Kulankii Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Kenya
“war-saxaafadeed”
(Mombasa Kenya, April,27,
2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Shiiq
Maxamuud ayaa maanta safar kooban oo shaqo ku gaaray magaaladda Mombasa ee
dalka Kenya halkaasna wuxuu kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane
Uhuru Kenyatta.
Waxaa Madaxeynaha ku
wehliyay safarkiisa R/Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo
Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam, iyo Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax
C/Qaadir.
Waxaan fursad u helay in aan
Madaxweyne Kenyatta ku wargeliyo Shirka London ee dhici doona asbuuca soo socda
iyo danaha ay Soomaaliya ka leedahay,
waxaa kale oo na dhexmaray wada hadalo wanaagsan oo la xariira arrimo
dhowr ah oo anaga oo dhan dan noogu jirto waxaa naga dhexeeya dano farabadan,
waxaana naga go’an in aan ka wada shaqeeyno in Bariga Afrika uu noqdo meel
horumar iyo nabad leh” ayuu yiri Madaxweynaha.
“Sidoo kale waxaan ka
hadalnay in Al-Shabaab iyo fikirkooda wixii wata laga hortago si ayna u faafin
fikirka xag jirka ah ee ku saleysan argagixisadda.” Bur-burka soo gaaray
Al-Shabaab ayaa wuxuu keenay in ay bilaabaan xasuuqa Shacabka” ayuu
hadalkiisa ku soo gabagabeeyey
Madaxweyne Xasan Sheekh.
Ugu danbeytii ayaa waxaa
laga hadlay qaabkii ay qaxootiga Soomaaliyeed ugu noqon lahayeen dhulkooda
hooyo Taasna waxa leysla gartay in ay
dhici doonto marka loo diyaariyo qaab ay dalkooda ku soo noqdaan.
Shir lagu dhisayo Gole kulmiya Xisbiyada Siyaasadda Wadamada
Afrika, Soomaaliyana ka qayb Gashay oo Khartoum ka dhacay.
Shirkan lagu aas aasayay Gole Mideeya Dhamaan Axzaabta Wadamada
Qaarada Afrika kaasoo ay kasoo qayb galeen Xisbiyo Matalaya Dhawaan Wadamada
Afrika oo wadan walbana ay uga socdeen laba Xisbi ayaa waxa uu ka Dhacay
Magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Sudan.
Waxa Shirkan Soomaaliya uga qayb galay Laba Xisib oo kala
ah Xisibka Nabadda iyo Horumarinta ee PDP iyo Xisbiga Tajamuc Al-islaami (Aala
Sheekh).
labadaas Xisbi oo ay kala
Hor kacayeen Madax sar sare ayaa waxa ka mid ahaa Dr: Yuusuf Cali Caynte
gudoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed, Axmed Macalin Fiqi oo isagana horay
u ahaa Agaasimihii Nabadsugidda Soomaaliya ee Dhawaan iska Casilay, Xamse Cabdi
Aar oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta ee PDP, Yuusuf
Jimcaale oo isagana u Qaabilsan Xisbiga PDP arimaha Gudaha, Dr: Maxamed Cali
Ibraahin oo ah Xoghaya Guud ee Majmaca Culumada Soomaaliyeed Dr: C/qaadir
Geedi iyo Dr: C/nuur C/qaadir Xaashi oo
isagana ah Madaxa PDP Xaruntiisa Dalka Sudan.
Shirkan oo ay soo Qaban
qaabisay Dowladda Sudan Gaar ahaan Xisbiga talada haaya ee Sudan ee lagu
magacaabo National Congress ayaa waxa ujeedkiisu yahay in loo sameeyo hal gole
oo mideeya dhamaan Axsaabta Siyaasadda ee Afrika.
Labadan Xisbi ee Soomaaliya
ka Socday oo ay kala Horkacayeen Axmed Macalin fiqi iyo Xamse Cabdi Aar ayaa
waxa ay halkaas kasoo jeediyeen Fakirka ay ka qabaan Dhismaha ama Samaynta
Golahan.
