Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in deegaanadii dhawaan ay ku dagaalameen Beelaha Walaalaha ah iminka la soo dhigay Isbaarooyin kala duwan.
Imaam Cumar Macallin oo ka mid ah waxgarad arrintaasi kaga shiray Magaalada Muqdisho ayaa isagoo la hadlaya Raadiyaha Shabelle waxa uu kaga digay dadka mar welibaa ku howlan Jid gooyooyinka in ay ka waantoobaan arrintaasi.
“Runtii dhaawacyada damqinaya Heshiiska la gaaray ee in laga wada shaqeeyo Nabad gelyada Gobolka ahaa ayey ka mid tahay” ayuu yiri Imaamku.
Dhawaan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay shaaca ka qaaday in ay qaaday Isbaarooyinkii Gobolka Shabeelaha Hoose intooda badan
No comments:
Post a Comment