SHIRWEYNAHA
QARANKA EE GARSOORKA IYO SARRAYNTA SHARCIGA
Mogadishu,
1da - 5ta Abriil 2013
Mudane Shirguddoomiye;
Mudanayaal iyo Marwooyin;
Culumada Diinta iyo Odayaal dhaqameedka;
Ogaalleyda iyo Qareennada ku qaydaddaarta Qaanuunka;
Xildhibaanada Golaha Shacabka;
Wakiillada Ururrada Bulshada Rayadka iyo - Dhammaan Muwaadiniinta;
Dhammaan saaxibada iyo Marti Sharafta shirkan kasoo
qaybgashay
Magaceyga qof ahaaneed iyo kan Xildhibaannada Golaha
Shacabka Soomaaliyeed, Iga guddooma salaam diiran iyo qaddarin gaar ah.
Mudane Shirguddoomiye;
Ma aha wax maalin walba la heli karo tiro intaan le’eg oo
culumo, odayaal dhaqameed, aqoonyahanno, qareenno, iyo ogaalley badan oo ku
kala qaydaddartay kasmooyinka kala duwanee siyaasadda, ammaanka dhaqaalaha, bulsho
iyo culuumta kaleba, oo hal madal ku kulansan. Waa arrin qiimo weyn oo aan ku
rajo weynahay Allahu SWT- uga baryaayo
in talooyinka kulankiinan kasoo bixi doono ay noqdaan kuwo Shacbiga
Soomaaliyeed mahadiyo wax weynna ka taro xallinta xaaladdaha ka jira dalkeena
guud ahaan, arrimaha garsoorka gaar ahaan. Saas daraadeed, ii oggolaada inaan
mahad gaar ah iyo hambalyo u jeediyo qabanqaabiyeyaasha kulanka soo abaabulay,
waqtiga iyo hawlgalka ay geliyeenna in Eebbe weynaha ugu abaalmariyo khayr
badan. Waxaa xusid gaar ah mudan in shirweynahan yahay mid Soomaali abaabushay,
maalgelisay aqoonyahanno soomaali ahna ka wadaxaajoonaayo arrimo soomaaliyeed
oo xal u raadinaaya. Arrinkan wuxuu maragfurayaa inaan hawlaheena aan toos u
maaraysan karno - (qof hoolliis qobsadi xang
ka dheer/ qof hawshiisa qabsaday xani ka dheer).
Mar kale waxaan abaabulayaasha uga mahadcelinaya in ay kulankan
igu casumeen in aan idinkala qaybgalo. Haseyeeshee waxaan hor iyo horraan aan
jeclahay inaan indiku wada wargeliyo in ka qaybgalkeeygu yahay mid qof
ahaaneed. Erey kasta oo aan halkan ka iraahdona yahay fikrigeyga gaar ahaaneed
ee uusan ahayn moqifka Golaha Shacabka iyo kan maqaamka Afhayeenka midna.
Mashaakillada Soomaaliya haysta waa xaalado u gaar ah oo aan
lala wadaagin, waxayna u baahan yihiin taxliilo u gooni ah oo kasoo dhalaala
maskax-shiil soomaaliyeed oo salka ku haysa waddaninimo iyo daacadnimo. Ma jiro
caalamka meel xaaladaha dalkeena la mid ah oo xallintooda looga soo minguurin
karo. Saas daraadeed waxaan u baahan nahay inaan helno xal Soomaalidu leedahay
oo u gaar ah, iyadoo aan reebaneen in hadba meeshii habboon aan kaga
faa’deysaneyno ilaha dhaqan-sharciyeedka caalamku kusoo waaayo aragsaday.
Walaalayaal, inkastoo burburkii dalka kusoo dhacay yahay wax aad loo qoonsado,
dawlad Dhexe la’aantii ina soo martayna tahay wax kahasho mudan, hadana maanta
waxaan haysanaa fursad weyn inoo surtogelin karta nidaam agaasiman oo aan ku
dhisi karno Dawlad casri ah oo falgal ah iyo hab siyaasad-qarameed u horseedda
timaaddo cusub oo horumar leh. Waa hubaal haddii aan dadaalno, oo aynu curinno
aragtiyo aan ku maaraynayno xaaladaha murugsan ee dalkeena, waxaa dhab ah in
caalamku inaga barandoono casharro ugub ah oo dhaxal gal ah.
