War
Culus: Baarlamaanka oo Su’aalo ugu yeeray Raysul Wasaaraha iyo Wasiirka
Arrimaha Gudaha
Muqdisho(Allsomalia.com)
Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ugu yeeray raysul wasaare
Cabdi Faarax Shirdoon iyo wasiirka arrimaha gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed
in wax laga su’aalo arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dilal ka dhacay
Muqdisho.
Isagoo shir-guddoominayay fadhiga baarlamaanka
ee maanta, ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa
sheegay in raysul wasaaraha wax laga weydiin doono waxqabadka xukuumadda iyo
sameynta maamullada deegaannada laga xorreeyay maleeshiyada al-Shabaab.
Baarlamaanka ayaa sidoo kale raba inuu su’aalo
ka weydiiyo wasiirka arrimaha gudaha dilal dhowaan Muqdisho loogu geystay dad
maxaabiis ahaa oo xabsiyada lagala baxay.
Wasiirka ayaa sidoo
kale lagu wadaa inuu uga warbixiyo baarlamaanka ammaan darrada ka jirta qeybo
ka mid ah dalka. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa lagu wadaa inuu hor tago
baarlamaaanka 14 April.
Yurub oo
lagu eedeeyay in ay Qarash Badan ku Bixineyso Howla lagu Hagar Daameynayo
Soomaaliya oo ka Socda Kismaayo
Gudoomiyaha
odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, Nabadoon Maxamed Xassan Xaad,
ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in calooshood u shaqeestayaal jinsiyad Soomaali leh
hasa yeeshee aan qalbiga Soomaali ka aheyn ay qandaraas lagu duminayo
Soomaalida qarashna lagu aruursanayo ay kasoo qaateen dalal kamid ah Yurub oo
doonaya nabad darrada Soomaaliya.
Nabadoon Maxamed Xaad ayaa waxa shaaciyay in
ay daliil cad ay hayaan oo ku aadan in shirka Kismaayo dhaqaale lagu raadinayo
sidoo kalana dowlada in cagaheeda isku taagto lagu diidayo maadaama Kismaayo
duleedkda ay Shabaab joogaan waxa ladoonayo in maamulka loo sameynayana ay
yihiin gobala aan amaan aheyn.
Waxa uu isweydiiyay hadii wax lagajinayo
sababaha kooxaha maamullka maqaar saarka ahin ay sameayaan doonaya ay uga qeyb
qaadan la’yihiin xureyta gobaladaasi.
Xaad ayaa waxa uu sidoo kale daaha ka rogay in
kuwa doonaya in ay maamulka sameeyaanba aysan u dhalan deegaanka oo ay ka yimideen
NFD iyo meel kasii fog.
Nabadoonka oo ka
carooday Maamulka qabiileysiga ah ee Min Bari ilaa galbeed ay kooxa isku heyb
ah ay u wada gulfinayaan qaabkii ay maamaul gacan ku rimid ah oo dowalada
Soomaaliya aysan ku qanacsaneyn uga abaabulaan Kismaayo, ayaa waxa uusan si cad
u sheegin dowladaha Yurub ka tirsan oo bixinaya qarashka lagu maal gelinayo
dadaaladaasi dowalda Soomaaliya lagu maja xaabinayo.
Ethiopia
iyo Kenya oo shirqool la damacsan badda Somalia
Posted by Alaxmed on 04/07/2013 in Wararka, Xulka
Caasimada | 0 Comment
Itoobiya, Kenya, Shiikh Xasan iyo Cumar
C/rashiid ma u hir geli doontaa in ay xudduuda badda Soomaaliya kusoo koobaan
12 mayl, oo baabi’iyaana xeerkii Badda Soomaaliya ee Law No. 37 oo dhigaya in
xuduud baddeedka Soomaaliya yahay 200 mayl badeed oo ah TERRITORIAL WATERS.
Waxaa dhawaan
magaalada Addis Ababa ee caasumadda Gumeysiga Itoobiya lagu qabtay kulan lagu
gorfaynayey in Badda Soomaaliya xuduudkeeda lagu soo koobo 12 mayl.
Halkan ka dhegeyso
waraysi arrintaas caddaynaya - (BBC March 31, 2013)
Kulankaas Addis Abab
oo la sheegay in ay soo qaban qaabilsay hay’adda Qarammada Midoobey u qaabilsan
Soomaaliya (ee loo soo gaabiyo UNPOS) iyo Midowga Yurub, waxaa ka qaybgalay
Dawladda Federalka Somaaliya, maamullada Puntland, Somaliland, iyo Galmudug.
(Xafiiska UN u qaabilsan Soomaaliya, Xilligii Axmed Walad Cabdallawaa laga
dheregsan yahay in uu qayb ka ahaa muran gelintii badda Soomaaliya. Dhanka kale
barwaaqa sooranka Yurub Commonwealth waa kuwii Kenya ka caawinayey sidii
xuduuda badda loogu kordhin lahaa).
Waxaa arrin laga
xishoodo ahayd in rag sheeganaya masuuiyiin Soomaaliyeed ee 12-14 Maarso 2013
lagu shiriyey Addis Ababa in laga hir gashado in ay yiraahdaan sidan:
“Waxaan u
maleynaynaa in uu mugdi ka jiro sharciga Namberkiisa yahay 37, ee khuseeya
arimaha Badda Soomaaliyeed ee soo baxay 1972 lana xiriira heshiiskii sharciga
badaha caalamiga ah ee soo baxay 1982. Waxaana garwaaqsanahay in arintin si
weyn caqabad ugu tahay habkii kaalmo balaaran iyo kor u qaadista xirfadaha Dadka
Soomaaliya ee ka shaqeeya arimaha Badaha. Waxaan rajaynaynaa in caqabadahan
laga gudbo waxaana waydiisaynaa Bulshada Caalamka sidii loogu gudbi lahaa
arintan.” Sidaas waxay ku qoran tahay warsaxaafadeedkii 14-kii Maarso 2013 ka
soo baxay UNPOS. (Eeg UNPOS ama halkan).