Xamse Cabdi Aar oo la
hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa u sheegay in uu Sudan ku yimid Marti qaad
rasmi ah oo ay ka heleen Dowladda Sudan ee Marti galinaysay shirkan lagu
dhisayo Golahaan.
Xamse Cabdi Aar Xoghayaha Guud ee Xisbiga PDP ayaa intaa ku
daray in ay Golahan loo samaynayo Dastuur midkaas oo ansixintiisa ka qayb
galayaan.
Waa markii ugu Horaysay oo
ay Soomaaliya ka qayb gasho Shir lagu Yagleelayo Gole kulmiya Xisbiyada
Wadamada Qaarada Afrika kaasoo Soomaaliyana Xubin Wax ku ool ah ka tahay.
Faah Faahin Ciidamada Dowladda oo Manta ku Dagaalamay Balcad
Wararka naga soo gaaraya magaalada Balcad ee gobolka Sh/hoose ayaa
sheegaya in duhurnimadii manta ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ay
isku fara saareen halkaasi.
Warar kala duwan ayaa kasoo
baxaya waxyaabaha keenay dagaalka, wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka uu ka
dambeeyay markii mid kamid ah askarta ku sugan koontaroolka degmada Balcad uu
rasaaseeyay gaari qaadka geeya magaalada Jowhar, markii maamulka loo
dacwoodayna lasoo xeray ruuxii rasaasta ku riday gaariga.
Gudoomiyaha degmada ayaa la
sheegay in taliyaha ciidamada meletariga uu amray in ruuxa rasaasta furay lasoo
xero laakiin markii dambe laga warhelay gaari lagu daabulo ciidamada dowlada oo
askar badan ay saaran yihiin islamarkaana mar qura rasaas ku furay ciidamo kale
oo ku sugnaa bartamaha degmada.
Wararka kale ayaa sheegaya in ciidamo caraysan oo ka baxay xerada
Hiilweyne ay rasaas ku fureen ciidamada oo ku sugnaa kontaroolka laga galo
magaalada, sida uu Idaacada Risaala u sheegay Nabadoon Ibraahim Baashir Maxamed
oo ku sugan Balcad
Kulan Dhexmaray Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka aroortii ka
ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Kulanka oo ka dhacay
madaxtooyada Magaalada Mombasa ayaa labada dhinac waxa ay uga hadleen arimaha
xiriirka labada dal iyo sidii loosii wanaajin lahaa.
Inkastoo aan warar rasmi ah
laga helin waxyaabaha sida gaarka ah ugawada hadleen labada dhinac ayaa hadana
safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya wuxuu sheegay in kulanka labada masuul ay
uga wadahadleen xiriirka labada dal.
Madaxweynaha safarkiisa ayaa
waxaa ku weheliya wasiirka arrimaha dibadda, Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan,
wasiiru-dowlaha madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir iyo mas’uuliyiin kale.
Ciidamada amaanka Ugandha oo Heegan La Galshay Kadib Cabsi Shabaab
Ka Timid
poliiska dalka Uganda ayaa sheegay in Maalintii shalay ay heleen
warbixin cadeyn u ah in Ururka Al-shabaab oo xariir la leh Al-Qaa’ida ay
qorsheynayaan weerar ka dhaca gudaha dalkaasi Uganda.sida Warbaahintu heshay.
“Waxaan helnay Warbixin ku
aadan in Al-shabaab ay damacsan yihiin in weeraro argagixiso sida uu hadalka u
dhigay ay ka geystaan gobolka bariga Africa ku yaala,gaar ahaan Uganda,sidaasi
waxaa sheegay Afhayeenka Boliiska dalkaasi Judith Nabakooba.
Sidoo kale Afhayeenka
Boliiska Uganda ayaa dhanka kale sheegtay in hay’adaha Sirdoonka iyo hay’adaha
kale ee dowlada ay iska kaashanayaan sidii warka haatan soo gaaray ay u
xaqiijin lahaayeen,si bay tiri markaasi aan u qaadno talaabooyin ku haboon.
