayeen.
“Sida aad ogtahayba ciidamada amnigu had iyo
goor waa heegan waxaana marka ay qorshe
samaynayaan waa mid ku timaada xaalada Jirta
waxaase hubaal ah in ay taxadarayaan ayna garanayaan hagar - daamada iyo xeeladaha codawgu adeegsanayo”
sidaas waxaa yiri afhayeenka guud ee Amisom ilwa yaw.
Dhinaca kale afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada
AMISOM iyo kuwa dowlada federalaak soomaaliya ay si wada jir ah u samayn
doonaan baaritaano ku aadan weeraradii iyo qaraxyadii maalin ka hor ka dhacay
dhismaha maxkamada gobolka Banaadir.
Maalinimadii axadii ayay ahayd markii niman
hubaysani oo ka tirsanaa Al-shabab weeraro iyo qaraxyo ku ekeeyeen xarunta
maxkamadaha gobolka Banaadir halkaasu oo ay la galeen qaraxyo iyo rasaas si
toos ah ula dhacayeen dadka waxaana weeraradaas ku geeriyooday inta la ogyhaya 36-qof halka 58 ruux oo kalen ay ku dhawacmeen oo
qaarkood si aad ah u liitaan.
Labada ruux ayaa kala ah Maxamed Alessa iyo
Carlos Amonte, kuwaasi oo Maxakamad horteeda ka qirtay in ay
qorsheynayeen weeraro argagixsanimo iyo in ay ku biiraan kooxda
Alshabaab.
HAY’ADAHA GARGAARKA IYO QM OO KA DEYRINAYA
NOLOSHA DADKA KU DHAQAN GOBOLADA BAAY IYO BAKOOL
Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale caalamiga
ee dhanka Bini-aadanimada ayaa ka deyrinaya xaalada ay ku sugan yihiin shacabka
ku dhaqan gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Baay iyo
Bakool oo xaalad Bini-aadanimo oo aad u daran laga soo sheegayo.
Warbixintii ugu danbeysay ee Qaramada Midoobay
ka soo saarto shacabka ku dhaqan Gobolada Baay iyo Bakool,ayaa lagu sheegay in
Bishii March ee aan kasoo gudubnay dad lagu qiyaasay 2,500,ay ka barakaceen
Degmada Xudur markii Itoobiyaanka ay ka baxeen kuwaasi oo dhibaatooyin ay soo
food saartay.
Kassim Mooge Abdullah oo ah madaxa xafiiska
Bini-aadanimada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in warbixin ay ku hayaan in
Qoysaska gaaraya 2,700 ay bara baxeen,isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay in
arintaasi ay sababtay in xaalada sii xumaato.
Waxaana dadkaan Barakacooda loo sababeeyay
markii ciidamada Ethiopayanka ay isaga baxeen iyagana daba carareen,kuwaasi oo
ka baqay in waxyeelo ka ay ka soo gaarto Al-shabaab oo gudaha u galay
Magaalada,markii ciidamada Ethiopiyanka ay dhabarka jeediyeen.
Hay’adaha gargaarka ayaa tilmaamay inay
awoodaan inay dad xadidan ay gargaar gaarsiiyaan oo intooda badan ay ku
gaarsiinayaan dhanka cirka,sidoo kale Qaramada Midoobay hada waxay shaaca ka
qaatay inaysan awood u lahayn gaaritaanka goobaha Al-shabaab ay gacanta ku
hayaan si loo caawiyo Qoysaska dhibaateysan sababo La xariir shabaab iyo
hay’adaha gargaarka oo aan isku fiicneyn sida warbixinta lagu sheegay.
“Xaalada Bini-adanimo ee ka jirta Gobolada Bay
iyo Bakol,weysii xumaaneysaa,Mana awoodno inaan gaarno deegaanada qaar oo
Al-shabaab ayaa joogo”,ayuu yiri Kassim Mooge Abdullah.
Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale caalamiga
ee dhanka gargaarka qaabilsan ayaa u sababeeyay sii xumaashaha xaalada
Bini-adanimo ee Gobolada Bay iyo Bakool,xaalada amaan ee deegaanadaasi oo
faraha ka sii baxay ,iyagoona tusaale u soo qaatay Bixitaankii Ciidamada
Itoobiya.
Bannaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab oo ka
dhacay Muqdisho
Banaanbax looga soo horjeedo maleeshiyada
Al-Shabaab iyo ficilladeeda ayaa maanta lagu qabtay degmada Heliwa ee gobolka
Banaadir, kaas oo uu soo qaban qaabiya ymaamulka degmada Heliwaa, waxaana ka
soo qeyb galay qeybaha bulshada ee degmadaasi.
Guddoomiyaha degmada Heliwaa ee maamulka
gobolka Banaadir, Cumar Jacfaan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ummadda dhibaato
ku hayso, wuxuuna xusay in shacabka degmada ay ka go’an tahay sidii la isaga
kaashan lahaa ka hortagidda falalka cadowtooyada ku saleysan ee maleeshiyada.