Markale dhegeyso
waraysiga Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi oo ka mid ah saraakiisha wasaaradda
kalluumaysiga Puntland kana qaybgalay shirkaas wuxuuna 31-dii Maarso 2013 u
waramay wariyaha BBC Axmed Maxamed Cali (DHEGEYSI – BBC).
Waxaa haboonaan lahayd
in Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi oo ka mid ah saraakiisha wasaaradda kalluumaysiga
Puntland oo hadalkaas 12 mayl ah yiri in la xusuusiyo: in 200 mayl oo
Territorial waters ah marka dalku leeyahay in ay soo hoos geleyso labada boqol
ee EEZ (waayo 200 territorial ah waxay kuu tahay sida dhulkaaga oo EEZ-na waa
kuugu dhex jirtaa, cidi kulama leh). Marka adigoo labadiiba haysta maxaa kugu
jirabay in aad aqbashid 12 mayl, mase ogtahay adduunka aad ka hadleysid in
uusan wada aqbalin xeerka badaha ee aad cuskatay, qaarna leeyihiin xeer u gaar ah oo dastuurkooda ku
qoran oo u dhigma kii Soomaaliya ee 1972 sida Peru.
Shacabka
Soomaaliyeed waxay aad isu weydiiyeen, layaabna ah, sababta keentay in kulan
sidaas u miisaan weyn oo lagu go’aaminayey mustaqbalka xuduuda badda Soomaaliya
sababta loogu qabtay Addis Ababa oo xitaa aan bad lahayn, ahna dal cadow soo
jireen ah u ah Soomaaliya, welina gumeysi ku haysta dhul baaxad weyn oo ay
leedahay Soomaali.
FG: Dalka Itoobiya
waxa uu ka mid yahay dalalka aan ilaa hadda dhaqan gelin xeerka badaha
adduunka, sidee marka Soomaaliya oo bad leh, xeer badeedna leh, wax ugu
yeerinayaan (hoos ka eeg dalalka aan ilaa hadda dhaqan gelin xeerka badaha**)
Waxaa kale oo jira
warar tibaaxaya qorshaha in badda Soomaaliya xuduudeeda la soo koobo, oo Kenya
wadato, in beryahan dambe uu markale qayb ka yahay Cumar Cabdirashiid
Sharmaarke, Ra’iisul Wasaarahii hore ee Dawladdii Kumeelgaarka ahayd, oo ayad
xukumaddii bilwoday in taariikhda Soomaaliya markii ugu horeysey ay muran
geliso badda Soomaaliya, kaddib markii ay heshiis loogu yeeray is-faham la
gashay Kenya – heshiiskaas oo ay ganafka ku dhufteen baarlamaankii Soomaaliyeed
ee hore, oo ah kuwo taariikhdu xusi doonto.
Dhanka kale Dawladda
Federaalka ayaa beryahan wadey siminaaro ay madaxda kala duwan ee dawladda kaga
dhaadhicinayso in dhul-badeedka Soomaaliya yahay 12 mayl iyo in 200 miles ay
tahay EEZ, si markaas loo garab mariyo 200 miles oo Territorial Waters ah.
Barnaamijyadaas
xukuumadda waxaa ka mid ah barnaamij kharidado watay oo uu Corneyl Xasan
Riiraash oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Soomaaliya dhawaan ka jeediyey Muqdisho
goob ay ku dhammmaayeen wasiiro ay ka mid ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibadda,
Wasiirka Gaadiidka badda iyo dekedaha, Wasiirka garsoorka, wasiiro ku xigeenno,
xildhibaanadda Baarlmaanka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka badda Soomaaliya.
Col. Riiraash waxa
hadalkiisii ka mid ahaa, mar uu sharaxayey xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo
Kenya “Waan ogahay in sanadahan dambe muran ka taagan yahay xadka badda ee u
dhaxeeya Dawladda Soomaaliya iyo Kenya waan ogahay, hase yeeshee wixii xaqiiqo
ah haddaan si kooban halkan uga sheego, Xadka baddu wuxuu dhulka ka soo galaa
tuulo yar oo loo yaqaan Daarasalaam, tuuladaas ayuu xadka baddu toos uga baxaa,
isagoo xagal qumman oo 90 degree ah dhulka la samaynaya. Waxana uu hoosta ka
maraa jasiiradaha dhagaxa ah ee loo yaqaanno Lamashaaqa.”
Hadalkaas qayb ka
mid ah ayaa markii hore intii maqshay u riyaaqday, maadaama uu xusay in xadku
ku suntan yahay xagal 90 derejo ah oo ka bilaabanaysa xeebta, hoosna ka maraysa
jasiiradaha Lamashaaqa.
Laakiin, Riiraash
wuxuu dadkii madasha fadhiyey u hoos geliyey isagoo dhahaya sidan: “(12 mayl)
oo loo yaqaan biyaha dalka waxaa lagu dabakhaa sharciga dalka Soomaaliyeed oo
si buuxda loogu dabakhaa. Qaybta kale waa 200 mayl EEZ oo ah qaybta aan ku
leenahay dhaqaalaha, ayuu hadalka ku xoojiyey Col Riiraash.