Ciidamo Booliis ah ayaa lagu
xoojiyay goobaha la isugu soo baxo iyo xarumaha kale ee muhiimka ah,halkaasi oo
dadka loo sheegayo inay ka kala tagaan,Madaama hadii ay wax ka dhacaan
qasaaraha laga yaabo inuu sii fara bato.
Pro Samatar ” Waxaan Iska Casilay Xildhimaanimadii Baarlamaanka
Soomaaliya
Axmed Ismaaciil Samatar oo haray u ahaa musharaxa u taagnaa
qabashada Xilaka madaxtinimo ee dalka Somaalliya ayaa waxa uu sheegay inuu iska
casilay xildhibaanimadii dowlada fedraalka ee dhawaantaan loo igmaday.
Prof Samatar aya waxa uu
carabka ku jeexay in iscasilaada xilshbaanimada
uusan ugu horeyn asaga laakiin ay ka horeeyeen sida uu sheegay
xilsdhibaano ay ka mid ahaayeen ra’iisul wasaarhii hore ee Soomaaliya C/wai
Gaas.
Sidoo kale mr Samatar oo ka
hadlay xaalda Xalinta khilaafdka Soomaalida ayaa waxa uu sheegay in loo
baahanyahay in dowlada dadaal dheeraad ah ku bixiso islamarkaana Soomaalidu is
xaliso.
Si kastaba ha ahaatee iscasilaada Xildhimaanada ayaa usi soo
tareysay maalmihii danbe Waxaana siyaasiyiintu ku fsdireen iscasilaada
baarlaamaanka Khilaaf ka Dhex jira Dowlada.
Bishii Julay 2010,shabaab ayaa sheegtay weerar dhimasho badan
dhaliyay oo ka dhacay dalka Uganda,kaasi oo ay ku naf waayeen dad gaaray
76,halka dhaawucuna kor u dhaafayo 70,iyadoo weerarka uu ka dhacayay Baar lagu
daawanayay ciyaarihii aduunka uu xiligaasi gabagabo marayay.
Dowlada Uganda ayaa
Maankooda waxaa wali ku danbeeya Mashaqadaasi,waxaana sababta ka danbeysa ay
tahay in dowlada ay Uganda ay tahay wadankii ugu horeeyay ee Ciidamadooda ay u
soo boqoolaan Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.
Carruur ku dhimatay biyo fariisin ku yaalla Jowhar
Labo carruur ah ayaa maanta ku dhimatay meel biyo fariisin ah oo ku
taalla magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe kaddib markii ay
ku dheceen.
Guddoomiyaha degmada Jowhar, Maxamed Cismaan Xaaji Cabdulle ayaa Bar-kulan
u sheegay in ay kormeer ku sameeyeen goobaha ay biyuhu fariisteen ee xaafadaha
Jowhar.
Maxamed Cismaan wuxuu tacsi u diray waalidka iyo ehelada caruurta
dhimatay.
Wuxuu xusay inay wadaan dedaallo ay dadka ku wacyigelinayaan in
biyaha laga saaro meelaha ay fadhiisteen, wuxuuna sheegay inay kaashanayaan
ururro ka jira magaalada oo ku deeqay matoorro loo kaashado furinta howlahaas.
Roob ka da’ay magaalada Jowhar ayaa la sheegay inay sidoo kale ku
burbureen guro.
Dowladda Mareykanka oo Sheegtay Inay Ka Shaqeyneyso Isugu Keenida
Soomaalida
War saxaafadeedka kasoo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka
ayaa waxaa lagu sheegay in dawlada Maraykanka uu taageeray midnimada Soomaaliya iyo sii socoshada wada hadalada u
dhaxeeya madaxda dawlada Soomaaliya iyo Somaliland.
