Sunday, 7 April 2013

Somalia - Wararka maanta oo dhan


War Culus: Baarlamaanka oo Su’aalo ugu yeeray Raysul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha
Muqdisho(Allsomalia.com) Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ugu yeeray raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo wasiirka arrimaha gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed in wax laga su’aalo arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dilal ka dhacay Muqdisho.
 Isagoo shir-guddoominayay fadhiga baarlamaanka ee maanta, ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in raysul wasaaraha wax laga weydiin doono waxqabadka xukuumadda iyo sameynta maamullada deegaannada laga xorreeyay maleeshiyada al-Shabaab.
 Baarlamaanka ayaa sidoo kale raba inuu su’aalo ka weydiiyo wasiirka arrimaha gudaha dilal dhowaan Muqdisho loogu geystay dad maxaabiis ahaa oo xabsiyada lagala baxay.
Wasiirka ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu uga warbixiyo baarlamaanka ammaan darrada ka jirta qeybo ka mid ah dalka. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa lagu wadaa inuu hor tago baarlamaaanka 14 April.
Yurub oo lagu eedeeyay in ay Qarash Badan ku Bixineyso Howla lagu Hagar Daameynayo Soomaaliya oo ka Socda Kismaayo
Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, Nabadoon Maxamed Xassan Xaad, ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in calooshood u shaqeestayaal jinsiyad Soomaali leh hasa yeeshee aan qalbiga Soomaali ka aheyn ay qandaraas lagu duminayo Soomaalida qarashna lagu aruursanayo ay kasoo qaateen dalal kamid ah Yurub oo doonaya nabad darrada Soomaaliya.
 Nabadoon Maxamed Xaad ayaa waxa shaaciyay in ay daliil cad ay hayaan oo ku aadan in shirka Kismaayo dhaqaale lagu raadinayo sidoo kalana dowlada in cagaheeda isku taagto lagu diidayo maadaama Kismaayo duleedkda ay Shabaab joogaan waxa ladoonayo in maamulka loo sameynayana ay yihiin gobala aan amaan aheyn.
 Waxa uu isweydiiyay hadii wax lagajinayo sababaha kooxaha maamullka maqaar saarka ahin ay sameayaan doonaya ay uga qeyb qaadan la’yihiin xureyta gobaladaasi.
 Xaad ayaa waxa uu sidoo kale daaha ka rogay in kuwa doonaya in ay maamulka sameeyaanba aysan u dhalan deegaanka oo ay ka yimideen NFD iyo meel kasii fog.

Nabadoonka oo ka carooday Maamulka qabiileysiga ah ee Min Bari ilaa galbeed ay kooxa isku heyb ah ay u wada gulfinayaan qaabkii ay maamaul gacan ku rimid ah oo dowalada Soomaaliya aysan ku qanacsaneyn uga abaabulaan Kismaayo, ayaa waxa uusan si cad u sheegin dowladaha Yurub ka tirsan oo bixinaya qarashka lagu maal gelinayo dadaaladaasi dowalda Soomaaliya lagu maja xaabinayo.
  Ethiopia iyo Kenya oo shirqool la damacsan badda Somalia