Ugu horayn shacabka
Soomaaliyeed xilligan waaa ku baraarugsan yihiin in xeerka qaybta 12-ka mayl ee
uu Riiraash ka hadlayo uusan ahan xeer Soomaaliyeed, dalalka qaarkoodna aysana
ilaa hadda aqbalin xeerka badaha amaba dhaqan gelin.
Soomaaliya waxay ka
mid tahay dalka xuduudda badoodu tahay 200 mayl badeed oo Terrirorial waters
ah, arrintaas Soomaaliay keli kuma ah.
Tan kale muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliyana taariikhda kuma jirin
wixii ka horeeyey dawladdii Shariifka. Arrinta muranka ah waa dhulka NFD ee ka
mqan Soomaalida. Haddaba Riiraash sidaas in uu madaxda jamaahirada ah ka
dhaadhicin lahaa ayaa wanaagsanaan lahayd.
Sawirkan waa Col.
Riiraash oo sharaxa xadka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaan ka qaadnay
Video uu duubay Muuse Jiisow
(Video tayadiisa
ayaan wanaagsanayn, hadduu hagaagona waa soo daaabci doonaa, insha Allah.)
Tan uu ku ammaanan
yahay Riiraash waa xusidda uu sheegay xagasha 90-ka degree ee lagu socodsiinayo
xarriiqda xadaynta badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, arrintaas oo
dhabar jab ku ah heshiiskii la dhoodhoobay ee Kenya aysan weli ka samrin.
Wixii ka dambeeyey
2009 waxaa loo ogol yahay in ay ku darsato 150 nautical mile oo dheeraad ah
(350 nm)
Arrimaahas xiriirka
ah waxaa ka sii yaab badnaa, hordhacna u ahaa, kaddib markii qodob ay golahii
wasiiradii KMG ahaa ka saareen waxa loogu yeero Roadmapka uu cuskaday
madaxweynaha hadda ee DFS, Shiikh Xasan.
11-kii October 2011
ayaa wareegto ay soo saareen Golahii Wasiirada ee Xukuumaddii Kumeel gaarka
ahayd ay ku go’aamiyeen in arrimaha badda ee EEZ laga saaro dhammaan
dokumentiyada Roadmapka. Taas oo jirtey ayaa Cusmaan Macallim Mukhtaar oo ah
khabiir Soomaaliyeed ee Oil-ka waxa uu bsihii Febraayo 2013 magaalada London
su’aal ku saabsan badda oo uu weydiiyey Madaxweynaha DFS waxa uu kaga jawaabey
sidan:
“Arrinta Oil-ka,
annaga iyo Kenya waa run in beri dhaweyd ay dood badani ka dhacday. Haddaad
xasuusataan barnaamijkii Roadmap-ka ee lasameeyey waxaa ku jirtey in EEZ
(Exclusive Economic Zone-ka Soomaaliya) la xadeeyo. ” Sidaas waxaa yiri Shiikh
Xasan, isagoo aan xusin in qodobkaas uu cuskanayo gebi ahaanba laga saaray
Roadmapkii.
Waxana madaxweynaha
DFS uu hadalkiisa raaciyey sidan “Dawladii Soomaaliya waxay burburtay ayadoo
processkii ugu jirta sidii ay u register-garayn lahayd ee ay u sharciyayn
lahayd EEZ (Exclusive Economic Zone-ka Soomaaliya), oo processkii bilowday oo
dhex marayo ayaa burburkii yimidey, intii ka damabseyna lagama shaqaynin,
annagu hadda markii aan nimid shaqadaas waa bilownay, nin khabiir ah oo
Soomaali ah ayaan dibadda ka keenay oo shaqadaas yaqaanno, softwares iyo charts
(shaxanno), iyo adduunyo wuxuu ubaahnaa ayaan samaynay, markaas dawladda
Soomaaliya mardhow waa register-garaynaysaa EEZ-ka. Kenya iyo anaga hadii uu
khilaaf naga dhexeeyeno caalamka sida uu ku kala baxo ayaan ku kala bixi
doonaa. Qawaaniin ayaa caalamku waxaas ka leeyahay. Qawaaniintaas ayaan
isticmaali doonaa.” Waxana madaxweyanaha DFS ka boodey oo uusan xusin in
Soomaaliya lahayd xeer badeed Law No. 37. (Farqi aad u weyn ayaa u dhaxeeya EEZ
iyo Territorial Waters).
Arrimahaas oo dhan
marka la dhuuxo waxaa ka soo ifbaxaya nidaam qorshaysan oo ay Dawladda
Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxdii Dawladdi hore ee Kumeel garka
ahayd oo garabsanaya Kenya iyo Itoobiya in ay qorshaynayaan sidii loo dhaxal
wareejin lahaa baaxad aad u ballaaran oo badda Soomaaliyeed, laguna soo koobo
12 mayl, shacabkana laga dhaadhicinayo “Adduunka ayaa 12 mayl leh”, ayadoo aan
marna la xusayn in dalal badan oo adduunka qaarkood aysan xeerka badda gebi
ahaantiisba saxiixin ama dhaqan gelin, qaarna ay leeyihiin xeer u dhigma kan
Soomaaliya lahayd in ka badan 40 sano ka hor intii aysan muranka gelin
xukuumadii hore.
Ra’iisul Wasaaraha
DFS Shirdoon iyo Golahiisa wasiirada
Ra’iisul wasaaraha
Dawladda Federaalka Soomaaliya, Shirdoon, oo hoggaamiya golaha fulinta ee
xukuumadda, ilaa hadda lagama hayo wax hadal ah oo ku saabsan arrintaan ay
dawladiisu waddo, waxaana haboon saxaafaddu in ay weydiiso haddii taas fursad
loo siiyo, ama xafiiskiisu shacabka u caddeeyo mowqifka ra’iisul wasaaraha iyo
golaha wasiiradiisa ee ku aadan badda Soomaaliya iyo xeerkii Law no. 37.
