Monday 21 March 2016

Puntland oo soo bandhigtay Maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Togga Suuj (Sawirro)


by A M Monday, Mar 21, 2016 | 4166 views
Maarso 21 (Jowhar)— Ciidamada Puntland ee ka dagaalamay Togga Suuj ayaa soo bandhigay maxaabiis ay ku qabteen dagaalkii halkaas ka socday maalmihii la soo dhaafay, waxaana saraakiisha Puntland ay sheegeen inay si rasmi u soo afjareen dagaalkii halkaas ka socday.
War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in maxaabiistan la soo qabtay maalinimadii shalay, waxaana caawa fiidkii la geeyay magaalada Garowe ee caasimada Puntland.
Maxaabiistan oo gaareysay illaa labaatameeyo dhalinyaro aad u da’yar ayaa waxay u badnaayeen kuwo da’dooda u dhaxeysay 13 illaa 19 jir
Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in illaa lix dagaalamayaal ku dileen dagaaladii ka dhacay Togga Suuj, isla markaana ay ku daba jiraan qaar kale oo ka firxaday halkaas.
14-kii bishan ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo doonyo watay ay ka dageen xeebta Garacad iyo Garmaal, dagaalyahanadan ayaa lagu qiyaasay inay gaarayaan boqolaal, lama oga halka jaan iyo cirib dhigeen kuwa kale.
 maxaabis (11)
maxaabis (1)maxaabis (2)maxaabis (3)maxaabis (4)maxaabis (5)maxaabis (6)maxaabis (7)maxaabis (8)maxaabis (9)maxaabis (10)maxaabis (11)
Like it? Share it!

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...