·
Waxaan u baahan nahay in
aan curinno sharcidejin iyo hannaan garsoor oo ku dhidibbo aasan taariikhdeenna
dhaqameed iyo waayo aragnimadeena sharcidejineed, jawaabna u ah maaraynta caqabadaha turxaanta
ku ah dhalanrogga siyaasadeed aan higsanayno;
·
Hannaanka sharci iyo
garsoor ee aan hiranayno waa inuu noqdaa mid shacabkeena ku dhaliya kalsooni
iyo garwaaqsi in is-qabad kasta iyo iskhilaaf kastana si nabad ah iyo
xasillooni xal caddaalad ah uga gaari karo;
·
Waxaan u baahannahay in
aan is-waafajinno hab-dhaqanka garsooridda ugu wanaagsan, maqaasiidka
shareecada iyo xeer-dhaqankeenna soo
jireenka ah ee inoo gaarka inno ah;
·
Waxaan u baahannahay in aan si qeexan u
dejinno haykalka Laanta Garssorka, oo munaasab u ah xaaaladda Soomaaliya;
·
Waxaan u baahannahay in
aan si cad oo dib muran iyo madmadow ka iman doonin aan isla wada garano isulana
meldhigno nuxurka dhabta ah ee madaxbannaanida garssorka iyo raadraac lagu
hubinayo la xisaabtanka iyo hufnaanta garssoryaasha;
·
Waxaan u baahannahay in aan
dhisno oo meelaynno haykalka maxkamadaha dalka, xilalkooda, tababbarrada iyo
taya-dhisidda garssoryaasha iyo dhammaan hawlwadeennada garssorka;
·
Waxaan u baahannahay in
la kafaalaqaado baahida asaasiga ah iyo baraaraha garsoorayaasha iyo
hawlawadeenka garssorka, si ay u ilaashadaan urursanaanta qofnimadooda, ugana
fogaadaan eex iyo musuq.
·
Intaas waa arrimo kooban
oo loo baahan yahay, waxaanse aaminsanahay inaad arrimo badan kaloo loo bahan
yahay aad maanka ku haysaan, wadahadalladiina kusoo ifbixi doona.
·
Waxaa loo baahan yahay inaad
taloooyin kasoo jeedisaan dhammaan arrimahaas iyo tabtii iyo geeddi socodkii
lagu fulin lahaa
II.
Dulmar
kooban ee la Xariira Taariikhda Grasoorka Soomaaliya
Soomaaliya ma aha qaran shalaydhalad ah mana aha dal aan
lahayn taariikh qaanuuneed. Yaanan marna illaabin soo jireenka aan kasoo
jeedno! Waxaanu leenahay tagtooyin hore, taariikh hodan ah iyo timaaddo wacan
oo aan Ebbe ka sugeyno, haseyeeshee folowgal quman inooga baahan. Raageyda hore
oroh ma dhaafin oo waxay yiraahdeen: “qof
aan tagtadiisa ogeyn, waa qof cid uu yahay mooge”- waxaanu nahay umad
Muslim ah, ku dhaqanta Shareecada iyo xeer-dhaqameed isku dhafan. Casrigan
dambena yeeshay qawaaniinta qodobeysan oo qaarkood 80 jirsaday qaarkood kalene
qarni cagacageynaaya.
Haddii aan kooban u dulmarno taariikhdii ay samaysmee
qawaaniinta qodobeysan ee dalka, Somaaliya waxaa ka jira sharci si cad u
sheegaya in sharcigu yahay saldhigga awoodda Dawladda iyo in Garsoorku uu ka
madaxbannaan yahay hay'adda sharcidejinta iyo midda fulinta marka uu fulinaayo
howlihiisa la xiriira garsooridda.
Saldhigga awooddaa Dawladda iyo Madaxbannaanidaas waxaa horey
usoo ballan qaaday dastuurradii dhowrka ahaa ee dalku soo yeeshay laga billaabo
1960kii (arag qodobka 63aad ee Dastuurkii 1960 iyo qodobka
113-aad ee Dastuurka 1990 ).
Sidoo kale dastuurka federaalka ah wuxuu qorayaa in garsooruku ka madax bannaan
yahay hay'adha kale ee dowladda marka uu howlihiisa garcelinta gudanaayo
(qodobka 105 iyo qodobbada ka dambeeya).