 Posted by Alaxmed on 04/07/2013 in Wararka, Xulka Caasimada | 0 Comment
 Itoobiya, Kenya, Shiikh Xasan iyo Cumar C/rashiid ma u hir geli doontaa in ay xudduuda badda Soomaaliya kusoo koobaan 12 mayl, oo baabi’iyaana xeerkii Badda Soomaaliya ee Law No. 37 oo dhigaya in xuduud baddeedka Soomaaliya yahay 200 mayl badeed oo ah TERRITORIAL WATERS.
Waxaa dhawaan magaalada Addis Ababa ee caasumadda Gumeysiga Itoobiya lagu qabtay kulan lagu gorfaynayey in Badda Soomaaliya xuduudkeeda lagu soo koobo 12 mayl.
Halkan ka dhegeyso waraysi arrintaas caddaynaya - (BBC March 31, 2013)
Kulankaas Addis Abab oo la sheegay in ay soo qaban qaabilsay hay’adda Qarammada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya (ee loo soo gaabiyo UNPOS) iyo Midowga Yurub, waxaa ka qaybgalay Dawladda Federalka Somaaliya, maamullada Puntland, Somaliland, iyo Galmudug. (Xafiiska UN u qaabilsan Soomaaliya, Xilligii Axmed Walad Cabdallawaa laga dheregsan yahay in uu qayb ka ahaa muran gelintii badda Soomaaliya. Dhanka kale barwaaqa sooranka Yurub Commonwealth waa kuwii Kenya ka caawinayey sidii xuduuda badda loogu kordhin lahaa).
Waxaa arrin laga xishoodo ahayd in rag sheeganaya masuuiyiin Soomaaliyeed ee 12-14 Maarso 2013 lagu shiriyey Addis Ababa in laga hir gashado in ay yiraahdaan sidan:
“Waxaan u maleynaynaa in uu mugdi ka jiro sharciga Namberkiisa yahay 37, ee khuseeya arimaha Badda Soomaaliyeed ee soo baxay 1972 lana xiriira heshiiskii sharciga badaha caalamiga ah ee soo baxay 1982. Waxaana garwaaqsanahay in arintin si weyn caqabad ugu tahay habkii kaalmo balaaran iyo kor u qaadista xirfadaha Dadka Soomaaliya ee ka shaqeeya arimaha Badaha. Waxaan rajaynaynaa in caqabadahan laga gudbo waxaana waydiisaynaa Bulshada Caalamka sidii loogu gudbi lahaa arintan.” Sidaas waxay ku qoran tahay warsaxaafadeedkii 14-kii Maarso 2013 ka soo baxay UNPOS. (Eeg UNPOS ama halkan).
Markale dhegeyso waraysiga Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi oo ka mid ah saraakiisha wasaaradda kalluumaysiga Puntland kana qaybgalay shirkaas wuxuuna 31-dii Maarso 2013 u waramay wariyaha BBC Axmed Maxamed Cali (DHEGEYSI – BBC).
Waxaa haboonaan lahayd in Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi oo ka mid ah saraakiisha wasaaradda kalluumaysiga Puntland oo hadalkaas 12 mayl ah yiri in la xusuusiyo: in 200 mayl oo Territorial waters ah marka dalku leeyahay in ay soo hoos geleyso labada boqol ee EEZ (waayo 200 territorial ah waxay kuu tahay sida dhulkaaga oo EEZ-na waa kuugu dhex jirtaa, cidi kulama leh). Marka adigoo labadiiba haysta maxaa kugu jirabay in aad aqbashid 12 mayl, mase ogtahay adduunka aad ka hadleysid in uusan wada aqbalin xeerka badaha ee aad cuskatay, qaarna  leeyihiin xeer u gaar ah oo dastuurkooda ku qoran oo u dhigma kii Soomaaliya ee 1972 sida Peru.
Shacabka Soomaaliyeed waxay aad isu weydiiyeen, layaabna ah, sababta keentay in kulan sidaas u miisaan weyn oo lagu go’aaminayey mustaqbalka xuduuda badda Soomaaliya sababta loogu qabtay Addis Ababa oo xitaa aan bad lahayn, ahna dal cadow soo jireen ah u ah Soomaaliya, welina gumeysi ku haysta dhul baaxad weyn oo ay leedahay Soomaali.
FG: Dalka Itoobiya waxa uu ka mid yahay dalalka aan ilaa hadda dhaqan gelin xeerka badaha adduunka, sidee marka Soomaaliya oo bad leh, xeer badeedna leh, wax ugu yeerinayaan (hoos ka eeg dalalka aan ilaa hadda dhaqan gelin xeerka badaha**)
Waxaa kale oo jira warar tibaaxaya qorshaha in badda Soomaaliya xuduudeeda la soo koobo, oo Kenya wadato, in beryahan dambe uu markale qayb ka yahay Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, Ra’iisul Wasaarahii hore ee Dawladdii Kumeelgaarka ahayd, oo ayad xukumaddii bilwoday in taariikhda Soomaaliya markii ugu horeysey ay muran geliso badda Soomaaliya, kaddib markii ay heshiis loogu yeeray is-faham la gashay Kenya – heshiiskaas oo ay ganafka ku dhufteen baarlamaankii Soomaaliyeed ee hore, oo ah kuwo taariikhdu xusi doonto.
Dhanka kale Dawladda Federaalka ayaa beryahan wadey siminaaro ay madaxda kala duwan ee dawladda kaga dhaadhicinayso in dhul-badeedka Soomaaliya yahay 12 mayl iyo in 200 miles ay tahay EEZ, si markaas loo garab mariyo 200 miles oo Territorial Waters ah.
Barnaamijyadaas xukuumadda waxaa ka mid ah barnaamij kharidado watay oo uu Corneyl Xasan Riiraash oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Soomaaliya dhawaan ka jeediyey Muqdisho goob ay ku dhammmaayeen wasiiro ay ka mid ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Wasiirka Gaadiidka badda iyo dekedaha, Wasiirka garsoorka, wasiiro ku xigeenno, xildhibaanadda Baarlmaanka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka badda Soomaaliya.
Col. Riiraash waxa hadalkiisii ka mid ahaa, mar uu sharaxayey xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya “Waan ogahay in sanadahan dambe muran ka taagan yahay xadka badda ee u dhaxeeya Dawladda Soomaaliya iyo Kenya waan ogahay, hase yeeshee wixii xaqiiqo ah haddaan si kooban halkan uga sheego, Xadka baddu wuxuu dhulka ka soo galaa tuulo yar oo loo yaqaan Daarasalaam, tuuladaas ayuu xadka baddu toos uga baxaa, isagoo xagal qumman oo 90 degree ah dhulka la samaynaya. Waxana uu hoosta ka maraa jasiiradaha dhagaxa ah ee loo yaqaanno Lamashaaqa.”
Hadalkaas qayb ka mid ah ayaa markii hore intii maqshay u riyaaqday, maadaama uu xusay in xadku ku suntan yahay xagal 90 derejo ah oo ka bilaabanaysa xeebta, hoosna ka maraysa jasiiradaha Lamashaaqa.
Laakiin, Riiraash wuxuu dadkii madasha fadhiyey u hoos geliyey isagoo dhahaya sidan: “(12 mayl) oo loo yaqaan biyaha dalka waxaa lagu dabakhaa sharciga dalka Soomaaliyeed oo si buuxda loogu dabakhaa. Qaybta kale waa 200 mayl EEZ oo ah qaybta aan ku leenahay dhaqaalaha, ayuu hadalka ku xoojiyey Col Riiraash.
Ugu horayn shacabka Soomaaliyeed xilligan waaa ku baraarugsan yihiin in xeerka qaybta 12-ka mayl ee uu Riiraash ka hadlayo uusan ahan xeer Soomaaliyeed, dalalka qaarkoodna aysana ilaa hadda aqbalin xeerka badaha amaba dhaqan gelin.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalka xuduudda badoodu tahay 200 mayl badeed oo Terrirorial waters ah, arrintaas Soomaaliay keli kuma ah.  Tan kale muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliyana taariikhda kuma jirin wixii ka horeeyey dawladdii Shariifka. Arrinta muranka ah waa dhulka NFD ee ka mqan Soomaalida. Haddaba Riiraash sidaas in uu madaxda jamaahirada ah ka dhaadhicin lahaa ayaa wanaagsanaan lahayd.