Shacabka
Soomaaliyeed waxay u riyaaqi lahaayeen haddii Shirdoon oo maanta (April 5,
2013) diyaarad Itooobiyaan ah ku tegey Addis Ababa in uu xusuusin lahaa Addis
Ababa in ay arrimaha badda Soomaaliya cabir u samayn teeda faraha kala baxaan,
maadaama aysan ayaguba (Itoobiya) ilaa hadda ansixin xeerka badaha adduunka.
Taas oo dal aan asaguba aqbal sanayn xeerka badaha adduunka (Itoobiya) uusan
war u yeerin karin dal leh xeer badeed (Soomaaliya).
Sida lagu faafiyey
warsaxaafadeed April 5, 2013 ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha “Ujeedada
safarka ayaa ah sidii Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisu ay uga qeybgali
lahaayeen dhismaha hay’adda loogu magac daray Ra’iisal Wasaarihii hore ee
Itoobiya Meles Zenawi oo lagu magacaabo (Melese Foundation), waxaana
munaasabadan lagu soo bandhigi doonaa waxqabadkii Meles Zenawi.” Waa sida
hadalka uu u dhigay warsaxaafadeedku.
Baarlamaanka Cusub iyo Guddoomiyahiisa Jawaari
Baarlamaankii hore
ee kumeel gaar ahaa ayuu ahaa kii ka hor tegey qorshahii xumumaddii hore ee KMG
iyo Kenya ay ku doonayeen dhaxan wareejinta badda Soomaaliyeed. Waxaase
shacabka Soomaaliyeed hadda walaac weyn ka qabaan in baarlamaanka Soomaaliya ee
hadda uu noqdo mid aan arrintaas ka dhiidhiyin, oo ayagoo soo taagan badda la
dhaxal wareejiyo, laguna soo koobo 12 mayl.
Guddoomiyaha
Baarlamaanka Soomaaliya, Jawaari, oo booqasho ugu ambabaxay Norway, waxaa
wanaagsanaan lahayd in uu Norway
xusuusiyo in ay arrimaha badda Soomaaliya faraha kala baxaan, sidaasna
shacabka u caddeeyo. Taasi markaas waxay meesha ka saari lahayd tuhunka
shacabku qabo oo ah in Norway ay Jawaari u marayso sidii Kenya loogu hir gelin
lahaa heshiiskii is-fahamka ee ay fashiliyeen baarlamaankii hore.
Sida ku cad
warsaxaafadeed (April 6, 2013) ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha
Baarlamaanka, ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan
Jawaari uu gaarey Oslo Norway, “waxaana socdaalkiisa ku wehliya Gudoomiye Ku
Xigeenka Koobaad ee golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,
gudoomiyeyaasha 15ka gudi ee Baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska
Gudoomiyaha.”
Waxaana
warsaxaafadeedku intaas raaciyey “Socdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo
wafdigiisa ay ku joogaan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa yimid kadib markii
uu Gudoomiyaha casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Norway.”
Tan kale, Hadalka
arrintana waxa uu ku dhammaanayaa haddii baarlamaanka Soomaaliya uu xeer
dastuuri ah ka soo saaro oo dastuurka ku qoraan in 1972 ilaa 2009 uu dhul
badeedka Soomaaliya ahaa 200 mayl badeed oo Territorial waters ah, wixii ka
dambeeyey 2009 ay kordhisteen cabbir u dhigma inta dalalka badaha leh loo ogol
yahay oo ah ilaa 350 mayl badeed, xusaana sidii uu qornaa xeerkii badda
Soomaaliyeed ee 1972 Law No. 37.
Akhri: Jawaari oo
usafray Norway iyo Dowladda Noway oo Dooneysa in ay Dib u soo Nooleysa
Heshiiskii Fashilmey ee Dhinaca Badda
Col Riiraash waxaad
ku mahadsan tahay hadalkan “Xadka baddu wuxuu dhulka ka soo galaa tuulo yar oo
loo yaqaan Daarasalaam, tuuladaas ayuu xadka baddu toos uga baxaa, isagoo xagal
qumman oo 90 degree ah dhulka la samaynaya. Waxana uu hoosta ka maraa jasiiradaha
dhagaxa ah ee loo yaqaanno Lamashaaqa.” Laakiin fadlan ka laabo hadalka ah
badda Soomaaliya xeerkeeda in lagu dabakhayo 12 mayl oo keliya, waxaad tiraadaa
waxaa Soomaaliya leedahay xeer dhigaya 200 mayl badeed oo TERRITORIAL WATERS
ah, adduunkana sidaas ayaan u sheegeynaa. Taariikhdana ka gal baal wanaagsan.
Gabagabadii waxaa
muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed in ay ku baraarug-sanaadaan qorshaha socda
ee badda Soomaaliya, una foojignaadaan “Wareegga 3aad ee Difaaca Badda
Soomaaliya”.
Muqdish
oo laga furay Raadiye haweenka u gaar
ah, raggana ka reeban!
Caasimada.com
Aman Radiyo ayaa
noqonaya raadiyihii ugu horreeyay ee wada haween ah ee abid gala hawada
Muqdisho, iyadoo ujeedadu tahay in kor loo qaado taariikhda haweenka
Soomaaliyeed, laguna tababaro warbaahinta.