Dadkii dibadbaxa maanta ka qeyb qaadanayay
ayaa sidoo kale watay boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ka dhan ah
Al-Shabaab iyo weerarkii shalay ay ka geysteen xarunta maxkamadda gobolka
Banaadir ee Muqdisho.
Dhinaca kale, guddoomiye Jacfaan markii uu bannaanbaxa
ka soo noqday ayaa gaarigiisa lala eegtay miino, taas oo la sheegay inaanay
qofna wax gaarsiin, marka laga reebo burbur ay u geysatay gaariga.
Miinada waxaa lagu aasay waddada dhinaceeda.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo Shaki geliyay
halka Shabaab ay salka ku hayaan iyo kooxaha ay u adeegaan.
Afhayeenka Majmaca Culimada Soomaaliyeed,
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, ayaa waxa uu dul istaagay oo uu ku dheeraaday in
saraakiisha ugu sareysa Shabaabka ay yihiin rag gaalo soo tabartay oo loo soo
diray dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed ee boqolkiiba boqol Muslimka ah.
“Shaki kuma jiro in Kooxda hogaamisa
Khawaarita Soomaaliya ay Gaalo soo tababartay oo lagu soo amray in ay shacabka
Soomaaliyeed laayaan iyaga oo diin sheeganaaya si diinta looga cararo oo cid waliba
uu isu yiraahdo hadiiba diintu sidaan tahay oo leesku qalaayo waan ka laabtay”,
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa shakigaasi geliyay hadafka kooxda Shabaab.
Sheekhu si cad uma sheegin Gaalada uu fialyo
in ay ku adeeganayaan Shabaabka halka ay asal ahaan ay kasoo jeedaan.
Shabaab ayaa waxa ay sheegaan in ay Allaah ugu
dhawaanayaan dadka ay leynayaan oo ay ku jiraan culimadii diinta dadka bari
jirtay, waxa uuna Gurxan Sheegay in ay lamid yihiin Khawaarijtii leyn jirtay
Asaxaabadii iyaga oo nool loogu bishaareeyay in ay Janada gelayaan.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa waxa uu ku
nuux nuux-saday in Fahamka qaloocan uu ka daranyahay banba si xun u qaraxday oo
kii dhigayay haleeshay maadaama Fikirku hadii uu qaldamo wax badan oo qaldan
lagu fulinayo, waxa uuna si cad ugu dhawaaqay in Shabaab fikir qaldan uu maanka
uga buuxo.
Isku shaandeyn lagu sameenayo qaar kamid ah
Saraakiisha Booliiska iyo qaar Xilalkooda weyn doona(Xog Hoose)
Shabakada Allbanaadir.com ayaa heshay xog
hoose oo ku aadan in Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Taliska Booliiska
Qorsheenayaan in isku shaandheyn lagu sameeyo qaar kamid ah Saraakiisha
Ciidanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gobolka Banaadir.
Isku shaandheyntan ayaa la tilmaamay in ee
saameyn doonto qeybo badan uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka
Banaadir Col.Maalin oo xilka laga qaadayo loona dhiibayo xil kale oon wali la
cayimin .
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in la
qorsheenayo in Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir loo magacaabo Sargaal
magaciisa aan ku helnay Madaale ,waxaa kale jira in iyana xilkii laga qaadayo
Cabdulaahi Xasan Bariise oo hada ah Afhayeenka Booliiska iyo Taliyaha Hay’ada
Dambi baarista CID-da , Bariise ayaa isna la qorsheeyay in Booliiska uu kasii
dhax shaqeeyo jago kalana loo dhiibi doono oo ka duwan tan uu hada ku
magacaaban yahay.
Taliyaha Booliiska Qeybta Waliyow Cadde ayaa
isna xilkiisa weyn doono waxaana lagu badali doono sargaal kale oo katirsan
Booliiska Soomaaliya sida aan ku heleyno Xogaha Hoose ee soo baxaya.
Waxaa sidoo kale iyana isbadal lagu sameyn
doonaa Taliyaasha Booliiska Saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir oo
qaarkood xilalkooda weyn doona halka kuwa kalana isku shaan dheyn lagu sameyn
doono.
Isku shaandheynta lagu sameenayo Taliska
Booliiska Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in ee soo baxdo dhawaan , Xogaha aan
helnay ayaa sheegaya in Durbo la diyaariyay Qorshihii isbadalkaasi dhawaana la
filayo in la shaaciyo.
Arimahan ayaa imaanaya xili Amaanka Magaalada
Muqdisho wax xoogaa maalmahan uu ka jiro dabacsanaan ayna ka dhaceen Magaalada
Qarxayo Xoogan oo sababay dhimashada Dad badan oo Shacab ah iyo Masuuliyiin
Dowlada katirsan.
1 comment:
I'm gone to convey my little brother, that he should also pay a quick visit this blog on regular basis to take updated from most up-to-date information.
Also visit my blog post: トリーバーチ
Post a Comment