Sawirkan waa Col. Riiraash oo sharaxa xadka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaan ka qaadnay Video uu duubay Muuse Jiisow
(Video tayadiisa ayaan wanaagsanayn, hadduu hagaagona waa soo daaabci doonaa, insha Allah.)

Tan uu ku ammaanan yahay Riiraash waa xusidda uu sheegay xagasha 90-ka degree ee lagu socodsiinayo xarriiqda xadaynta badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, arrintaas oo dhabar jab ku ah heshiiskii la dhoodhoobay ee Kenya aysan weli ka samrin.
Wixii ka dambeeyey 2009 waxaa loo ogol yahay in ay ku darsato 150 nautical mile oo dheeraad ah (350 nm)
Arrimaahas xiriirka ah waxaa ka sii yaab badnaa, hordhacna u ahaa, kaddib markii qodob ay golahii wasiiradii KMG ahaa ka saareen waxa loogu yeero Roadmapka uu cuskaday madaxweynaha hadda ee DFS, Shiikh Xasan.
11-kii October 2011 ayaa wareegto ay soo saareen Golahii Wasiirada ee Xukuumaddii Kumeel gaarka ahayd ay ku go’aamiyeen in arrimaha badda ee EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada Roadmapka. Taas oo jirtey ayaa Cusmaan Macallim Mukhtaar oo ah khabiir Soomaaliyeed ee Oil-ka waxa uu bsihii Febraayo 2013 magaalada London su’aal ku saabsan badda oo uu weydiiyey Madaxweynaha DFS waxa uu kaga jawaabey sidan:
“Arrinta Oil-ka, annaga iyo Kenya waa run in beri dhaweyd ay dood badani ka dhacday. Haddaad xasuusataan barnaamijkii Roadmap-ka ee lasameeyey waxaa ku jirtey in EEZ (Exclusive Economic Zone-ka Soomaaliya) la xadeeyo. ” Sidaas waxaa yiri Shiikh Xasan, isagoo aan xusin in qodobkaas uu cuskanayo gebi ahaanba laga saaray Roadmapkii.
Waxana madaxweynaha DFS uu hadalkiisa raaciyey sidan “Dawladii Soomaaliya waxay burburtay ayadoo processkii ugu jirta sidii ay u register-garayn lahayd ee ay u sharciyayn lahayd EEZ (Exclusive Economic Zone-ka Soomaaliya), oo processkii bilowday oo dhex marayo ayaa burburkii yimidey, intii ka damabseyna lagama shaqaynin, annagu hadda markii aan nimid shaqadaas waa bilownay, nin khabiir ah oo Soomaali ah ayaan dibadda ka keenay oo shaqadaas yaqaanno, softwares iyo charts (shaxanno), iyo adduunyo wuxuu ubaahnaa ayaan samaynay, markaas dawladda Soomaaliya mardhow waa register-garaynaysaa EEZ-ka. Kenya iyo anaga hadii uu khilaaf naga dhexeeyeno caalamka sida uu ku kala baxo ayaan ku kala bixi doonaa. Qawaaniin ayaa caalamku waxaas ka leeyahay. Qawaaniintaas ayaan isticmaali doonaa.” Waxana madaxweyanaha DFS ka boodey oo uusan xusin in Soomaaliya lahayd xeer badeed Law No. 37. (Farqi aad u weyn ayaa u dhaxeeya EEZ iyo Territorial Waters).
Arrimahaas oo dhan marka la dhuuxo waxaa ka soo ifbaxaya nidaam qorshaysan oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxdii Dawladdi hore ee Kumeel garka ahayd oo garabsanaya Kenya iyo Itoobiya in ay qorshaynayaan sidii loo dhaxal wareejin lahaa baaxad aad u ballaaran oo badda Soomaaliyeed, laguna soo koobo 12 mayl, shacabkana laga dhaadhicinayo “Adduunka ayaa 12 mayl leh”, ayadoo aan marna la xusayn in dalal badan oo adduunka qaarkood aysan xeerka badda gebi ahaantiisba saxiixin ama dhaqan gelin, qaarna ay leeyihiin xeer u dhigma kan Soomaaliya lahayd in ka badan 40 sano ka hor intii aysan muranka gelin xukuumadii hore.
Ra’iisul Wasaaraha DFS Shirdoon iyo Golahiisa wasiirada
Ra’iisul wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Shirdoon, oo hoggaamiya golaha fulinta ee xukuumadda, ilaa hadda lagama hayo wax hadal ah oo ku saabsan arrintaan ay dawladiisu waddo, waxaana haboon saxaafaddu in ay weydiiso haddii taas fursad loo siiyo, ama xafiiskiisu shacabka u caddeeyo mowqifka ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiiradiisa ee ku aadan badda Soomaaliya iyo xeerkii Law no. 37.

