![]() | ![]() | ![]() |
Written by Administrator |
Saturday, 14 December 2013 15:08 |
![]() Dadka Deegaanka ayaa gacanta ku dhigay Gaari-Tikniko ah iyo Qoryo daba-jeex ah iyo hub fara badan oo Maleeshiyaadkii Indhacadde uu watay ay ka carareen.
![]() Tuuladda Busleey Da*uud ee Sh/hoose ka tirsan oo dagaalka ugu badan uu ka dhacay ayaa Maleshiyaadkii Indhacadde ka carareen meydad gaaraya 11-Ruux,iyadoo 22-dhaawac oo gacanta lagu dhigay ay daweynayaan Ciidamadda deegaanka Sh/hoose ee BRAWaxaa xusid mudan Kooxda Damjadiid ee Xukunka Soomaaliya la wareegay inay qeyb ka yihiin colaadda ka socoto gobolka Sh/hoose,maadaama ay dharka tuutaha ciidamada u soo gelisay General-Falso,Goobaale oo isagana General sheeganaya,weyna adag-tahay in xaalka Sh/hoose xal loo helo,inta Indho-Cade (General-Falso)iyo Kooxda Goobaale hogaaminayaan ay sheeganayaan inay yihiin ciidamadii Dawladda ee Gobolka Sh/Hoose,iyadoo dadka deegaanka ay xasaasiyad ka qabaan Kooxahan oo laga soo bilaabo 1991-dii ilaa 1998-dii Biyaha webiga ka iibin-jiray dadka deegaanka oo maanta qoryaha qaatay si ay isaga dhiciyaan Mooryaantan gobolkooda ku soo duushay ee dhul-balaarsiga wada.Wixii ku soo kordho dagaalka u dhexeeya Dadka deegaanka ee Sh/Hoose iyo Mooryaanta Indhacadde ee Galgaduud ka soo duulay kala soco Shacabkamedia oo caan ku ah erayga Runta kama XishoonoShacabkamedia-Beyra-PuntlandRunta Kama-XıshoonoEmail:Shacabkamedia@live.com |
No comments:
Post a Comment