Warkaan waxaa lagu sheegay
in ku xigeenka xog’hayaha arrimaha dibbadda Maraykanka Wendy Sherman’s oo la
kulantay M/weynaha Soomaaliland Axmed Max’ud Siilaanyo uu u sheegay in
Maraykanku uu taageerayo wada jirka iyo nada Soomaaliya iyo in la sii wado wada
hadalada dhawaan ka dhacay dalka Turkiga ee ay yeesheen madaxda dawlada
Soomaaliya iyo Somailand si loo helo Soomaaliya oo midaysan.
Wakaaladda wararka KUNA oo
warkaan wax ka qortay ayaa ku waramaysa in Wendy Sherman’s ayay u sheegay
madaxda Soomaalilaland ee uu la kulmay in Maraykanka uu si weyn u danayno in Soomaaliya uu noqdo wadan ay dadkiisu hal
meel u wada socdaan kana shaqeeya hormarka dalka.
“Maraykanka waxaa uu aad
danaynayaa midnimada Soomaalida iyo nabad galyada” ayay tiri Wendy Sherman’s ku xigeenka xog’hayaha arrimaha dibbadda
Maraykanka.
Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda oo Magaalada Muqdisho Lagu
Toogtay
Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saakay lagu
toogtay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan.
Wararka ayaa sheegay in
kooxo hubeysan ay askari ka toogteen kadibna ay goobta isaga baxsadeen.
Dilka kadib ayaa goobta waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda
Soomaaliya waxayna bilaabeen howlgallo hase ahaatee lama sheegin cid ay gacanta
kusoo dhigeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Maraykanku waxaa
uu u balan qaaday mas’uliyiinta Somaliland uu u balan qaaday kala shaqeynta
nabada, dimoqraadiyada iyo la dagaalanka Al-Shabab.
Somaliland oo sheegtay in
Soomaaliya inteeda kale ka go’aday bilawgii Sagaashamaadkii willi ma aysan
helin wax aqoonsi ah haddase waxaa socda wada hadalo ay la leeyihiin dawlada
Soomaaliya.
Britain oo £80 milyan ugu deeqeysa Soomaaliya
Xog-hayaha Horumarinta Caalamiga ee dalka Britain, Justine Greening
ayaa sheegtay in dowladda Britain £80 milyan ku bixin doonto xal u helidda
waxyaabaha sababay saboolnimada iyo colaadda ka jirta Soomaaliya.
Justine Greening ayaa hadalkan ka sheegtay kaddib markii maanta ay
Hendon’s Somali Community Center ay kula kulantay jaaliyada Soomaalida ee ku
nool dalka Ingiriiska, iyadoo sheegtay in
xukuumadda Ingiriiku ay laba jibbaari doonto taageerada dhaqaale ee ay
siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Justine ayaa ku ammaantay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka
Ingiriiska doorka wanaagsan ee ay ka qaadatay horumarinta dhaqaalaha dalka iyo
dadaallada loogu jiro dib u soo celinta amniga dalka Soomaliya.
Justine ayaa sheegtay in dowladda Ingiriisku ay gurmad u fidisay
300,000 oo qof oo Soomaaliya ku nool sanadii 2011, xilligaas oo ay Soomaaliya
ku dhufatay abaar daran oo horseedday geerida boqollaal qof oo Soomaali ah.
Buug loogu magaca daray Muqdisho shalay iyo maanta oo la soo
bandhigay
Munaasabadda maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ujeedkeedu
ahaa soo bandhigista Buug cusub oo ka hadlay xaaladihii Muqdisho ay soo
martay ayadoo cinwaana looga dhigay
“Muqdisho shalay iyo maanta”.
Soo bandhiga Buuggan waxaa
goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Mahdi Maxamed Cali, wasiirka
Qeyraadka, C/risaaq Cumar Maxamed, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo
mas’uuliyiin kale.
Buugani oo ay qoreen
qorayaal Ajaanib ah una dhashay dalka Kenya ayaa ujeedkiisu ah sidii dadka
Soomaalida ah ay u fahmilahaayeen ahmida ay leedahay dib u soo nooleynta
bilicdii Caasimada dalka.