Arrinta madaxbannaanida Garsooka Soomaaliya marnaba ma noqon
mid muran uu ku jiro, mana aha arrin cusub oo hadda dhalatay. Garsooruhu asaga oo kaashanaaya damiirkiisa iyo
aqoontiisa, waxaa laga sugaa inuu go’aan ka gaaro dacwadda la hor keeno. Sharci
ahaan waxaa laga rabaa inuu si cad u muujiyo arrinta la soo hordhigay iyo
saldhigga sharci ee uu u cuskaday garta uu qaaday. Go’aankaas, qofkii aan ku
qancin waxaa u furan rafcaan inuu ka qaato sida sharcigu qabo.
Garsooruhu wuxuu u hoggaansamayaa sharci qodobaysan,
tifaftiran oo tilmaamaya tallaabo kastoo uu qaadayo. Garsoorihii ay ku caddato
inuusan howshiisii u gudan sida sharcigu faray, aqoon darri ha ka noqoto ama si
kale ha u dhacdee, waxaa jira talaabooyin anshaxeed (haddii uusan denbi
gelinba) oo lagu qaadi karo.
Dastuurka ka hor, Koonfurta Soomaaliya waxay lahayd, tan iyo
markii Talyaanigu soo galay dalka, nidaam garsoor casri ah. 1935tii Talyaanigu wuxuu u dejiyay Soomaaliya nidaam
garsoor dalka u gaar u ah (Regolamento n. 1638 del 1935). Inta u dhexeysay
horraantii qarnigii 19aad ilaa 1935, Soomaaliya waxaa ka jiray oo
lagu dhaqmi jiray, hawlaha maxkamadahana kala hagi jiray, nidaam garsoor dalka
Talyaaniga ka jiray.
1955 oo ah xilligii AFIS waxaa dalka loo dejiyay nidaam garsoor
ka kooban 118 qodob - Ordinamento n. 5 del Febbraio 2, 1956- Bollettino
Ufficiale Supplemento n. 3 del 29 Marzo 1956.
1962kii waxaa la soo saaray Nidaam Garsoor cusub
oo ka dhashay labadi hab ee ka kala jiray Woqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya - Decreto
Legislativo del 12 Giugno 1962, n. 3: Ordinamento Giudiziario- Bollettino Ufficiale
n.6 al n.6 del 30/6/1962, waana nidaamka ilaa maanta lagu dhaqmo.
Nidaamka Garsoorka ee 1962 waa sharci dhinac kasta ka
dhammaystiran. Waxaa si cad loogu tilmaamay
·
Heerarka Maxkamadaha
dalka;
·
Awoodda dacwo qaadista
oo ay mid kasto leedahy (gradi e
competenze per materia e territorio);
·
Shuruudaha garsoore lagu
noqon karo iyo qaabka qoritaankooda iyo dallacsiintooda;
·
Anshax marintooda (misure disciplinari nei confronti del
giudice);
·
Madaxbannaanida
garsoorka iyo cidda ku shaqada leh kafaala qaadidda madaxbannaanidaas;
·
Qaadista dacwadaha lidka
ku ah qodobbada sharci ee aan Dastuurka waafaqsaneen iyo go'aannada maamul oo
dhan ka ah sharciga.
·
Sannadihii 70yada meelo
yaryar ayaa laga beddelay, ha yeeshee sharciga intiisii kale dhaqangal ayuu
ahaa, hawlaha garsoorkana isagaa kala haga.
·
Somaaliya waxay hadda
qaadatay Dastuur Federaal ah oo dalka ku soo rogay in nidaam federali ah lagu
dhaqo, qaabkaas oo ka duwan qaabkii dowladdu u dhisneeyd hadda ka hor. Hase
yeeshee, federaaleynta weli si buuxda uguma dhaqngelin gobollada dalka oo dhan,
ku tala galkuna wuxuu yahay in qaabkaas lagu baahiyo dalka oo dhan muddo 4 sano
gudahood.
·
Is beddelka qaab
dismeedka dowladdu waa hubaal inuu la yimid ama la iman doono baahi ah in wax
laga beddelo hay'adaha dowladda sidii ay dhisnaan jireen iyo sida ay u shaqeyn
jireen si ay ula socdaan qaabka federaalka ah. Laanta Garsoorkuna waa ka mid
hay’adaha isbeddelka iyo dib-u-habaynta ku dhici doono.