Raadiyaha, oo
dhowaan hawada ka gali doona xafiisyadiisa ku yaala degmada Hawlwadaag ee
Muqdisho, ayaa waxaa hir galiyay Xarunta Warbaahinta Haweenka iyo Tababarrada
Saxaafadda ee Nasiib, waxaana taageero dhaqaale siiya haween Soomaaliyeed oo
dalka dibaddiisa ku nool.
Xarunta ayaa
haweenka dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed ee xiisaynaya saxaafadda siinaysaa
tababarro saxaafadeed, iyadoo Aman Raadiyo uu dhamaystirayo tababarradaas
isagoo dadka soo qalin jabiya siinaya fursad ay ku hir galiyaan xirfadahooda
cusub iyagoo raadiyaha adeegsanaya.
Agaasime Kuxigeenka
Aman Raadiyo Farxiya Faarax Farxiya ayaa bixisay wareysi si wax dheeraad ah
looga ogaado qorshayaasha raadiyaha cusub.
Su’aal: Maxaa loo
aasaasay xarun raadiye oo ay ka shaqeynayaan haween kaliya?
Farxiya Faarax
Rooble: Waxaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo haweenka, gaar ahaan dhanka
warbaahinta. Sida aad ogtahay,Muqdisho waxaa ku yaala xarumo raadiye oo tiro
badan, balse majiro mid ay haweenay maamusho.
Su’aal: Maxaa loo
doortay in xarun raadiye ay xoojiso haweenka, ee aan loo dooran dugsi ama wax
kale?
Farxiya: Sababta aan
u dooranay in aan raadiye ku bilowno waa inaysan aqrinta ku badnayn Soomaaliya
[hadda], waxaanuna doonnay [in aan doorano qaab] naga caawinaya in aan ku
gaarno ama ku fidino farriinteena ah xoojinta haweenka Soomaaliyeed. Taasi waa
sababta aan u doonnay in aan abuurno xarun warbaahineed oo ay leeyihiin, ayna
maamulaan haween.
Su’aal: Wax caqabado
ah mala kulanteen?
Farxiya: Mar walba
oo aad wax cusub bilaabayso caqabado waa in aad xisaabta ku darsataa, balse
wali wax dhibaato ah lama aanaan kulmin. Dabcan, waxaa jira dad oranaya xarun
raadiye oo ay haween leeyihiin wax qiimo ah kuma soo kordhinayo [shacabka],
balse hadallada noocaas ah waxba kuma fadhiyaan.
Su’aal: Goormay
fikradda Raadiyo Aman bilaabatay?
Farxiya: Fikradda
waxa ay soo bilaabatay ugu yaraan lix sano ka hor, markii Xarunta Haweenka ee
Warbaahinta iyo Tababarrada Saxaafadda ay bilowday in ay soo saarto wargays ka
hadla arrimaha haweenka. Xarunta ayaa sidoo kale haweenka da’da yar siinaysay
tababarro saxaafadda ah oo ay ku jiraan koorsooyin farsamo ah oo la xiriira
tifaftiridda fiidiyowyada iyo sawirrada. Lixdii bilood walba waxaannu soo
saaraynay 60 arday oo qalin jabinaysay. Hadda waxaa macquul noo ah in aan
raadiyaha ku bilowno qalin jabiyayaashaa.
Su’aal: Maxaad
rajaynaysaan in aad qabataan?
Farxiya: Waxaan
doonaynaa in haweenka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo madax bannaan ayna awood u
yeeshaan in ay qabtaan shaqooyin la mid ah kuwa ragga ay qabtaan, ha ahaato
qeybta soo saaridda farsamada, tabinta ama tifaftirka.
Su’aal: Sidee
barnaamijyada raadiyahiinna gacan uga gaysan karaan gaaridda hadafkaas?
Farxiya: Waxaannu
doonaynaa in aannu soo saarno barnaamijyo xoogga saaraya waxbarashada dumarka
dhallinyarada ah iyo [dabaaldagga] ka qeyb qaadashada wanaagsan ee haweenka
Soomaaliyeed ay u sameeyeen shacabka intii lagu jiray dagaalkii sokeeye.
Waxaannu marti qaadi doonnaa culimada Soomaaliyeed si ay gacan nooga siiyaan in
aannu hoosta ka xariiqno doorka wanaagsan ee ay haweenka cayaareen, kana wada
doodno caqabadaha iyaga hadda hor yaala.
Su’aal: Wax nooga
sheeg shaqaalihiinna.
Farxiya: Hadda
waxaannu haysanaa 25 shaqaale. Waxa ay isugu jiraan farsamo yaqaano raadiye,
wariyeyaal, iyo sawir qaadayaal, dhamaantoodana waxa ay dhamaysteen
barnaamijyadeena tababarrada.
Su’aal: Waxaan u
muuqataan kuwa haysta koox aad u da’ yar. Mushahar mala siin doonaa?
Farxiya: Haweenka ka
shaqeeya Raadiyo Aman waxa ay da’doodu u dhaxaysaa 17 ilaa 20 jir. Qaarkood
waxa ay helaan mushahar, halka qaar kalena ay wali dhamaysanayaan
tababarradooda.
Su’aal: Xarunta
masii wadi doontaa barnaamijyada tababarka?
Farxiya: Xarunta
Nasiib waxa ay sii wadi doontaa shaqadeeda tababarka iyo bixinta fursadaha la
siinayo haweenka. Xarunta waxaa loo aasaasay in ay qeyb ka noqoto yoolkaas,
sidaa daraadeed tababarka waa lasii wadayaa.