Guddoomiyaha gobolka
Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in
bandhiga buuggan ay dhowr magaalo oo caalamka ah ay ka dhaceen isagooo ugu
mahad celiyey qorayaashii qaaday talaabadan.
Sidoo kale wasiiru dowlaha
wasaaradda arrimaha gudaha iyo Amaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya Mahdi
Maxamed Cali ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay gartaan wanaagii Muqdisho
lagu yaqiinay.
Goobta waxaa lagu soo bandhigay Boorar ay ku qornaa
muuqaalada goobaha caanka ah ee Muqdisho , sida xaruuntii hore ee Baarlamanka,
Hotel curubo, Sayidka, Xaawo Taako, Axmed Gureey iyo kuwo kale maadaama
Taariikhda fog ee Soomaaliya uu ka hadlayay buuga.
Wasaaradda adeegga bulshada oo sheegtay in dalka dibadiisa loo
qaadayo dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Maxkamadda
Kadib booqasho ay ku tageen Isbitaalka Madiin mas’uuliyiin ka
tirsan wasaaradda horumarinta adeegga bulshada oo uu horkacayay wasiir ku
xigeenka wasaaradaasi Bashiir Maxamuud Jaamac “Bashiir Goobe” ayaa waxaa uu
ahaa u kuur galida xaaladaha dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii ugu dambeeyay ee
ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wasiirka ku xigeenka iyo
xubnahii la socday ayaa soo kormeeray qolalka ay ku jiraan dadkii ku
waxyeeloobay qaraxii naftii halignimo oo ay maleeshiyaadka shabaab la
beegsadeen xarunta maxkamadda gobolka Banaadir.
Waxa ayna warbixin ka
dhageysteen dadkii ku waxyeelobay Qaraxii iyo sida ay u qateen dawooyinka
iyagoo sheegay in marba marka ka dambeysay ay ka soo rayneyso xaaladooda
caafimaad.
Sidoo kale Agaasimaha
Isbitalka Madiin Maxamed Yuusuf ayaa sharaxaad ka bixiyay xaaladaha bukaanada
waxa uuna sheegay in ay waxba kama jiraan ay tahay hadalada sheegaya in
bukaanada ay ku dhibateysan yihiin Isbitalka isagoona intaasi ku daray in ay
jiraan dad u baahan in loo qaado dibada si loo soo daweeyo.
Ugu dambeyntii wasiir ku
xigeenka wasaaradda horumarinta adeegga bulshada Bashiir Goobe ayaa tilmaamay
in u jeedka ay u booqdeen isbitalka uu yahay si ay u soo helaan tirakoob sax ah
si dadka qaba xanuunada daran loogu qaado dalka dibadiisa.
Maleeshiyadda kooxda shabaab
ayaa 14 bishan waxa ay weerar ismiidam ah ku qadeen maxkamadda Gobolka Banaadir
halkaas oo ay ku geeriyodeen dad ka badan 20 ruux oo u badnaa shacab, waxaana
horay bukaanadan u booqday R/wasaaraha dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo
qaar ka mid ah golahiisa wasiirada si ay u soo ogadaan xaalada shacabkii ay
waxyeelada u geysteen Al-qaacidada
Soomaaliya ee shabaab.
Wasiirka wasaaradda howlaha
guud oo u ambabaxay dalka Masar
Wasiirka Howlaha guud iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya mudane Muxudiin Maxamed Kaalmoy ayaa maanta ka ambabaxay magaalada
Muqdisho, waxa uuna caasimadda dalka Maser ee Qaahira uu uga qeyb galayaa
shirka waddamada Korontada ee ururka Jaamacadda Carabta xubnaha ka ah.
Waxa uuna warbaahinta
Qaranka u sheegay in Soomaaliya ay hormuud ka tahay dalalka lixda ah ee
hoggaaminaya shirka dalalka Korontada, maadaama Soomaaliya dhinaca Korontada ay
meel sareysa ka gaartay korontada xili hore, haddana ay horumarrinta howshaasi
waddo.