Shacabka Soomaaliyeed waxay u riyaaqi lahaayeen haddii Shirdoon oo maanta (April 5, 2013) diyaarad Itooobiyaan ah ku tegey Addis Ababa in uu xusuusin lahaa Addis Ababa in ay arrimaha badda Soomaaliya cabir u samayn teeda faraha kala baxaan, maadaama aysan ayaguba (Itoobiya) ilaa hadda ansixin xeerka badaha adduunka. Taas oo dal aan asaguba aqbal sanayn xeerka badaha adduunka (Itoobiya) uusan war u yeerin karin dal leh xeer badeed (Soomaaliya).
Sida lagu faafiyey warsaxaafadeed April 5, 2013 ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha “Ujeedada safarka ayaa ah sidii Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisu ay uga qeybgali lahaayeen dhismaha hay’adda loogu magac daray Ra’iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi oo lagu magacaabo (Melese Foundation), waxaana munaasabadan lagu soo bandhigi doonaa waxqabadkii Meles Zenawi.” Waa sida hadalka uu u dhigay warsaxaafadeedku.

Baarlamaanka Cusub iyo Guddoomiyahiisa Jawaari

Baarlamaankii hore ee kumeel gaar ahaa ayuu ahaa kii ka hor tegey qorshahii xumumaddii hore ee KMG iyo Kenya ay ku doonayeen dhaxan wareejinta badda Soomaaliyeed. Waxaase shacabka Soomaaliyeed hadda walaac weyn ka qabaan in baarlamaanka Soomaaliya ee hadda uu noqdo mid aan arrintaas ka dhiidhiyin, oo ayagoo soo taagan badda la dhaxal wareejiyo, laguna soo koobo 12 mayl.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Jawaari, oo booqasho ugu ambabaxay Norway, waxaa wanaagsanaan lahayd in uu Norway  xusuusiyo in ay arrimaha badda Soomaaliya faraha kala baxaan, sidaasna shacabka u caddeeyo. Taasi markaas waxay meesha ka saari lahayd tuhunka shacabku qabo oo ah in Norway ay Jawaari u marayso sidii Kenya loogu hir gelin lahaa heshiiskii is-fahamka ee ay fashiliyeen baarlamaankii hore.
Sida ku cad warsaxaafadeed (April 6, 2013) ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu gaarey Oslo Norway, “waxaana socdaalkiisa ku wehliya Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar, gudoomiyeyaasha 15ka gudi ee Baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Gudoomiyaha.”
Waxaana warsaxaafadeedku intaas raaciyey “Socdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ay ku joogaan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa yimid kadib markii uu Gudoomiyaha casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Norway.”

Tan kale, Hadalka arrintana waxa uu ku dhammaanayaa haddii baarlamaanka Soomaaliya uu xeer dastuuri ah ka soo saaro oo dastuurka ku qoraan in 1972 ilaa 2009 uu dhul badeedka Soomaaliya ahaa 200 mayl badeed oo Territorial waters ah, wixii ka dambeeyey 2009 ay kordhisteen cabbir u dhigma inta dalalka badaha leh loo ogol yahay oo ah ilaa 350 mayl badeed, xusaana sidii uu qornaa xeerkii badda Soomaaliyeed ee 1972 Law No. 37.
Akhri: Jawaari oo usafray Norway iyo Dowladda Noway oo Dooneysa in ay Dib u soo Nooleysa Heshiiskii Fashilmey ee Dhinaca Badda
Col Riiraash waxaad ku mahadsan tahay hadalkan “Xadka baddu wuxuu dhulka ka soo galaa tuulo yar oo loo yaqaan Daarasalaam, tuuladaas ayuu xadka baddu toos uga baxaa, isagoo xagal qumman oo 90 degree ah dhulka la samaynaya. Waxana uu hoosta ka maraa jasiiradaha dhagaxa ah ee loo yaqaanno Lamashaaqa.” Laakiin fadlan ka laabo hadalka ah badda Soomaaliya xeerkeeda in lagu dabakhayo 12 mayl oo keliya, waxaad tiraadaa waxaa Soomaaliya leedahay xeer dhigaya 200 mayl badeed oo TERRITORIAL WATERS ah, adduunkana sidaas ayaan u sheegeynaa. Taariikhdana ka gal baal wanaagsan.
Gabagabadii waxaa muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed in ay ku baraarug-sanaadaan qorshaha socda ee badda Soomaaliya, una foojignaadaan “Wareegga 3aad ee Difaaca Badda Soomaaliya”.