Qarax
culus oo ka dhacay Afgooye & warar kala duwan oo ka soo baxaya
Degmada Afgooye ee
xarunta gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ka dhacay maanta qarax loo adeegsaday bamka
nooca gacanta laga tuuro, kaas oo la sheegay inuu geystay khasaare dhaawac,
iyadoo lagu weeraray qaraxaasi ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku
sugnaa suuqa xoola lagu iibiyo ee degmadaasi.
Goobjooge ku sugan
degmada Afgooye oo la hadlay website-ka caasimadda ayaa sheegay in labo ruux
loo qabtay qaraxaasi bambaano, kuwaas oo looga shakiyey inay ka dambeeyeen
qaraxa, wuxuuna intaasi ku daray in qaraxa uu dhaawacyo ka soo gaaray labo ruux
oo rayid ah iyo hal askari, inkastoo dowladda Soomaaliya ay arrinkaasi diiday.
Dhinaca kale
Guddoomiyaha degmada Afgooye oo isna qaraxa ka hadlay uu sheegay inuusan wax
khasaare ah geysat qaraxa bambaano ee ciidanka lagu weeraray, wuxuuna sheegay
in labo wiil oo dhalinyaro ah u qabteen weerarkaasi, kuwaas oo uu sheegay inay
ku tuhmayaan inay ku lugleeyihiin, wuxuuse xusay in baaritaan lagu hayo hadda
labadaasi ruux.
Dowladda UK oo kashiftay weeraro ku soo
wajahan Muqdisho
War qoraal ah oo ka
soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin ay u
jeedineyso dadka u dhashay dalkeeda, iyadoo uga digtay inay tagaan guud ahaan
dalka Soomaaliya oo ku jirto Somaliland, waxayna intaasi ku dartay inay heyso fariimo
sheegaya inay jiraan qorshayaal la doonayo in weeraro looga geysto gudaha dalka
soomaaliya ,gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale
digniintan ayaa waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay qorsheynayaan inay weeraro
aargudasho ah ka geystaan magaalada Muqdisho, isla markaasna ay la beegsadaan
dadka ajaanibta ah oo ay dadka Ingiriiska ka mid yihiin, wuxuuna Ingiriisku
intaasi ku daray in gebogebo uu marayo weerarka ay Al-shabaab qorsheynayaan
inay ka fuliyaan Muqdisho.
Dhinaca kale
wasaaradda arrimaha dibadda dalka Ingiriiska ayaa ka hadashay markale shir
wadamada G8-ka ku qabsanayaan magaalada London 10-11 bishan April, waxaana
warbixin ay soo saartay wasaaraddu lagu sheegay in shirkaasi ay dowladda
Ingiriisku kaga faa’iidaysan doonto in Soomaaliya laga gargaaro dhinaca
dhaqaalaha iyo dib u dhiska, qorshuhuna wuxuu noqon doonaa mid hay’adaha IMF
iyo World Bank loogu dhiirigeliyo inay Soomaaliya caawiyaan ayaa lagu yiri
warkaasi qoraalka ah.
Warka ka soo baxay
wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ingiriisku waxa kale oo lagu sheegay in
Soomaaliya ay gashay xilli cusub qorshuhuna yahay in maamulka dhexe la adkeeyo,
lagana adkaado sid uu yiri xagjirka iyo burcadbadeeda, dhaqaalahana la
fadhiisiyo.
Dowladda Ingiriiska
oo heysta madaxtinimada dalalka G8-ka ayaa sheegtay in Madaxweynayaasha
dalalkaasi ugu qanisan adduunka ay ka dhaadhicin doonto marxaladda cusub ee ay
gashay xaalada Soomaaliya taasi oo 1991-kii ay burburtay dowladii dhexe dalkii
Soomaaliyana u kala daatay maamulo mid walba iscaleemo saaray.
IGAD oo
shir gaar ah ka yeelaneysa arrimaha Soomaaliya
Wasiiro arrimo
dibadeedka dowladaha ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa shir gaar ah ka
yeelanaya arrimaha Soomaaliya, kaas oo ka dhici doono magaalada Addis Ababa ee
xarunta dalka Itoobiya berri oo ay taariikhu ku beegantahay 7/4/2013-ka ,
waxaana shirkaasi ka hadlay dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay ilgaar ah ku
heyso shirkaasi, isla markaasna qodobo muhiim ah ay hordhigi-doono wasiirada
IGAD ee shirka ka qeybgalaya.
Ra’isul wasaare ku
xigeen ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan
oo shalay u dhooftay dalka Itoobiya si ay uga qeybgasho shirka wasiiro arrimo
dibadeedka IGAD ayaa faahfaahin ka bixisay waxyaabaha looga hadlayo shirkaasi,
waxayna sheegtay wasiiraddu in shirka gebi ahaantiisaba looga arrimaha
Soomaaliya iyo sidii dowladda Soomaaliya loogu madaxbaneyn lahaa dhisidda
maamul goboleedyada dalka ka jira, loona dhowri lahaa xuduudaheeda.
Wasiiraddu waxay
kaloo sheegtay in kulanka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo xasilinteeda
isla markaana ay ka soo qeybgeli doonaan madax kala duwan oo ka socota IGAD uu
ka dhici doono Addis Ababa 7-da bishan, waxayna xustay in kulankaasi uu muhiim
u yahay Soomaaliya, iyadoo carabka ku dhuftay inuu dabasocdo kulamo horay looga
soo yeeshay xaaladda Soomaaliya.
