Monday 30 December 2013

Qaraxyo Khasaaro Ba’an geystay oo Ka dhacay Shabeelaha Hoose

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Qarax Miino oo Khasaaro Geystay Ciidamo ka tirirsan kuwa doowladda Federaalka Soomaaliya halkaasi lagula eegtay.
Gaariga Qaraxa lala Bartilmaamsaday ayaa waxaa Saarnaa Ciidamo iyo Saraakiil Dowladda Soomaaliya ka tirsan kuwaasi oo ay ka mid yihiin Taliyaha Guutada 5aad ee Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Dheere iyo Taliyaha Ururka Labaad ee Guutada 5aad C/llaahi Cali Hurdaaye.
Goob Joogayaalm Shabelle la hadlay ayaa sheegay in Gaariga Khasaaro xoog leh uu gaarsiiyay Qaraxaasi inkastoo aan la ogeyn Xaddiga Khasaaraha uu geystay Qaraxaasi.
Dhanka kale War naga soo gaaray Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose yaa tilmaamaya inb qarax Miino uu ka dhacay Meel ay fariisan jireen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay Ku dhawaad 10 Askari ayaa la xaqiijiyay In Qaraxaasi ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Si kastab Maalmihii dambe aya Xaaladda Ammaan ee Gobolka Shabeelah Hoose waxa ay aheyd mid aan caga badan ku taagneen iyadoo Maamulka Gobolkaasina uu dhawaan quus ka muujiyay Nabad Gelyada Gobolka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...