Muqdish oo laga furay  Raadiye haweenka u gaar ah, raggana ka reeban!
Caasimada.com
Aman Radiyo ayaa noqonaya raadiyihii ugu horreeyay ee wada haween ah ee abid gala hawada Muqdisho, iyadoo ujeedadu tahay in kor loo qaado taariikhda haweenka Soomaaliyeed, laguna tababaro warbaahinta.
Raadiyaha, oo dhowaan hawada ka gali doona xafiisyadiisa ku yaala degmada Hawlwadaag ee Muqdisho, ayaa waxaa hir galiyay Xarunta Warbaahinta Haweenka iyo Tababarrada Saxaafadda ee Nasiib, waxaana taageero dhaqaale siiya haween Soomaaliyeed oo dalka dibaddiisa ku nool.
Xarunta ayaa haweenka dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed ee xiisaynaya saxaafadda siinaysaa tababarro saxaafadeed, iyadoo Aman Raadiyo uu dhamaystirayo tababarradaas isagoo dadka soo qalin jabiya siinaya fursad ay ku hir galiyaan xirfadahooda cusub iyagoo raadiyaha adeegsanaya.
Agaasime Kuxigeenka Aman Raadiyo Farxiya Faarax Farxiya ayaa bixisay wareysi si wax dheeraad ah looga ogaado qorshayaasha raadiyaha cusub.
Su’aal: Maxaa loo aasaasay xarun raadiye oo ay ka shaqeynayaan haween kaliya?
Farxiya Faarax Rooble: Waxaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo haweenka, gaar ahaan dhanka warbaahinta. Sida aad ogtahay,Muqdisho waxaa ku yaala xarumo raadiye oo tiro badan, balse majiro mid ay haweenay maamusho.
Su’aal: Maxaa loo doortay in xarun raadiye ay xoojiso haweenka, ee aan loo dooran dugsi ama wax kale?
Farxiya: Sababta aan u dooranay in aan raadiye ku bilowno waa inaysan aqrinta ku badnayn Soomaaliya [hadda], waxaanuna doonnay [in aan doorano qaab] naga caawinaya in aan ku gaarno ama ku fidino farriinteena ah xoojinta haweenka Soomaaliyeed. Taasi waa sababta aan u doonnay in aan abuurno xarun warbaahineed oo ay leeyihiin, ayna maamulaan haween.
Su’aal: Wax caqabado ah mala kulanteen?
Farxiya: Mar walba oo aad wax cusub bilaabayso caqabado waa in aad xisaabta ku darsataa, balse wali wax dhibaato ah lama aanaan kulmin. Dabcan, waxaa jira dad oranaya xarun raadiye oo ay haween leeyihiin wax qiimo ah kuma soo kordhinayo [shacabka], balse hadallada noocaas ah waxba kuma fadhiyaan.
Su’aal: Goormay fikradda Raadiyo Aman bilaabatay?
Farxiya: Fikradda waxa ay soo bilaabatay ugu yaraan lix sano ka hor, markii Xarunta Haweenka ee Warbaahinta iyo Tababarrada Saxaafadda ay bilowday in ay soo saarto wargays ka hadla arrimaha haweenka. Xarunta ayaa sidoo kale haweenka da’da yar siinaysay tababarro saxaafadda ah oo ay ku jiraan koorsooyin farsamo ah oo la xiriira tifaftiridda fiidiyowyada iyo sawirrada. Lixdii bilood walba waxaannu soo saaraynay 60 arday oo qalin jabinaysay. Hadda waxaa macquul noo ah in aan raadiyaha ku bilowno qalin jabiyayaashaa.
Su’aal: Maxaad rajaynaysaan in aad qabataan?
Farxiya: Waxaan doonaynaa in haweenka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo madax bannaan ayna awood u yeeshaan in ay qabtaan shaqooyin la mid ah kuwa ragga ay qabtaan, ha ahaato qeybta soo saaridda farsamada, tabinta ama tifaftirka.

Su’aal: Sidee barnaamijyada raadiyahiinna gacan uga gaysan karaan gaaridda hadafkaas?
Farxiya: Waxaannu doonaynaa in aannu soo saarno barnaamijyo xoogga saaraya waxbarashada dumarka dhallinyarada ah iyo [dabaaldagga] ka qeyb qaadashada wanaagsan ee haweenka Soomaaliyeed ay u sameeyeen shacabka intii lagu jiray dagaalkii sokeeye. Waxaannu marti qaadi doonnaa culimada Soomaaliyeed si ay gacan nooga siiyaan in aannu hoosta ka xariiqno doorka wanaagsan ee ay haweenka cayaareen, kana wada doodno caqabadaha iyaga hadda hor yaala.
Su’aal: Wax nooga sheeg shaqaalihiinna.
Farxiya: Hadda waxaannu haysanaa 25 shaqaale. Waxa ay isugu jiraan farsamo yaqaano raadiye, wariyeyaal, iyo sawir qaadayaal, dhamaantoodana waxa ay dhamaysteen barnaamijyadeena tababarrada.
Su’aal: Waxaan u muuqataan kuwa haysta koox aad u da’ yar. Mushahar mala siin doonaa?
Farxiya: Haweenka ka shaqeeya Raadiyo Aman waxa ay da’doodu u dhaxaysaa 17 ilaa 20 jir. Qaarkood waxa ay helaan mushahar, halka qaar kalena ay wali dhamaysanayaan tababarradooda.
Su’aal: Xarunta masii wadi doontaa barnaamijyada tababarka?
Farxiya: Xarunta Nasiib waxa ay sii wadi doontaa shaqadeeda tababarka iyo bixinta fursadaha la siinayo haweenka. Xarunta waxaa loo aasaasay in ay qeyb ka noqoto yoolkaas, sidaa daraadeed tababarka waa lasii wadayaa.