Wasiirka ayaa guul ka
rajeeyay in shirka Qaahira ay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah shirka
konortada, hasa yeshee hirgalinta adeeggii Korontada oo ah muhiimadda koobaad
ee Bulshada Soomaaliya.
Milkiilaha Warshadda Karnabiif oo Beeniyay in dowladda ay Leedahay
Dhulka Warshaddaasi
Malkiilaha Warshadda
Kaarnabiif ayaa Beeniyay dhulka Warshadda ay Degntahay in ay dowladda iska
Leedahay.
Cali Aadan Axmed ( Cali WHY
) oo ah Malkiilaha Warshadda Kaarnabiif ee degmada Heliwaa Ee Gobolka Banaadir
Gaar ahaan Xaafadda Suuqa Xoolaha oo Maanta Lahadlay idaacadda Shabelle ee
Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Beeniyay in Warshadaasi ay Leedahay Dowladda
Soomaaliya.
Cali WHY ayaa waxa uu
sheegay in dhulka Warshadda uu isagu si shaqsiyan ah U leeyahay uuna Ka
iibsaday dad dhaxaltooyo u Lahaa Hase ahaatee waxa uu dowladda ka codsaday In
dadka Shacabka ah ee Ku doodayo in dhulkaasi ay dowladdu Leedahay ay si deg deg
ah ugu Jawaabto.
Malkiilaha ayaa sheegay in
Maxkamadda Gobolka Banaadir , Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka iyo
Hay’adaha Ammaanka ay dhowr Jeer ku amreen dadka shacabka ah ee degan halkaasi
in ay isaga guuraan Maadaama uu tusiyay
dukumitiyadiisa Cadeymaha ah Balse weli dadkaasi ay ka caga Jiidayaan.
“ dhulkaanu waxa uu igu soo
galay waxaan Ka gatay dhaxaltooyada Xaaji Yuusuf Cismaan Culusow oo horay u
Lahaa Loona yaqaanno deegaanna U Lahaa ” Sidaasi waxaa Yiri Cali Why oo ah
Malkiilaha dhulkaasi.
Dhulka Warshadda Kaarnabiif
ayaa dadka Degan Maal mihii dambe waxa ay ka cabanayeen Ciidamo ka tirsan kuwa
dowladda Federaalka Soomaaliya oo Bur burin U geysanaya dhulkaasi.
Baarlamaanka oo Maanta Kulan Xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho
Mudanayaasha Baarlamaanka
Soomaaliya ayaa Maanta Kulankooda Caadiga ah ee ay ku yeesheen Xarunta Golaha
Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa Goob Jooga ahaa Xildhibaanno Gaaraya
173 Mudane waxaa Kulanka Shir
Guddoominayay Mahad cabdalla Cawad guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee
Baarlamaanka.
Ajandaha Kulanka oo ka
koobnaa illaa iyo dhowr qodob ayaa Xildhibaanno Ka tirsan Baarlamaanka waxa ay
Mooshin ka keeneen Heshiiskii dhawaan dalkaasi Turkiga ku dhexmaray Maamulka
Soomaaliland iyo dowladda Soomaaliya taaso ay Codsadeen Xildhibaanadu in
ajandaha Lagu soo daro hase ahaatee Guddoonka sare Ee Baarlamaanka ayaa Kasoo
Hor Jeestay islamarkaanka Ku tilmaamay arrinkaasi mid Car qaladeyn ah Xad
Gudubna Ku ah Laamaha Fulinta ee dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Xildhibaanada
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa intooda badan Ku Raacay Go’aanadii uu soo Jeediyay
Shir Guddoonka Baarlamaanka.
Kooxo kala Taabacsan Abuu Mansuur Al Amriiki iyo Abuu Zubeyr oo Ku
diriray Bay
Ciidamo kawada Tirsan
Xarakada AL Shabaab ayaa Lagu soo warramayaa in ay Ku dagaalameen Deegaanno Ka
tirsan Gobolka Bay.
