Xildhibaanada ka hor imaadsan gudoomiyaha barlamanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku doodaya in gudoomiyaha waqtigiisii uu dhamaaday sidaasi darteedna ay waajib tahay in la qabto doorasho kale oo lagu dooranayo gudoonka. Haddii uu markaasi isa soo sharaxo Sheekh Aadan Madoobe ay suuragal tahay.
In ka badan 300 oo xildhibaan oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Khamiistii [22-04-2010] soo saaray mooshin ka dhan ah gudoomiyaha barlamanka. Waxaana mooshinkaasi ay xildhibaanada u gudbiyeen madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlay mooshinka ayaa ku tilmaamay mid aan sharci ku fadhin isla markaana ay ka dambeeyaan dad uusan carabaabin. Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu isagu yahay gudoomiyaha barlamanka o sharciga ilaalinaya illaa hadda.SII AKHRI
No comments:
Post a Comment