Qarax culus oo ka dhacay Afgooye & warar kala duwan oo ka soo baxaya

Degmada Afgooye ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ka dhacay maanta qarax loo adeegsaday bamka nooca gacanta laga tuuro, kaas oo la sheegay inuu geystay khasaare dhaawac, iyadoo lagu weeraray qaraxaasi ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa suuqa xoola lagu iibiyo ee degmadaasi.
Goobjooge ku sugan degmada Afgooye oo la hadlay website-ka caasimadda ayaa sheegay in labo ruux loo qabtay qaraxaasi bambaano, kuwaas oo looga shakiyey inay ka dambeeyeen qaraxa, wuxuuna intaasi ku daray in qaraxa uu dhaawacyo ka soo gaaray labo ruux oo rayid ah iyo hal askari, inkastoo dowladda Soomaaliya ay arrinkaasi diiday.

Dhinaca kale Guddoomiyaha degmada Afgooye oo isna qaraxa ka hadlay uu sheegay inuusan wax khasaare ah geysat qaraxa bambaano ee ciidanka lagu weeraray, wuxuuna sheegay in labo wiil oo dhalinyaro ah u qabteen weerarkaasi, kuwaas oo uu sheegay inay ku tuhmayaan inay ku lugleeyihiin, wuxuuse xusay in baaritaan lagu hayo hadda labadaasi ruux.


 Dowladda UK oo kashiftay weeraro ku soo wajahan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin ay u jeedineyso dadka u dhashay dalkeeda, iyadoo uga digtay inay tagaan guud ahaan dalka Soomaaliya oo ku jirto Somaliland, waxayna intaasi ku dartay inay heyso fariimo sheegaya inay jiraan qorshayaal la doonayo in weeraro looga geysto gudaha dalka soomaaliya ,gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale digniintan ayaa waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay qorsheynayaan inay weeraro aargudasho ah ka geystaan magaalada Muqdisho, isla markaasna ay la beegsadaan dadka ajaanibta ah oo ay dadka Ingiriiska ka mid yihiin, wuxuuna Ingiriisku intaasi ku daray in gebogebo uu marayo weerarka ay Al-shabaab qorsheynayaan inay ka fuliyaan Muqdisho.
Dhinaca kale wasaaradda arrimaha dibadda dalka Ingiriiska ayaa ka hadashay markale shir wadamada G8-ka ku qabsanayaan magaalada London 10-11 bishan April, waxaana warbixin ay soo saartay wasaaraddu lagu sheegay in shirkaasi ay dowladda Ingiriisku kaga faa’iidaysan doonto in Soomaaliya laga gargaaro dhinaca dhaqaalaha iyo dib u dhiska, qorshuhuna wuxuu noqon doonaa mid hay’adaha IMF iyo World Bank loogu dhiirigeliyo inay Soomaaliya caawiyaan ayaa lagu yiri warkaasi qoraalka ah.
Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ingiriisku waxa kale oo lagu sheegay in Soomaaliya ay gashay xilli cusub qorshuhuna yahay in maamulka dhexe la adkeeyo, lagana adkaado sid uu yiri xagjirka iyo burcadbadeeda, dhaqaalahana la fadhiisiyo.
Dowladda Ingiriiska oo heysta madaxtinimada dalalka G8-ka ayaa sheegtay in Madaxweynayaasha dalalkaasi ugu qanisan adduunka ay ka dhaadhicin doonto marxaladda cusub ee ay gashay xaalada Soomaaliya taasi oo 1991-kii ay burburtay dowladii dhexe dalkii Soomaaliyana u kala daatay maamulo mid walba iscaleemo saaray.

IGAD oo shir gaar ah ka yeelaneysa arrimaha Soomaaliya

Wasiiro arrimo dibadeedka dowladaha ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa shir gaar ah ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya, kaas oo ka dhici doono magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya berri oo ay taariikhu ku beegantahay 7/4/2013-ka , waxaana shirkaasi ka hadlay dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay ilgaar ah ku heyso shirkaasi, isla markaasna qodobo muhiim ah ay hordhigi-doono wasiirada IGAD ee shirka ka qeybgalaya.
Ra’isul wasaare ku xigeen ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo shalay u dhooftay dalka Itoobiya si ay uga qeybgasho shirka wasiiro arrimo dibadeedka IGAD ayaa faahfaahin ka bixisay waxyaabaha looga hadlayo shirkaasi, waxayna sheegtay wasiiraddu in shirka gebi ahaantiisaba looga arrimaha Soomaaliya iyo sidii dowladda Soomaaliya loogu madaxbaneyn lahaa dhisidda maamul goboleedyada dalka ka jira, loona dhowri lahaa xuduudaheeda.
Wasiiraddu waxay kaloo sheegtay in kulanka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo xasilinteeda isla markaana ay ka soo qeybgeli doonaan madax kala duwan oo ka socota IGAD uu ka dhici doono Addis Ababa 7-da bishan, waxayna xustay in kulankaasi uu muhiim u yahay Soomaaliya, iyadoo carabka ku dhuftay inuu dabasocdo kulamo horay looga soo yeeshay xaaladda Soomaaliya.
“Waxaan dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedaba uga qeybgalayaa shir aan caadi aheyn oo ay soo qaban qaabisay IGAD kaas oo looga hadlayo xasilinta Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-shabaab” sidaasi waxaa sheegtay Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan xilli ay saxaafadda kula hadleysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntii Fowsiyo waxay sheegtay in qorshihii xasilinta iyo maamul u sameynta gobolada laga saarao xarakada Alshabaab ee ay horey u gaareen madaxweynayaasha igad mar hore  ayuu dhamaaday, waxaana dooneynaa inuu socdo qorsha lixda qododob ee jadwalka ay dowladdu ku howlgaleyso, waxayna intaasi ku dartay inay jiraan qaar ka mid ah dalalka IGAD oo ay ku kala aragti duwan yihiin ,laakiin sida ay tiri ay ku rajo weyn yihiin in tooda la qaato.

