Wednesday 16 February 2011

Ahlu Sunna iyo ciidamo Ethiopian ah oo ku wajahan qeybo ka mid ah Gedo

February 16, 2011 Markacadeey


Ciidamada Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo garabsanaya kuwa Ethiopian ah ayaa la sheegay in ay ku wajahanyihiin islamarkaana ay dagaal kala hortagi rabaan ciidamada Xarakada Al Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Wararka laga helayo degmada Dooloow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan halkaasi ciidamo isugu jira Soomaali iyo Ethiopian islamarkaana ay kusoo wajahanyihiin dhinaca magaalooyinka Baladxaawo iyo Luuq ee isla gobolkaasi.

Wararka ayaa intaasi raacinaya in ciidamadaani Ethiopian-ka ee maanta soo galay degmada Dooloow ay kaa bayaan ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca oo mudooyinka dambe dhaq dhaqaqyo ciidan ka waday degmada Dooloow ee gobolka Gedo.

Mid ka mid ah dadka ku nool degmada Dooloow oo la hadlay warqabadka Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in gudaha magaaladaasi lagu arkayo gaadiid farabadan oo ay wataan saraakiisha Ciidaamda Ahlu Sunna Waljamaaca iyo ciidamada Ethiopian-ka ee maanta halkaasi gaaray.

Dhinaca kale Afhayeenka ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo Sheekh C/waaxid ayaa waxaa uu Shabelle u xaqiijiyay in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan gobolka Gedo islamarkaaana ay kusoo wajahanyihiin sida uu tilmaamay degmooyinka gobolka oo ay Maamulaan Al Shabaab, hase ahaatee waxaa uu meesha kasaaray in ay kaa bayaan ciidamo Ethiopian-ah.

Sidoo kale degmooyinka Luuq iyo Baladxaawo ayaa waxaa iyana dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab, waxaana dadka ku sugan halkaasi ay sheegeen in Ciidamada Shabaab la’isugu keenay goob banaan ah oo ku taala maagalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Waxaa xiligaan cabsi ay isla soo daristay dadkii danyarta ahaa ee ku noolaa gobolka Gedo kuwaasi oo ka baqdin qaba dagaal dhexmara Al Shabaab iyo saraakiisha Ahlu Sunna ee garabsanaya ciidamada Ethiopian-ka ah.
 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...