Wararka Naga Soo Gaaraya
Deegaanka Raamacadeey ee Gobolka Bay ayaa waxa ay Ku warramayaan in dagaal
Maanta halkaasi uu ku dhexmaray Ciidamo kawada Tirsan Ururka Al Shabaab.
Inkastoo aan La shaacin
Khasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi ayaa hadana waxaa la tilmaamay in dagaalka uu
ka dhashay Kadib Markii Ciidamo Ka Amar qaata Abuu Mansuur Al Amriiki ay Xalay
weerar ku qaadeen Ciidamo kale oo Al Shabaab ka tirsan oo ku sugnaa deegaanka
Rama cadeey ee Gobolka Bay.
Maanta ayaa hadana La
sheegay in dagaal Midkaasi La mid ah uu halkaasi ku dhexmaray Ciidamo kawada
Tirsan Ururka Al Shabaab.
Dad deegaanka ah ayaa waxa
ay Shabelle u sheegeen In Deegaanka Raamacadeey Saaka Illaa xalay Laga Maqlayay
dhawaqa Hubka Cul Culus iyo Kuwa Fud Fudud ee Labada dhinac ay is
weedaarsanayeen inkastoo aan La shaacin Khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay.
Wararkii Ugu dambeeyay ee
halkaasi Laga helayo ayaa waxa ay Ku soo warramayaan in tan iyo Xalay dadka
halkaasi ku dhaqan ay La soo Daristay Cabsi Xoogan Maadaama Ciidamo ka tirsan
Ururka Al Shabaab guud ahaan Deegaanka ay Ku gaaf wareegayaan.
Al Amriiki ayaa Farriin
Muuqaal ah oo dhawaan uu Ku Baahiyay Bogga Twetterka waxa uu ku sheegay in uu
ka bad baaday iskuday dil isagoo soo bandhigay sawirro Muujinaya Waxyeello Ka
soo gaartay Rasaastaasi La doonayay in isaga Lagu qaarijiyo.
Tirada Somalida Minnesota ee
qabta cudurka AIDS-ka oo la shaaciyay?
Minneapolis (Caasimada Online) Warbixin ay soo saartey Waaxda
Caafimaadka ee gobolka Minnesota ayaa lagu soo bandhigay tirada dadka qaba cudurka Aidska.
Warbixintan oo ah tii sannadkii horre 2012-ka, ayaa Soomaalida
waxaa la sheegay in kaalinta shannaad ay ka gashey dadka uu soo ritay cudurka
dilaaga ah ee AIDS-ka.
Warbixinta ayaa muujineysa in tiradan ay tahay dadka soo galootiga
ah ee ku dhaqan gobolkaas ee uu cudurku hayo.
Dr. Cusmaan Xaraare oo madax u ah urur caafimaad oo ka dhisan
Minnesota ayaa VOA u sheegay in dadka
Soomaalida ee qaba cudurkan tiradooda ay gaareyso ilaa 97.
Wuxuuna intaa ku daray in dadka ka soo jeeda Ethiopia iyo Oramada
in ay ku jiraan kaalinta koobaad, halka Soomaalidana ay kaalinta shannaad ka
gashay warbixinta.
Dr. Xaraare ayaa intaas ku daray in sida warbixinta ku cad in
dumarku ay u badan yihiin dadka laga helay cudurkan AIDS-ka.
” Tirada dadka laga helay ee Soomaalida ayaa 90 qof kor u dhaafaysa, hase yeeshee
tiradan waa inta tagtey cusbitalada ee la baarey.” ayuu yiri Dr. Xaraare
Dumarka ka soo jeeda qaaradda Africa ee uu ku dhacay cudurkan ayaa
gaaraya 65% halka raggana ay ka yihiin 44%, dumarka cadaanka waa 18% halka
halka raga cadaanka ah ee uu ka dhacay cudurkan ay gaarayaan 82%.
Si kastaba, wuxuu ugu baaqay dadka Soomaalida in ay isbaaraan inta
aysan isguursan laamanaha doonaya in ay sameestaan guri ay ku nagaadaan.