·
Ulajeedada ugu weyn ee
shirkaan waxay tahay inaan ka wada tashanno sidii wax looga qaban lahaa
dhibaatooyinka hor yaalla shaqadii garsoorka, iyo sharciyada garsooka ee hadda
jira sidii wax looga beddeli lahaa, loona waafajin lahaa qaabka federaalka ah,
iyo in garsoorku noqdo mid madax bannaan oo caddaalad ku shaqeeya, dadweynuhuna
raalli ka noqon karaan.
Is weeydiintu waxayy tahay:
1.
Ma jiraan sharciyo, ama
qodobo sharci oo loo baahan yahay in deg deg loo beddelo?
2.
Baahi degdeg ah miyaa
jirta in qaabka garsoorku u shaqeeyo wax laga beddelo iyadoon weli qaab dhismeedkii
federaalku weli dhameystirmin?
Is weeydiinta koowaad waxaa la dhihi karaa waa jiraan
qodobbo sharciyada iyo xeerarka qaarkood ku soo arooray oo u baahan in wax laga
beddelo. Waxa ugu yar oo aan tusaale ahaan usoo qaadan karno, qodobada la
xiriira ciqaabta ganaaxa (pene pecunarie)
ee ku xusan Xeerarka Ciqaabta (Codice
Penale), sharciga maritaanka Waddooyinka (Codice stradale) iyo sharciyo, xeerar, iyo amarro kale oo badan oo
ka soo baxay maamullada degaannada. Waxaa kaloo jira sharciyo u baahan in la
waafajiyo marxalladda cusub ee dalku galay, kuwo loo baahan yahay in la buriyo
iyo kuwo cusub oo Dastuurku farmaayo in la dejiyo.
Is weeydiinta labaadse waxaa laga dhihi karaa: ma jiraan
baahi deg deg ah oo lagama maarmaan ka dhigaysa in si dhaqsi ah wax looga
beddelo shuruucda dalka, gaar ahaan kuwooda saldhigga ah. Shuruucda iyaga ah
waxaa ka mid ah Sharciga habaynaya Nidaamka Garsoorka Soomaaliyeed. Waxaa
hay'adaha dawladda hor yaalla arrimo hordhac u ah wax ka beddelidda shuruucdaas
oo ay ugu horreeyaan dhismaha xubnaha dawlad goboleedyada oo aan weli dalkoo
idil ku baahin iyo isla meel-dhigidda qaabka kama dambaysta ah uu yeelan doono
Dastuurka Federaalka.
Dastuurka meel ku gaarka ah wuxuu dhigayaa in loo baahan
yahay in la dhiso Maxkamado iyo guddiyo cusub, oo la xiriira howlaha garsoorka
oo aan hore dalka uga jiri jirin. Tusaale ahaan waxaa ka mid eh: (a)
Constitutional Court (article 108) iyo Guddiyo Madaxbannaan heer Federaal ah oo
kala duwan, kuwaas oo ku xusan qodobka111-aad iyo faqradihiisa. Xafiisyadaani
ma dhisna oo Barlamaanku weli kama doodin go’anna kama gaarin. Badankooda waa aragtiyo cusub oo aan horey u ugu jirin
maraajicdii dalku soo yeeshay , loona baahan yahay in aragtiyadaas iyo
xafiisyadaas waxtarkooda iyo wax-ku-oolnimadood in ay ka bogtaan
aqoonyahannada, xildhibaannada iyo dadweynaha intaba.
In laga guuro wixii hore, loo guuro wax ka sii fiican waa
talo aad u wanaagsan. Hiyi raac iyo ku dayasho adduun kaloo horumaray kifaaya
ma aha. Waxaa loo baahan yahay in tallaabada aan qaadayno ay ku salaysnaato
heerkeenna maskaxeed, aqooneed, bulshadeed, waayo-aragnimo, dhaqan, dhaqaale,
iyo wixii soo raaca.
III.
Dib-u-habaynta
Sharciyada Dalka (legal Reform)
Oodda sida ay u kala sarraysa ayaa loo kala qaadaa. Sidaan
hore horey ugu soo tusaaleeyey dulmarkii koobnaa inaan si waafi ah u darisno
talooyinka soo socda:
1.
In hor iyo horraan lasoo
ururiyo dhammaan sharciyada dalku hor usoo yeeshay oo dib loo abaabulo kaydka
sharciyada Soomaaliyeed;
2.
