Wednesday, 11 December 2013

Xukuumadda Somaliland oo soo dhaweysay hoggaamiyihii Maamulka Awdal State ee mucaaradka ku ahaa Somaliland


Arbaco, December 11, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland, ayaa soo dhoweysay madaxweynaha maamulka Awdal State oo dhowaan heshiish la saxeexday Somaliland.
Madaxweynaha Maamulka Awdal State Rashiid Aw Nuur Xirsi oo ay ku wehelinayeyaan safarkooda xubno ay ka mid yihiin ku xigeenkiisa Aamina Daahir Aadan ayaa maanta ka soo degay madaarka Hargeysa, kuwaas oo ay ka hor tageen xubno ka socda wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo badhasaabka gobolka Awdal.
Rashiid Aw Nuur ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Somaliland yimaado, isla markaana ummadiisa wax la qabsado, waxaanu cadeeyey inuu ka noqday mabdi’iisii uu hore u aaminsanaa ee doonayey inuu maamul gaar ah ka hirgaliyo Awdal, isla markaana ka madax banaanaysiiyo Somaliland.
“Waxaan cadaynayaa inaan ka noqday mabdi’ii aan aaminsnaaa ee midnimadii Soomaali weyn, isla markaana ka shaqayn doono midnimada Somaliland, waxaana walaalayaha reer Sool-na leeyahay nagu dayda oo waxwada qabsiga iyo taageerada Somaliland aynu iskugu nimaadno, wixi idinka dhimana aynu geed hoostii ku wada hadalno”ayuu yidhi Rashiid Aw Nuur oo ahaa hogaamiyihii maamulka Awdal State oo ka hadlayey mabdi’isii hore iyo waxa iska bedelay.
Wasiirka arrimaha bulshada iyo qoyska Maxamuud Axmed Bare (Garaad), ayaa sheegay inuu si weyn usoo dhoweynayo weftigan, isla markaana uu madaxweynaha Awdal State ka noqday aragtidii hore ee uu aaminsa ee Awdal State.
Heshiishkan dhexmaray hogaamiyaha Awdal State iyo xukuumadda Somaliland ayaa ka dambeeyey ka dib markii gudoomiyaha gobolka Awdal Cabdoo Aayar uu kulamo gooni gooni ah kula yeeshay dalka imaaraadka Carabta ku heshiiyeen inay Somaliland ka mid noqdaan, halkaasi oo ay ku kala saxeexdeen heshiish  ah inay dalka yimaado, isla markaana ka qaybqaato horumarka ka socda.
Madaxweynaha ayaa u wakiishay badhasaabka gobolka Awdal inuu ku qanciyo inay Somaliland yimaadaan, kaas oo uu ku guulaystay, isla markaana ay dalka yimaadeen wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Rashiid Aw Nuur oo mucaarad ku ahaa Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Siilaanyo ayaa hore ugu guulaystay inuu qanciyo hogaamiyihii hore ee SSC Saleebaan Xaglo toosiye oo hogaamin jiray jabhad ka dagaalanta Buuhoodle oo wakhtiyo badan iska hor yimaadeen ciidankiisa iyo ciidanka Somaliland, haseyeeshee heshiish labada dhinaca wada galeen ku heshiiyeen inay Somaliland wada difaacaan ,isla markaana ka mid noqday golaha Wasiiradda Somaliland.
Tallaabadan waxay noqonaysaa tii labaad ee uu ku guulaystay madaxweyne Siilaanyo inuu siyaasyiinta mucaaradka ah kasbaddo, isla markaana heshiish la gallo, kuna darsan doono waxqabadkiisa xukuumadiisu ku talaabsatay mudadii ay xilka hayeen.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Onlinebarkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...