Wednesday 18 December 2013

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Kulamo Hoose Bilaabay Kadib Baaqashadii Kulanka Cod u Qaadista RW Cusub


Muqdisho (RBC) Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wada kulamo gooni gooni ah oo siyaasadeed kuwaasi oo ay kaga arinsanayaan kulanka soosocda ee cod u qaadista raysal wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed.
Shalay galab ayaa xoghaynta baarlamaanka C/jariin Buux wuxuu shaaca ka qaaday in kulankii baarlamaanka yeelan lahaa maanta [Arbaco] uuna raysal wasaaraha magacaaban ku hor iman lahaa la baajiyey loona dhigay illaa maalinimada Sabtida ah ee soo socota.
Xoghayaha baarlamaanka ayaa arrinta u sababeeyay dhinaca farsamada, wuxuuna sheegay in maalinimada Sabtida ee bisgha tahay 21-ka Disembar, uu dhici doona kulanka baarlamaanka raysal wasaarahuna iman doono.
Dhinaca kale warar aan ka heleyno qaar ka mid ah xildhibaanada ku sugan Muqdisho ayaa sheegaya in kulamo hoose oo xildhibaanada leeyihiin ay qeyb ka tahay arrinta farsamo ee loo hakiyey kulankii baarlamaanka.  Xildhibaabada ayaa hadda u kala jabsan illaa saddexqeybood oo kala ah;
- Qeybtii horey u riday raysal wasaare Saacid Shirdoon oo hadda dooneysa in raysal wasaaraha cusub meel maroi yadoo aan wax shuruud ah lagu xirin.
- Qeyb kasoo go’day kooxdii riday Saacid Shirdoon oo hadda rabta in raysal wasaaraha cusub lagu xujeeyo inuusan soo celin wasiiradii hore ee ku jiray xukuumadii Saacid Shirdoon, ama ugu yaraan arrintaasi mooshin laga soo sameeyo.
- Qeyb horey u taageersaneyd xukuumaddii la ceyriyey ee raysal wasaare Saacid haatana diidan raysal wasaaraha cusub.
Kulamada siysaadadeed ayaa labadii maalmood ee u dambeysay ka socday hotelada iyo guryaha ay egan yihiin xildhibanada, waxaana dadka u dhuun daloola arrimahan ay sheegayaan in dib u dhaca ku yimid cod u qaadista raysal wasaare C/weli Sheekh Axmed ay qeyb ka tahay in marka hore la soo demiyo guuxa siyaasadeed ee ay hadda wadaan xildhibaanada bannaanada ku shirsan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay rsaysal wasaaraha cusub ayay weli xujo ku tahay in raysal wasaaraha uu keenay iyo wasiiradaba laga marsiiyo baarlamaanka, mana jirto meel u madaxweynuhu ku nasan karo illaa inta raysal wasaaruhu ka helayo aqbalaada baarlamaanka.
Waxaa tasi dheer in waqti ku dhow hal bil ay hadda ka luntay dawlada federaalka marka laga soo bilaabo khilaafkii ka dhex bilawday madaxweynaha iyo raysal wasaarihii hore Saacid Shirdoon illaa maanta la joogo oo rsaysal wasaaraha cusub uu sugayo kalsoonida baarlamaanka.

RBC Radio
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...