Saturday 28 December 2013

Garoowe:- Akhri Qodobo muhiim u ah Doorashada Puntland oo Isimadu soo saareen


28. december 2013 Allpuntland
isimada Puntland ayaa Maanta soo saaray go'aan kasoo saaray arimaha doorashada Puntland.

Isimada Puntland ayaa go' aankooda ku cadeeyay in doorashada Puntland ay dhacayso xiligeedii.

Hoos ka akhri Qodobada.

1:- Isimadu waxay isla qaateen in doorshada puntland ay dhacdo xilligii loogu talagalay ee 8-deeda janaayo sanadka 2014-ka aysana ka dib dhici dooni.

2- :Isimada Puntland Waxay go’aamiyeen in aysan guddiga xalinta khilaafaadka iyo xulida xildhibaanada aysan shaacin Karin kuna dhawaaqi karin xubnaha golaha wakiilada ee cusub ilaa Isimadu ay ka turxaan bixinayaan waxyaabaha la isku haysto.

3 - :Waxay isimada Puntland u diyaaryihiin in ay xaliyaan wax walba oo la isku hayo, khilaafna uu ka jiro si doorasho xalaal ay wadanka uga dhacod

shirka maanta go'aanka ay kasoo saareen isimada Puntland ayaa mudooyinkaan ka socday caasimada Puntland ee Garoowe.

Xafiiska Wararka Allpuntland, Garoowe

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...