Taliska ciidamada Booliiska oo sheegay iney ka feejiganyihiin falalka argagixisada Soomaaliya

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin isku day kasto oo ay kooxaha argagixisadu ku doonayaan  in ay ku dhibaateeyaan shacabka ku nool guud ahaan dalka xilli dowlado reer galbeed ah ay ka digeen qatarta argagaxisada ee Soomaaliya.

Taliyaha Hogaanka ka hortaga dembiyada ahna Afhayeenka ciidamada Booliiska Gen. C/llaahi Xasan Bariise ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Ciidamada booliiska ay heegan adag iyo feejignaan ugu jiraan khatar kasta oo argagixisadu ku waxyeeleyneynayaan amaanka.
‘’Markii laga guuleystay oo Xamar iyo gobolo badan laga suuliyay ayaa waxey bilaabeen argagixisadu Qaraxyo ismiidaamin ah taasna waan ka gaashaamanay’’ ayuu yiri Gen Bariise.

Gen, Bariise ayaa intaa raaciyay in ciidamada Booliisku ay wax badan ka qabteen amaanka magaalada Muqdisho isagoo xusay in ciidamadu ay xiliga habeenkii ah roondooyin ka sameeyaan xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir iyagoo helaya xogo  kasta oo liddi ku ah amaanka.
Dhinaca kale General Bariise ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay wadashaqeyn iyo isfaham la leeyihiin shacabka ku nool magaalada Muqdisho oo fahmay qiimaha nabadgelyadu u leedahay noolaha.
Hadalka Afhayeenka Booliiska Gen. Bariise ayaa kusoo beegmaya xilli wadamo ka mid ah reer galbeedku ay ka digeen Qatar argagixiso oo laga filan karo Soomaaliya.

Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Gaaray Caasimadda Dalka
Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheeekh Cismaan Jawaari ayaa gaaray magaallo madaxda dalka Norway ee Oslo halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.
Wafiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Oslo kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Norway iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Norway.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,gudoomiyeyaasha 15ka gudi ee Baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Gudoomiyaha.

Socdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ay ku joogaan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa yimid kadib markii uu Gudoomiyaha casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Norway waxaana inta uu jogoo magaalada Olso la kulmi doonaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Norway, mas’uuliyiin horey xilal kala sar sare dalkaasi ugasoo qabtay iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Norway.
Sidoo kale Gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Golaha Baarlamaanka ayaa iyaguna inta ay ku suganyihiin magaalada Oslo waxey la kulmi doonaan Gudoomiyeyaasha gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka dalka Norway.

Ra’isulwasaare Saacid oo kaqeybgalay munaasabad lagu furayay hay’ad loogu magacdaray Ra’isulwasarihii geeriyooday ee dalka Ethiopia

Ra’isulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo shalay gaaray magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia ayaa Maanta kaqeybgalay munaasabad lagu furayay Hay’ad cusub oo loogu magacdaray ra’isulwasaarihii hore ee dalka Ethiopia Taasoo lagu magacaabo Malez Foundation iyadoo ay furitaankeeda kaqeybgaleen madax farabadan oo katirsan wadamada IGAD ee aynu xubinta ka nahay.
Madaxdii kaqeybgashay ayaa waxaa ay khudbadahooda diirada kusaareen sidii ay hay’adaasi u shaqeyn laheyd isagoo ra’isulwasaare Saacid ka jeediyay khudbad dheer oo ka hadleysa waxqabadkii uu muujiyay ra’isulwasaarihii geeriyooday ee dalka Ethiopia.
Hay’adan maanta lafuray ayaa waxaa madax ka noqon doonta xaaskii uu ka geeriyooday ra’isulwasaarihii hore ee wadankaasi waxaana ay diirada Saari doontaa dhinacyada Caafimaadka,iyo Waxbarashada Caruurta.
Madaxdii kaqeybgashay ee hadalada kajeedisay ayaa waxaa kamid ahaa madaxweynayaasha dalalka Jabuuti,Uganda,Sudan,iyo ra’isulwasaarayaal iyo Madaxweynayaal hore iyadoo ra’isulwasaaruhu inta uu ku suganyahay magaaladaasi uu la kulmi doono madaxda Ethiopia oo uu ugu horeeyo dhigiisa Iyo madaxda kale ee munaasabada kasoo qeybgashay.

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta markale u yeeray Ra’isulwasaare Saacid iyo Xukuumadiisa.Sawirro

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta isugu yimaadeen ayaa ahaa kulankii 12-aad Kalfadhigiisii Labaad waxaana shir gudoominayey kusimaha guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku xigeenka labaad ee goalaha shacabka Mahad  Cabdalla Cawad iyadoo tirada Kooramku uu ahaa 130 mudane.