Gobalka Minnesota waa gobalka Soomaalida ugu badan ay ku nool
yihiin dalka Maraykanka.
Guddiga shrika Kismaayo oo maanta ku dhowaaqay arrin cusub
Guddiga Farsamada shirka
maamulka u sameenta Jubbooyinka ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyay arrin cusub
oo ah in shirka lasoo geba gebeynayo.
Waxa ay ku dhowaaqeen in shirkaas muddo toddobaad gudahood lagu soo
gabagabeen doono iyadoo muddadaasna lagu hirgalin doono xilligaas.
Guddoomiyaha guddiga farsamada ee shirka Cabdiqani Cabdi Jaamac oo
saxaafadda kula hadlaayay Kismaayo ayaa sheegay in guddigooda iyo odayaasha
dhaqanka ay isku af-garteen muddo toddobaad ah in lagu soo afmeero shirka iyo
guud ahaan wax yaabaha haray.
Wuxuu sheegay Cabdiqani inta badan in la soo dhammeestiray ergooyinka dooranaya madaxweynaha maamulka
loo dhisaayo Jubbooyinka iyo Gedo.
Odaasha soo xulaayay ergooyinka soo dooraneysa madaxweynaah
maamulka ayaa maalmahan ku shiraayay
garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Wararka ayaa sheegaya in isla maanta odayaasha laga soo saari doono
garoonka, laguna celinayo xarunta Jamaacadda Kismaayo oo shirka uu ka socdo.
Magaalada waxaa maalmahan ka socda kulamo aan loo kala kicin kuwaasoo
ay lee yihiin odayaasha iyo xubnaha isku soo tagaya doorashada madaxweynaha
maamulka Jubbland.
Shirka Kismaayo ayaa furmay dabayaaqadii bishii February ee
sanadkan, waxaana ka qaybgalaya in ka badan 5,00 oo odayaal ah.
Hal arrin oo Xildhibaanada
BF laga mamnuucay inay mooshin ka keenaan
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay
xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa looga digay inaysan wax mooshin ah keenaan
wadahadaladii iyo heshiiskii dhexmaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka
Somaliland, waxaana la joojiyey oo la diiday gebi ahaanba mooshinkii horay
looga keenay.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad
Cabdalla oo shir gudoominayey kulanka Baarlamanka Soomaaliya ayaa xildhibaanada
uga digay inaysan wax mooshin ah ka keenaan heshiiska iyo wadahalka u dhaxeeya
dowladda Soomaaliya iyo maamulka la baxay Somaliland, wuxuuna xusay Guddoomiye
ku xigeenku inaan loo baahneyn in farqalado iyo cabad lagu noqdo wadahalka
labada dhinac.
“Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaliyeed ee sharafta leh waxaan uga
digeynaa inan wax mooshin ah ka keenaan wadahalada u dhaxeeya dowladda
Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, sababta aan u joojinay waxay tahay in
Baarlamaanka uusan caqabad ku noqon wadahalkaasi, waxaana idiin sheegayaa
nagama sugeysaan in mowshinkii laga keenay heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo
maamulka Somaliland in halkan looga doodi-karin oo aan joojinay mar hore, wixii
qaldan gudoonka Baarlamaanka ayaa saxaya, waana in sidaasi loola socdaa” ayuu
yiri Guddoomiye Mahad Cabdalla.
Si kasta oo ay ahaataba amarkan ka soo baxay Guddoonka sare ee
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu ku soo beegmayaa Xildhibaan Cali Khaliif
Galeyr uu horay u sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqoonsatay maamulka
Somaliland, waxayna ka keeneen mooshin ka dhan ah heshiiskii labada dhinac,
sidoo kalena go’aankan waxa uu ku soo aadayaa iyadoo maamulka Somaliland ay
sheegeen in xildhibaanada mooshinka ka keenay wadahalka labada dhinac ay yihiin
kuwo caqabad horseedi kara, isla markaasna aan ogoleyn gooni u goosadnimada
maamulka Somaliland.
No comments:
Post a Comment