Wednesday 5 November 2014

Ergeyga gaarka ah ee IGAD Mohamed Affey oo Muqdisho u yimid heshiisiinta Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha

Ergeyga gaarka ah ee IGAD ayaa u yimid magaalada Muqdisho Talaadadii sidii ay u heshiin lahaayeen madaxda ugu sareysa ee dalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
Ambassador Maxamed Afey ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay afhayeenka baarlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Jawaari iyagoo ka wadahadlay xaalada ay marayso siyaasada dalka Soomaaliya.
“IGAD waxa ay ka ahayd hormuud sidii loo gaarsiin lahaa nabad dalka Soomaaliyeed labaatankii sano ee la soo dhaafay.Waxaa naga go’an inaan ka shaqeyno sidii ay joogto u noqon lahayd nabadda haatanka jirto dalka Soomaaliya.”ayuu u sheegay ergeyga gaarka ah ee IGAD wakaalada wararka ee Anadolu.
“Waxaan kula kulmay magaalada Muqdisho afhayeenka baarlamaanka Soomaaliyeed, Waxaan ku faraxsanahay inaan isku fikir ka noqonay sidii xal loogaga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya madaxda dalka isla markaana la xalin karo,”ayuu yiri.
Warkan ka soo baxay ergeyga gaarka ah ee IGAD ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka yahay dadaalo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka dhex jira madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha iyadoo haatan uu weli jiro khilaafka uuna soo if baxay kala qeybsanaan u dhexeysa mudanayaasha baarlamaanka.
Shalay ayay ahayd markii xildhibaano ka mid ah baarlamaanka ay qaarna ka soo horjeedsteen wakiilka gaarka ah ee QM Kay halka qaar kalana ay taageereen warsaxaafadeed uu ka soo saaray arrimo ku saabsan baarlamaanka Soomaaliyeed iyo khilaafka madaxda dalka.
Sidoo kale ururka Midowga yurub ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha iyagoo ku tilmaamay in uu khilaafku yahay mid curyaaminaya hab sami u socodka nabada dalka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...