Ajandaha ayaa sidoo kale ku saabsanaa qodobo ay kamidyihiin soo jeediinta gudoomiyaha Baarlamaanka iyo howl-qabadka gudiyaya uu Baarlamaanku leeyhay.
Kusimaha Gudoomiyaha Mahad  Cabdalla Cawad ayaana gudagalay talo soojeedintiisa taasi oo Kamid aheyd la xisaabtanka Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo wada-shaqeynta ka Dhaxeysa waxa uuna sheegay in weli aysan hey’adaha Xukuumaddu kasoo jawaabin qoraalka Uu u diray gudoomiyaha Barlamaanka ee ahaa inay soo gudbiyaan qorsha-howleedkooda Wasaaradaha dowladda, waxaana markakale loogu yeeray xubnaha golaha wasiirada inay Baarlamaanka qorshahooda u soo gudbiyaan.
Sidoo kale waxa uu gudoomiyuhu sheegay in Ra’iisulwasaaraha dalka in uu codsi Baarlamaanka Usoo jeediyey kaasi oo ku aadan in waqti loogu daro xiliga u goluhu hor imaanayo iyadoo Gudoonka uu mudanayaasha ka codsaday in ilaa 20ka bisha loogu daro waa ayna aqbaleen Maadaama Ra’ii’sulwasaaraha dibadda ugu maqanyahay howlo shaqo.
Xubno katirsan Baarlamaanka Mooshin ay gudoonka u gudbiyeen oo la xiriirray u yeerida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa la isla gartay in wasiirku 14ka bishan isna Uu hor yimaada Baarlamaanka si loo weydiiyo su’aalo arrimaha amaanka ku saabsan
Waxaana inta uu kulanku socday ayaa looga hadlay inay jiraan gudiyada Barlamaanka qaarkood Oo ay howlo badan u qabsoomeen iyadoo kuwa kalena ay weli ku guda jiraan dhameystirka Shaqooyinkii loo diray iyadoo sidoo kale xubnaha Barlamaanka qaar ay soo jeediyeen in la Kordhiyo su’aalaha la weydiin doono wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed maadaama ay jiraan arimo badan oo muhiim u ah amaanka dalka.
Kulankii 12-aad ayuuna soo xiray kusimaha gudoomiyaha Baarlamaanka ahna guddoomiye ku Xiggeenka labaad ee Barlamaanka iyadoo maalin kaddib dib la isugu soo laaban doono, si looga Doodo howlaha gudiyada iyo qaabka ay noqonayaan su’aalaha wasiirka Arrimaha gudaha ku Socda marka uu golaha shacabka horyimaado.

Xukuumadda Soomaaliya oo faahfaahin dheeri ah kabixisay Qaabka uu u qabsoomayo Shirka bisha May kadhacaya magaalada London.

Wasiirka Warfaafinta,Boostada, isgaarsiinta iyo  Gaadiidka cirka iyo dhulka Mudane C/laahi Ciilmooge Xersi oo wareysi siiyay warbaahinta Dowlada ayaa Sheegay in shirka bilowga bisha May ka dhacaya magaalada London ee ay shir Gudoominayaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron uu noqon Doono mid mira dhal u noqda siyaasadda cusub ee Soomaaliya iyo sida ay beesha Caalamku ula shaqeyn doonaan.

Ujeedada ugu muhiimsan ee shirkaasi ayuu wasiirku ku tilmaamay in la muujiyo Qaabka ugu haboon ee Caalamku uu u wajahayo taageerada Soomaaliya iyo sidii Ay Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd aduunyada oo xiligan u heelan diyaarna la Ah inay wax laqabtaan
Mar aan waydiinay in maamulka Somaliland uu ka qeyb galayo shirka ayuu Sheegay wasiirku in shirkan uu yahay Mid Soomaaliyeed ayna wada guddoominayaan Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul Wasaare Cameron, dibna laga shaacin doona cidda kasoo qaybgalaysa Shirkaasi ka hor xiliga uu shirku qabsoomayo.
Wasiirka warfaafinta iyo Isgaarsiinta mudane C/laahi Ciilmooge Xersi ayaa Shacabka ugu baaqay inay niyada wanaajiyaan islamarkaana  lagu taageero Xukuumada sidii ay u gaari lahayd himilooyinka uu dalku hiigsanayo oo ay ku Jiraan amaanka iyo dowladwanaaga oo horumaro laga sameeyay. Shirkan oo ka dhici doona guriga caanka ah ee Lancaster House ayaa lagu wadaa iney kasoo qaybgali doonaan dawlado gaadhaya 50 dawladood iyo hay’ada caalami ah waxaana shirkan garab socondoona sida wasiirku sheegey shirar goosgoos ah oo xoogga saari doona arimo muhiim ah.

2 comments:

Anonymous said...

Hi! I just wish to offer you a big thumbs up for your excellent info you've got right here on this post. I will be returning to your blog for more soon.

Check out my web blog: golden retriever labrador retriever

Anonymous said...

Thank you for the good writeup. It in fact was a amusement account it.
Look advanced to more added agreeable from you! By the way, how could
we communicate?

Look at my blog post buy proenhance

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...