“Waxaan dowladda
Soomaaliya iyo shacabkeedaba uga qeybgalayaa shir aan caadi aheyn oo ay soo
qaban qaabisay IGAD kaas oo looga hadlayo xasilinta Soomaaliya iyo la
dagaalanka Al-shabaab” sidaasi waxaa sheegtay Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan xilli
ay saxaafadda kula hadleysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntii
Fowsiyo waxay sheegtay in qorshihii xasilinta iyo maamul u sameynta gobolada
laga saarao xarakada Alshabaab ee ay horey u gaareen madaxweynayaasha igad mar
hore ayuu dhamaaday, waxaana dooneynaa
inuu socdo qorsha lixda qododob ee jadwalka ay dowladdu ku howlgaleyso, waxayna
intaasi ku dartay inay jiraan qaar ka mid ah dalalka IGAD oo ay ku kala aragti
duwan yihiin ,laakiin sida ay tiri ay ku rajo weyn yihiin in tooda la qaato.
Taliska
ciidamada Booliiska oo sheegay iney ka feejiganyihiin falalka argagixisada
Soomaaliya
Taliska Ciidanka
Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin isku day kasto oo
ay kooxaha argagixisadu ku doonayaan in
ay ku dhibaateeyaan shacabka ku nool guud ahaan dalka xilli dowlado reer
galbeed ah ay ka digeen qatarta argagaxisada ee Soomaaliya.
Taliyaha Hogaanka ka
hortaga dembiyada ahna Afhayeenka ciidamada Booliiska Gen. C/llaahi Xasan
Bariise ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Ciidamada booliiska ay heegan adag iyo
feejignaan ugu jiraan khatar kasta oo argagixisadu ku waxyeeleyneynayaan
amaanka.
‘’Markii laga
guuleystay oo Xamar iyo gobolo badan laga suuliyay ayaa waxey bilaabeen
argagixisadu Qaraxyo ismiidaamin ah taasna waan ka gaashaamanay’’ ayuu yiri Gen
Bariise.
Gen, Bariise ayaa
intaa raaciyay in ciidamada Booliisku ay wax badan ka qabteen amaanka magaalada
Muqdisho isagoo xusay in ciidamadu ay xiliga habeenkii ah roondooyin ka
sameeyaan xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir iyagoo helaya xogo kasta oo liddi ku ah amaanka.
Dhinaca kale General
Bariise ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay wadashaqeyn iyo isfaham la
leeyihiin shacabka ku nool magaalada Muqdisho oo fahmay qiimaha nabadgelyadu u
leedahay noolaha.
Hadalka Afhayeenka
Booliiska Gen. Bariise ayaa kusoo beegmaya xilli wadamo ka mid ah reer
galbeedku ay ka digeen Qatar argagixiso oo laga filan karo Soomaaliya.
Wafdi Uu
Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Gaaray Caasimadda Dalka
Wafdi uu hogaaminayo
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed
Sheeekh Cismaan Jawaari ayaa gaaray magaallo madaxda dalka Norway ee Oslo
halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.
Wafiga Gudoomiyaha
Baarlamaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Oslo kusoo dhaweeyey
mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Norway iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool
dalkaasi Norway.
Gudoomiyaha
Baarlamaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan
Jawaari ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee
golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,gudoomiyeyaasha 15ka gudi ee
Baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Gudoomiyaha.
Socdaalka
Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ay ku joogaan magaalada Oslo ee dalka
Norway ayaa yimid kadib markii uu Gudoomiyaha casuumaad rasmi ah ka helay
Dowladda Norway waxaana inta uu jogoo magaalada Olso la kulmi doonaa
mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Norway, mas’uuliyiin horey xilal kala sar sare
dalkaasi ugasoo qabtay iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Norway.
Sidoo kale
Gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Golaha Baarlamaanka ayaa iyaguna inta
ay ku suganyihiin magaalada Oslo waxey la kulmi doonaan Gudoomiyeyaasha
gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka dalka Norway.
Ra’isulwasaare
Saacid oo kaqeybgalay munaasabad lagu furayay hay’ad loogu magacdaray
Ra’isulwasarihii geeriyooday ee dalka Ethiopia
Ra’isulwasaaraha
xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo shalay gaaray
magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia ayaa Maanta kaqeybgalay munaasabad lagu
furayay Hay’ad cusub oo loogu magacdaray ra’isulwasaarihii hore ee dalka
Ethiopia Taasoo lagu magacaabo Malez Foundation iyadoo ay furitaankeeda
kaqeybgaleen madax farabadan oo katirsan wadamada IGAD ee aynu xubinta ka
nahay.
Madaxdii
kaqeybgashay ayaa waxaa ay khudbadahooda diirada kusaareen sidii ay hay’adaasi
u shaqeyn laheyd isagoo ra’isulwasaare Saacid ka jeediyay khudbad dheer oo ka
hadleysa waxqabadkii uu muujiyay ra’isulwasaarihii geeriyooday ee dalka
Ethiopia.
Hay’adan maanta
lafuray ayaa waxaa madax ka noqon doonta xaaskii uu ka geeriyooday
ra’isulwasaarihii hore ee wadankaasi waxaana ay diirada Saari doontaa
dhinacyada Caafimaadka,iyo Waxbarashada Caruurta.
Madaxdii
kaqeybgashay ee hadalada kajeedisay ayaa waxaa kamid ahaa madaxweynayaasha
dalalka Jabuuti,Uganda,Sudan,iyo ra’isulwasaarayaal iyo Madaxweynayaal hore
iyadoo ra’isulwasaaruhu inta uu ku suganyahay magaaladaasi uu la kulmi doono
madaxda Ethiopia oo uu ugu horeeyo dhigiisa Iyo madaxda kale ee munaasabada
kasoo qeybgashay.