In Golaha Shacabku
xeeriyo Qorshe Sharcidejin oo faraya uririnta dhamaan sharciyada dalka ee ka horreeyey
ansixinta Dastuurkan, si loogu kala saaro:
(a) Kuwa ay tahay in la buriyo;
(b) Kuwa ay tahay in wax-ka-beddel lagu
sameeyo;
(c) Kuwa ay tahay in sharciyo cusub lagu
beddelo
(d) Sharciyada cusub ee loo baahan yahay in
la curiyo;
3.
In sharciyada dejintoodu
horutebinta leh oo muddeysan ay isla meeldhigaan Golaha Sharcidejinta iyo
Xukuumadda Federaalka;
4.
In Haykalka Wasaaradda
Garsoorka lagu dhiso Agaasin Guud oo ay ku kulansan yihiin khubaro ku kala
takhasusay kasmooyinka kala duwan ee qaanuunka una xilsaaran in uu xukuumadda
iyo hay’adaha kale ee Dawladda diyaarinta qabyoqoraallada hindiseyaasha
shuruucda.
IV.
Dib-u-habaynta
Garsoorka (Judiciary Reform) iyo Kaabayaasha
Garsoorka
Arrinka dib habaynta Garsoorka waxaa codsi iga ah in
arrimaha loo kala hormaiyo sida ay u kala mudan yihiin, talooyin taabbagal
noqon karana aad ka dhiibataan qodobbada ajendaha shirka ee afarta ah:
1.
In si qottadheer loo
darso caqabadaha hortaagan garsoorka;
2.
Dib-u-dhiska iyo horumarinta
Hay'adaha Garsoorka;
3.
Talojeedin
Siyaasad-Qaraeed oo hagta hay'adaha Garsoorka;
4.
Qeexidda xiriirka ka
dhexeeya Hay'adaha Garsoorka iyo Dastuurka;
5.
Kala xadaynta xilka iyo
hawlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Hay’adaha Garsoorka;
6.
In dib-u-habaynta Maxkamadaha
la barbar wado dib-u-habaynta Xeer Ilaalinta;
7.
In dadaal dheeraad ah la
geliyo qor-u-qaadista tayada xilgudahsada Hay’adaha Amniga iyo Ciidanka
Booliska guud ahaan, siiba waaxda dembi-baarayaasha booliska;
8.
Dedejinta dhismaha
Guddiyada Madaxabannaan ee Xuquul Insaanka, Dib-u-Heshiinta iyo Isu-celinta Hantida ee uu farayo
dasturuka ku meel-gaarka;
9.
In horeytebin la siiyo
dib-u-eegista qaybta dastuurka Federaalka la xariira garssorka iyo sharciga
garssorka; iyo
10.
In la dejiyo manhaj
qaran oo kobciya kasmada muwaaddinnimada (civic
consciesness) lagana hirgeliyo dugsiyada (gaar ahaan heerka dugsiyada hoose
– sare), warbaahinta, kulammada bulshada,
iyo xarumaha waxbarshada dadka waaweyn.
Shirkan dalka qiimo weyn ayuu u leeyahay. Waa dood cilmiyeed
looga gol leeyahay in lagu soo bandhigo afkaar wax ku ool u noqon karta in
Soomaaliya ay yeelatoa hannaan maamul garsoor oo la saan qaadi kara ama la heer
ah kuwa ugu horreeya ee adduunweynaha ka jira.
Waan hubaa in talobixin meelmar noqon karta ayan ahayn arrin
fudud. Waxaan kaloo hubaa inaad ila qabtaan in fikrad marka la guddoonsado,
taabbagelinteeda iyo u dejinta habraac fulineed ay u baahanayaan dadaal, waqti
dheer iyo daraasado hor leh.
Saa daraadeed waxaan codsanayaa, si dadka ka hawlgeli doona
fulinta talooyinka aad soo jeedin doontaan ay ugu fududaato, inaad u
tilmaantaan meelaha ay raadraac ama maraajica ka kaalmayn kara hawlahooda.
1 comment:
Attractive section of content. I just stumbled
upon your website and in accession capital
to assert that I acquire in fact enjoyed account your blog posts.
Any way I will be subscribing to your augment and even I achievement
you access consistently fast.
my web page; sandrariedel.de
Post a Comment