Baarlamaanka
Soomaaliya oo maanta markale u yeeray Ra’isulwasaare Saacid iyo
Xukuumadiisa.Sawirro
Kulankii
Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta isugu yimaadeen ayaa ahaa kulankii 12-aad
Kalfadhigiisii Labaad waxaana shir gudoominayey kusimaha guddoomiyaha
Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku xigeenka labaad ee goalaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyadoo tirada Kooramku uu ahaa
130 mudane.
Ajandaha ayaa sidoo
kale ku saabsanaa qodobo ay kamidyihiin soo jeediinta gudoomiyaha Baarlamaanka
iyo howl-qabadka gudiyaya uu Baarlamaanku leeyhay.
Kusimaha Gudoomiyaha
Mahad Cabdalla Cawad ayaana gudagalay
talo soojeedintiisa taasi oo Kamid aheyd la xisaabtanka Xukuumada Federaalka
Soomaaliya iyo wada-shaqeynta ka Dhaxeysa waxa uuna sheegay in weli aysan
hey’adaha Xukuumaddu kasoo jawaabin qoraalka Uu u diray gudoomiyaha Barlamaanka
ee ahaa inay soo gudbiyaan qorsha-howleedkooda Wasaaradaha dowladda, waxaana
markakale loogu yeeray xubnaha golaha wasiirada inay Baarlamaanka qorshahooda u
soo gudbiyaan.
Sidoo kale waxa uu
gudoomiyuhu sheegay in Ra’iisulwasaaraha dalka in uu codsi Baarlamaanka Usoo
jeediyey kaasi oo ku aadan in waqti loogu daro xiliga u goluhu hor imaanayo
iyadoo Gudoonka uu mudanayaasha ka codsaday in ilaa 20ka bisha loogu daro waa
ayna aqbaleen Maadaama Ra’ii’sulwasaaraha dibadda ugu maqanyahay howlo shaqo.
Xubno katirsan
Baarlamaanka Mooshin ay gudoonka u gudbiyeen oo la xiriirray u yeerida Wasiirka
Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa la isla gartay in wasiirku 14ka bishan
isna Uu hor yimaada Baarlamaanka si loo weydiiyo su’aalo arrimaha amaanka ku
saabsan
Waxaana inta uu
kulanku socday ayaa looga hadlay inay jiraan gudiyada Barlamaanka qaarkood Oo
ay howlo badan u qabsoomeen iyadoo kuwa kalena ay weli ku guda jiraan dhameystirka
Shaqooyinkii loo diray iyadoo sidoo kale xubnaha Barlamaanka qaar ay soo
jeediyeen in la Kordhiyo su’aalaha la weydiin doono wasiirka Arrimaha Gudaha
iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed maadaama ay jiraan arimo badan oo
muhiim u ah amaanka dalka.
Kulankii 12-aad
ayuuna soo xiray kusimaha gudoomiyaha Baarlamaanka ahna guddoomiye ku Xiggeenka
labaad ee Barlamaanka iyadoo maalin kaddib dib la isugu soo laaban doono, si
looga Doodo howlaha gudiyada iyo qaabka ay noqonayaan su’aalaha wasiirka Arrimaha
gudaha ku Socda marka uu golaha shacabka horyimaado.
Xukuumadda
Soomaaliya oo faahfaahin dheeri ah kabixisay Qaabka uu u qabsoomayo Shirka
bisha May kadhacaya magaalada London.
Wasiirka
Warfaafinta,Boostada, isgaarsiinta iyo
Gaadiidka cirka iyo dhulka Mudane C/laahi Ciilmooge Xersi oo wareysi
siiyay warbaahinta Dowlada ayaa Sheegay in shirka bilowga bisha May ka dhacaya
magaalada London ee ay shir Gudoominayaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya
mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron uu
noqon Doono mid mira dhal u noqda siyaasadda cusub ee Soomaaliya iyo sida ay
beesha Caalamku ula shaqeyn doonaan.
Ujeedada ugu
muhiimsan ee shirkaasi ayuu wasiirku ku tilmaamay in la muujiyo Qaabka ugu
haboon ee Caalamku uu u wajahayo taageerada Soomaaliya iyo sidii Ay Soomaaliya
uga faa’iideysan lahayd aduunyada oo xiligan u heelan diyaarna la Ah inay wax
laqabtaan
Mar aan waydiinay in
maamulka Somaliland uu ka qeyb galayo shirka ayuu Sheegay wasiirku in shirkan
uu yahay Mid Soomaaliyeed ayna wada guddoominayaan Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul
Wasaare Cameron, dibna laga shaacin doona cidda kasoo qaybgalaysa Shirkaasi ka
hor xiliga uu shirku qabsoomayo.
Wasiirka warfaafinta
iyo Isgaarsiinta mudane C/laahi Ciilmooge Xersi ayaa Shacabka ugu baaqay inay
niyada wanaajiyaan islamarkaana lagu
taageero Xukuumada sidii ay u gaari lahayd himilooyinka uu dalku hiigsanayo oo
ay ku Jiraan amaanka iyo dowladwanaaga oo horumaro laga sameeyay. Shirkan oo ka
dhici doona guriga caanka ah ee Lancaster House ayaa lagu wadaa iney kasoo
qaybgali doonaan dawlado gaadhaya 50 dawladood iyo hay’ada caalami ah waxaana
shirkan garab socondoona sida wasiirku sheegey shirar goosgoos ah oo xoogga
saari doona arimo muhiim ah.
2 comments:
Hi! I just wish to offer you a big thumbs up for your excellent info you've got right here on this post. I will be returning to your blog for more soon.
Check out my web blog: golden retriever labrador retriever
Thank you for the good writeup. It in fact was a amusement account it.
Look advanced to more added agreeable from you! By the way, how could
we communicate?
Look at my blog post buy proenhance
Post a Comment